Na Tuur tuura
Reer Burcoow
Nama Taqaanaane

Sida ay dad badani rumaysanyhiin, Xisbiga Kulmiye waa rajada ugu
wayn ee laga qabno inay S/Land ku tallaabsato Dimoqradiyad hor-leh
iyo horumar. Haseyeeshe, waxaa dhawaan soo shaac baxaya asataamo
sheegaya in xisbigu ka fogaanayo habka awood-qabsiga iyo
wada-tashiga. Soomaalidu waxay ku maaahmaahdaa, Gorayo La Ogaayoo,
Haad bay Noqottay. Soomaali la ogaayoo, Qabiilbay Noqottay. Marka
runta lagu wada hadlo, Kulmiye waxaa taageeryaashiisa ugu badan G&W
Hargeysa iyo Bariga Burco - waa marka la tix-raaco natiijooyinkii ka
soo baxay doorashooyinkii paarlimanka ee ugu dambeeyay.
Arrinka labaad ee meesha ku jiraa
waa labada beelood ee Kulimye taageerayaashiisa ugu badan oo ay
muuqato inay aad u kala fogyihiin marka la eego dhinaca dhaqanka,
Taariikhda iyo reer magaal-nimada. Beeli wa mid laba habeen gudahood
shir ku abaabuli karta oo ay ka dhaxayso tollaayeey. Beesha kalena
30 sanno meel ay ku shirtay lama sheegin. Beeli waa beel nin-keeda
qabankarta, raggeedana kala reebi karta, waxna ku heshiinkarta.
Beesha kale, waxa ka dhaxeeya "inta Diinta" – waa Halkii "Foode".
Waa quruun Hindi ah oo ku dhex nool mujtamac qabali ah. Arrintaas
ayaa laga yaabaa haddii aan laga tabaabushaysan oo aan laga hortagin,
inay keeni karto is-mariwaa iyo is-maandhaaf.
Marka dhinac kale laga eego, Beesha W&G Hargeysa oo aad u taageerta
Kulmiye, waa nimankii qarniyadii la soo dhaafay dhisay
maglooyinka
Berbera iyo Bulaxaar,
waa beeshii
Hargeisa, Gabiley iyo
Wajaaleh dhistay
ee cammirtay, Waa beesha qayb libaax ku lahayd
dhismaha iyo cammiraadda magaalooyinka
Jigjiga iyo
Jabuuti .
Halka Beesha Bari Buco, magalo
dhisan oo ay cid la degto mooyee aany taariikhdu shegayn Magaaalo ay
curiyeen oo ay iyagu cammireen. Malaha Garadag iyo Caynabo
magaalloyin loguma tilmmaami karo.
Haddabe, waxa dhawantan aad u muuqatta in xisbiga Kulmiye ka
fogaanayo Mabaadii'da awood-qaybsiga ee ku dhisan caddaalada iyo
sinaanta.. Sidaa awgeed waxaan ku talina-lahaa in loo soo noqdo
ujeedooyinkii iyo hab-dhaqankii xisbigu ku caano-maalay sida hoo ku
sheegan:
1. In la garawsado in xisbiga loo
simanyahay oo aan qof amma reer gaar u lahayn.
2.
In ujeedadu ahaatto sidii xisbigu isu haysan lahaa ugna guulaysan
lahaa doorashooyinka soo socda.
3.
In laga waynaado nin jeclaysi iyo nin necbaysi oo hadafku noqdo
sidii xisbiga awooddiisa iyo taageerada uu shacbiga ka haysto kor
loogu qaadi lahaa
4.
In laga waaantoobo wax-s-waydaarrinta iyo khiyaamooyinka oo talada
oo qaybsado sidii lagu heshiiyay.
5.
In kooxda ka cadhootay shirkii Burco laga raali galiyo waxyaabaha ay
qoonsadeen.
6.
Marka xaq iyo caddalad wax lagu qaybsado, cidda ku guulaysta
musharraxa madaxwaynaha iyo ku xigeenka iwm, waa in la taageero oo
aan la kala baydh-baydhin.
Haddii taa la waayo, oo nin waliba ceesaantiisa la carrabo, waxa
dhici doonta in nin walba halka uu joogo ay ugu dhammaato. Oo
Kulmiye mar labaad ku fashilmo awoodda waddanka inuu gacanta ku
dhigo. Soomaalidu waxay ku mahmahdaa Karis-xun iyana wax ku la.
Waxaan halkan ku soo bandhigayaa tir-koob ku salaysan tirooyinkii
cod-bixyaashu ku codeeyeen doorashooyinkii Paarlemanka ee ugu
dambeeyay.
Sida tira koobtu sheegayso,
Beesha Bariga Burco waxay heli karto ilaa 85
kun oo cod, halka Beesha W&G Hareysa heli karto ilaa
224 kun oo cod. Sidaa awgeen waxaanu
leenahay
"
Na Tuur Tuura Reer
Burcoow Nama Taqaaniine
"
Beesha W&G Hageisa Beesha B. Burco
M.Jeex 2/3x253k = 169k --
Togdheer 1/6x122k = 20k 1/3x122k = 41k
Saaxil 2/3x53k = 35k 1/6x53k = 09k
Sanaag -- 1/3x89k = 30k
Sool --` 1/4x21k = 05k
--------------------- ------------------
Total votes 224k 85k
Xasan Cabdi Yare
hassan_ayousuf@hotmail.com
Riyadh , Sucuudi Arabia
|