INAAD SAAMO JIIDIYO SANQADH TIRASHO KALA DAA

 

 


 

Waxaa laga joogaa mudo todoba maalmood ah dalbaadegii sanad guuradii 20-aad ee gooni iskutaaga Somaliland. Dabaaldega sanadkan oo ahaa mid aan horay uga dhicin aduunyada baalaheeda, waxa muuqatay in gudaha iyo d ibadaba si balaadhan looga dalbaadegay.meel kasta oo laga dalbaadegayey waxay dadku ku dhawaaqayeen ilaa h ayaw ictiraaf na sii inta ka horeysa sanadkan sanadkiisa. Waxaa kale oo hadaladooda ka mid ahaa Somaliland waa dal jira oo madaxbanaan, jiritaanka somalilandna waa muqadas. Dadka hadaladaas ku dhawaaqayey waxay u badnaayeen dhalinyartii ku idhbariqsatay calanka iyo gooni isku taaga Somaliland.waxaa hadaba wax lala yaab o ah waxaa xukuumada Somaliland ku kalifay mar labaad inay ka qayb gasho shir loogu ariminaayo Somaliya iyo Gobolada Somaliya sida Putland, Galmudug isla markaa si indhalaa dhegaleh ah dadka ula hadlaan oo ay ku andac oodaan inay raadinayaan ictiraafka Soomaliland, dhinaca kalena ay cadahay inay ogolaadeen in Somaliland ka mi d tahay gobol ka mid ah Somaliya.madaxdii shirka gudumooniyey waxay shirka ka cadeeyeen in Somaliland ka mid tahay gobol ka tirsan Somaliya.Madaxwaynaha Somalilnd iyo wasiiradiisuba waxay ku qasban yhihiin inay fuliyaa n balanqaadkii ay horey ula galeen dawlada maraykanka, xiligii uu gudoomiyaha kulmiye ahaa. Heshiiskaas oo aan wax dood ah laga samayn maha mid xilgaas la waafajiyey habka xukuumiga oo aan la horkeenin baarlamaanka iy o golaha guurtida wuxuu ahaa mid heer xisbi ah .

 

Madaxwaynaha Somaliland oo xiligaa ahaa Gudoomiyaha Kulmiye iyo wasiirka arimaha dibada oo xiligaa ahaa xog hayaha arimaha dibada ee xisbiga Kulmiye. labada shakhsi ee heshiiska galay ogolaadayna in Somaliland ka mid noqoto gobol ka tirsan Somaliya arintaana fulin doonaan hadii ay ku guulaystaan doorashada madaxtooyada ee Somaliland.Waxaan ku leenahay Madaxwayne siilaanyo manta waxaad tahay maanta Madawaynaha Somaliland ee ummada Somalilnd kuu dooratay. Ummadu waxay ku leedahay INAAD SAAMO JIIDIYO SANQADH TIRASHO KAL A DAA..Waxaan dadwaynaha Somaliland leeyahay dib u xasuusta shirkii 25kii June 2009.kii ka dhacay wadanka Maraynkanka Halkii Xukuumadii Somaliland markaa iska taagtay iyo Goaankii Gudoomiyaha Kulmiye iyo xoghayihii arimaha dibada ee xisbiga kulmiye xiligaa gaadhay iyo waxa mawqifka Maraykanka iyo UNku ahaa. Halkan ka akhri qoraaladii websaydyada kala duwani baahiyeen xiligaas.Waxaan mar labaad Ummada Somaliland xasuusinayaa in 27ka bisha May tahay maalintii SNM soo galeen dalka si ay uga saaraan taliskii macangaga ahaa ee Siyaad Barre.


2dii June 2009Waxa Suurtogal Ah In Maalin Uun Ay Somaliland Go’aansan Doonto Inay Ka Mid Noqoto Soomaali weyn” Donald Payne
By Somalimirror on 2 Jul, 2009 5:35 PM in Main, Wararka

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka arrimaha dibedda ee Baarlamaanka Maraykanka Mr.Donald Payne, ayaa sheega y in Dawladdoodu ay ka xuntahay diidmadii Maamulka Somaliland ay ka cudur-daaratay ka qayb-galka Shir ay isu gu yimaadeen Dawladda Shariif Sh. Axmed iyo Maamul-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya, isla markaana wuxu u ku tilmaamay tallaabo ay Somaliland isku go’doomisay. Waxaanu sheegay in ay diidmadaa u arkaan in Maamulk a Somaliland aanay diyaar u ahayn caawimo ay ka hesho Maraykanka, taa bedelkeedana ay Dawladdoodu ay taa geero u fidin doonto Dawladda Shariifka iyo Maamul-gobolleedka Puntland.


Diidmadii Somaliland ee Shirka:

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Maamulka Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa 25-kii bishii June ee aynu ka soo gudubnay Shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa ku sheegay in Maamulka Somaliland ay diidday, kana cudur-daaratay kulan Warbixin-dhegaysi ah oo laysugu keenayay Somaliland, Dawladda Shariifka iyo Maamul-go bolleedka Puntland. Kulankaas oo dhacayay maalinimadii 25-June ee uu soo galayay habeenimadii 26- June, ayaa uu Wasiirku ku tilmaamay mid sharaf-dhac ku ah Somaliland. “Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka arrimaha dibedda ee Koongareeska Maraykanka Mr. Donald Payne ayaa marti-qaad noo soo diray, gaar ahaan aniga igu casuumay in aanu ka qayb-galno kulan ka dhici doona Maraykanka, kaas oo aanu u sheegnay in aanu mabdi’iyan qaadanay, balse aanu ka wada-tashano. Dabadeed, waxaanu u xil saaranay Wakiilka Somaliland ee Washington Dr. Sacad Sh. Nuur, Mr. Donald-na wuxuu u xil saaray guddi, iyada oo qaban-qaabinta arrintaasi socoto, ayaa waxa dhacd ay in aanu helnay xogo sheegaya in Shirkaasi uu yahay mid la doonayo in laysugu keeno Somaliland iyo dhinacya da Federaalka Soomaaliya. Markii aan kula noqday Madaxweynaha, waxaanu isla garanay in ay sharaf-darro iyo sharaf-dhac ku tahay Somaliland.” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland.


