Muxuu Daaranyahay Damacan Madaxweyne ee
Siyaasiyiinta Somaliland Wada Galay

 

 


Marka hore waxan salaamayaa shabakadaha madaxa banaan iyo hawl wadeenadoodaba, sidoo kale waxan aad u salaamayaa dhamaan shacbi weynaha Reer Somaliland meel kastoy joogaanb a.

Haddaan u soo dago dulucda qoraalkan aan qalinka u holaday, waxa baryahan aan warbaahinta madaxa banaan ee reer Somaliland ku arkaa musharaxiin madaxweyne oo tiro badan oo Siyaasi Waliba marka wax laweydiiyo soo qadimaya waxa igu jira damac madaxweyne.


Damacu Maxumo oo qof kastaaba han wuu leeyahaye , haddaan sida kale u dhigo maxaa ku soo beega iyadoo madaxweynihii la doortay aanu sannad wali kursiga ku fadhiyin?


Bal hadda ila eega inta siyaasin wakhti xaadirkan uxusu lduuban, ee muujiyay hankooda inay rab aan inay maruun ka soo dhex muuqdaan Aqalka Somaliland looga arrimiyo ee madaxtooyada.


1-Muj.  Muuse Biixi  2- Cabdicasiis Samaale 3- Cabdiraxmaan Cabdi Qaadir 4- Dr. Gaboose 5- Mo hamud Haashi Abdi 6-Ina Warancade 7-Siciid Sulub 8-Cabdiqaadir Jirde, inkastoonu wali cadayn 9-Cabdiraxmaan Cirro 10-Ina waqaf


Sidoo kale waxa jira iyaguna rag badan oon kamid ahayn xisbiyada hadda jira oo iyaguna raba in ururada lafuro si ay halkaas uga helaan jaanis ay isugu soo taagan musharaxnimada hogaanka dalka.


Waxa aan iyaguna meesha ka maqnayn siyaasiyiin tiro badan oo diidaya inay ka sii hordhacaan balse damac weyni ku jiro, sida Saleebaan Nuur oo kale .Runtiina waa arrin ugub ku ah siyaasad a Somaliland in Madaxweyne Kursiga imikuun ku fadhiistay ,ay wasiiro xukuumadiisa katirsan iyo hogaanka xisbigiisuba soo bandhigaan inay musharaxiin madaxweyne noqonayaan shan sanno ka dib.
 

Akhristeyaal waxa halkaa ka muuqata in haldoorkii wadanku ay u wada xusul duubteen Kursiga ugu mudan dalka inkastoon wali lagaadhin wakhti doorasho balse halgan adagi ka dhex socdo a xsaabta Qaranka dhexdeeda markaa bal ha inoo dambeeyaan Siyaasiyiinta Axsaabta mucaarad ka ahiye Wasiirada iyo Madaxda xisbiga talada hayaa haddiiba ay wada musharxiin yihiin sidee bay dalka u hogaamin karayaan amaba wada shaqayntoodu u wanaagsanaanaysaa Ilayn waxay ku mashqaalayaan sidoo nin waliba bulshada taageero uga heli lahaaye


1. Miyaanay idiinla muuqan in ololaha kursigu ka mashquulin karo shaqadii ay qaranka uhayeen?


2. Miyaanay suurto gal ahayn in Wasiirka doorshado madaxweyne doonayaa uu kala faquuqa d adweynaha uu xilka u haya oo uu soo kala dhawaysto, uu soo dhaweysto gobolada ama beelaha uu u arko inay taageerayaan mustaqbalka fogeeyana cidda uu arko inay siyaasiyiinta kale taage ero umiijiyaan


3-Nin musharax ahi miyaanay suurtagal ahayn inuu olole ku galo awooda kursiga uu kufadhiyo si uu u helo taageero?


Dhamaanba su'aalahaasi waa qaar aan uga baxayo akhristeyaasha jawaabtoodu



Ugu dambayn waxan ku soo gabo gabaynayaa Somaliland isku duubni iyo wada jir ayay wax ku noqotay waanay ku socon doontaa.



Allaa Mahad Leh

 

 

 

 

 

Ahmed Khaliif