Ogaysiis: Muxaadaro diini ah oo abaaraha Somaliland ka jira wax loogu uruurinayo

 


Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community (WLSC) wuxu dadwaynaha reer Somaliland ee daggan London ogaysiinayaa innuu qaban doono muxaadaro diini ah oo dhaqaale loogu uruurin ayo muwaadiniinta Somaliland ee abaaruhu waxyeeleyeen.


Muxaadaradu waxay dhici doonta Sabtidan soo socota, saacadu markay tahay 2-da duhurinimo (s aalada duhurka ka dib) waxay ka dhici doonta xaruunta urur jaaliyadeedka WLSC ee Somaliland Ce ntre, 80 East Avenue, Hayes, UB3 2HR.


Muxaadarada waxa inoosoo jeedin doona Sheikh Maxamud Sheikh Dalmar iyo culimo kale-ba.


Fadlan kasoo qayb galla si khayrka bisha barakaysan uga faa’idaysano oo aynu walaalaheen waxaynu karayno ku caawino.


Ciddii iman karayn ee laakiin rabta inay khayrkan ka qayb qaadato waxay caawimada ku hagaajinayaan bank account-ka hoos ku faahfaahsan:

Magaca bangiga: HSBC

Magaca account-ka: West London Somaliland Community

Sort code: 40-02-33

Bank account: 91602780



Ilaahay bisha Ramadan khayrkeeda ha ina wada siiyo oo dalkeena abaaraha ha ka dulqaado, aamiin.

 

 



Maamulka West London Somaliland Community (Charity No. 1128309)