Natiijadii Maraykanku kaga dhawaaqay Shirka:

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka arrimaha dibedda ee Koongareeska Maraykanka Mr. Donald Payne, ayaa sheeg ay in diidmada Somaliland ee shirkaasi uu yahay mid ay ka xumaadeen, islamarkaana ay Somaliland go’doon isku-gelisay. Waxaanu sheegay in ay rejaynayaan in maalin uun Somaliland ka mid noqoto Soomaaliweyn, isla markaa na ay dib ula midowdo Soomaaliya oo ay ka qayb-gasho dedaaladda loogu jiro soo-noolaynta rejadii Nabadda So omaaliya. Mr. Donald Payne ayaa hadalkan ka sheegay gebo-gebadii shirka ay Somaliland ka baaqsatay ee ay is ugu yimaadeen Maamul-gobolleedka Puntland oo uu metelayay Madaxweyne Faroole iyo Dawladda Soomaaliya oo uu meteleyay ku-xigeenka Safiirka Maraykanka u fadhiya.

“Mar labaad waxaan doonayaa in aan soo bandhigo sida aanu uga xunnahay diidmadii Somaliland ee inay ka soo qayb gasho Shirkan. Si kastaba ha ahaatee, hore ayaynu u soconaynaa. Waxa suurtogal ah in maalin uun ay So maliland go’aansan doonto inay ka mid noqoto Soomaaliweyn, una yimaadaan sida aad intiina kale u timaadeen.” Ayuu yidhi Mr. Payne oo sida uu muujinayo Cajalad Muuqaal ah oo laga baahiyay Khudbaddiisii u muuqday nin ba ahinaya go’aanka dawladdiisa ee ku aaddan Somalilad.


Waxaananu ka welwelsanahay, haddii ay doonayaan inay is-go’doomiyaan, waxa loo xaqiijin karaa inaan samay nayo wax kasta oo aanu ku go’doomin karno.” Ayuu intaa raaciyay Mr. Payne.

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka arrimaha dibedda ee Koongareeska Maraykanka Mr. Donald Payne waxa uu she egay in tallaabada Maamulka Somaliland qaadday ay ula muuqato in aanay doonayn caawimo iyo taageero ay Ma raykanka ka hesho, sidaa darteed ay caawimo u fidinayaan Maamul-gobolleedka Puntland iyo Dawladda Shariifka ee Soomaaliya.
“Waxaana cad in aanay u baahnayn (Somaliland) in la caawimada iyo taageerada Dawladda Maraykanka. Sidaa darteed, waa in aanu caawinaa Soomaaliya iyo Puntland, waxaananu u samayn doonaa wax kasta oo aanu awoo dno.


Ugu dambayntii, waxaan idinku hambalyaynayaa (Ka-qaybgalayaashii Shirka) ka soo qayb-galkiina.” Ayuu hadalk iisa ku soo gebo-gebeeyay Mr. Donald Payne.
Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo aanay Xukuumadda Somaliland si cad u sheegin sabab dhab ah oo Somaliland uga baaqsatay kulankan oo u muuqda mid dibloomaasiyad ahaan ka weji duwanaa sida loo fahmay, isla markaana ahaa mid dhegaysi ah oo dhinac waliba ku soo bandhigayay waxyaabaha u qabsoomay, wuxuu tebayo iyo codsiy adooda, haddana waxay Xukuumaddu hore u shaacisay in Mr. Donald Payne uu saaxiib la yahay Somaliland, waxa anay hore u dedafaysay Warar Warbaahintu baahisay oo sheegayay in uu si cadho leh uga jawaabay diidmada Somaliland ee shirkaas. Garnaqsigii M/weynaha Puntland ee Shirkii saddex-geesoodka ahaa ee Maraykanka.




Payne.Oo Kawada Shaqeynya Qadiyada Somaliweyn


Washiton(Tvsle)-Guddoomiyha Xusbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamud Silaanyo,ayaa la kulamey Guddoomya ha Guddiga Afrika ee Baarlamaanka Maraykanka,Mr Donald Payne.

ilaa iyo hada lama garan karo ujeedada kulankaas madama Mr Donald Payne uu yahay shaqsi si weyn oo badhee dha uga soo horrjeeda qaranimada dalka Somaliland,sheegeyna dhawaan inuu kusoo dabalayo Somaliland Dalkii Somaliya.

Kulankan ayaa u muuqda bilowgii kala jab siyadeed oo aad u weyn oo soo wajaha xisbiyada dalka Somalilad mad aama Mr Donald Payne uu hataan heley dhinac tageersan siyadiisa Somaliweyn ee ku wajahan burburinta dalka Somaliland.

published on Thursday, 14 January 2010

 

 

 

 

 

Mahid Jama Rooble