MUWAADINIINTA KU GUULAYSTAY SHAHAADO SHARAFTA SANNADKA 2010 EE TIMACADE NEWS NETWORK TNN

 

 

Maamulka shabakadda caalamiga ee Timacade News Network TNN , wuxuu  mahad celin ballaadhan u dirayaa dhammaan shacabka  Somaliland ee qadarinta,karaamada iyo sharaftaba naga mudan, ee  dalka gudihiisa  iy o dibadiisaba  nagala soo xidhiidhay.

Muwaadiniintaasi  , oo soo magacaabay  Shaqsiga Sannadka,  muwaadiniinta iyo shirkaddaha ,waxa badan u qabtay dadkooda iyo dalkooda Hooyo, sannadakii inna soo dhaafay ee 2010,  muteysatayna in  lagu Sharfo , laguna maamuuso wax qabadkooda . Muwaadiniintaasi waxay  kala yihiin ,sida hoos ku qoran :

 

MAGACYADA  MUWAADINIINTA

MAGACYADAA  SHIRKADDAHA

-Marwo Faadumo Siciid (Ururka Samo Falka ee ODHA) -Shirkadda Indha Deero
-Eng. Maxamed Xaashi Cilmi , Wasiirka Maaliyadda -Dahabshiil
-Professor Xuseen Cabdillahi Bulxan -Telesom
-Maxamed Aw Siciid   (Ganacsade) -Horn Cable TV
-Eng. Maxamed Cali Muse, Timacade News Network (TNN) -Edna Adan Maternity Hospital
-Xaaji Axmed Daahir Cumar( Baxsane) (Ganacsade)  
-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Sh. Aadan Siiro)
-Eng. Faysal Cali Waraabe (Guddomiayah Xisbiga UCID)  
-Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  
-Marwo Amina-Weris Sheekh Maxamed Jirde  
-Farxaan Xaaji Cali Axmed (Horn Cable TV)
- Daahir Riyaale Kaahin (Guddomiyaha Xisbiga UDUB)  
-Gudida Komishanka Qaranak Somaliland  
-Dr Maxamed Cabdillahi , Wasiirka Arrimaha Dibadda
-Dr Axmed  Xuseen Ciise (Madaxa Abaarso Tech)
-Marwo Edna Aadan
-Madaxweyne ku xigeenkii hore , Axmed Yuusuf Yaasiin

 

Waxaanu hambalyo u diryanaa dhammaan muwaadiniinta kor ku xusan iyo  Shirkadahaba, dadaalkii iyo  waxq abadkii ay u fidiyeen dadkooda iyo dalkooda hooyo , ee sannadkii 2010 .Waxaanu idiin rajaynaynaa guul iyo horumur ballaadhan inaad gaadhaan sannadka cusub ee 2011, Allaha weynina idiin fududeeyo.

 

Annagoo qiimeynayna tayada codadka na soo gaadhay, muhimadda wax qabadka shaqsiga , baaxada haws ha ay qabatay iyo saameynta ay ku yeelatay bulshada , waxaa ku guulaystay shahaado sharafta  Shaqsiga Sannadka 2010 ee  Timacade News Network TNN:

 

 

Marwo Faadumo Siciid Guddoomiyaha Ururka Samo Falka ee ODHA

 

Marwo Faadumo Siciid , Guddoomiyaha Ururka Samo Falka ee ODHA iyo  Daryeelka  caruurta Darbi jiifka ah ,w axay gacan weyn ka geysatay,una guntatay , inay ururiso caruurta ku tabaalaysan caasimadda Somaliland ee Hargeysa,waxaanay dadaal dheer u gashay inay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba gaadhsiiso,nolosha dhiba atada iyo khatarta leh  , ee caruurtaasi habeen iyo maalinbba ku sugan yihiin.

 

Caruurta Darbi jiifka ah,oo isugu jira wiilal iyo gabdhaba,waxaa Xil ka saaran yahay dhammaan shaacabka So maliland iyo Dawladaba,waana wax dhammaanteenba innagu waajib ah inaan gacan ka gaysanno,Allaha wey nna innoogu naxariisanayo .

 

Dhammaan Maamulka Shabakadda Caalamiga ah ee Timacade News Netwqork (TNN), waxay Hambalyo u diray ayaan dhammaan muwaadiniinta ku guuleystay Shahaado Sharafyada  iyo Marwo Faadumo Siciid, oo ku guul eysatay, Shahaado Sharafta Shaqsiga ee 2010 ,  (Person Of The Year)

 

 

 

 


Maamulka Timacade News Network TNN

www.TimacadeNews.com
www.RadioTimacade.com
www.Timacade.com
www.LongLiveSomaliland.com