Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay
diyaar u yihiin inay ka qayb galaan xalinta khilaafka Xisbiga
Mucaaradka ah ee UCID, jawaab kululnna ka bixiyey
hadal dhawaan ka soo yeedhay Suldaan Maxamed Suldaan
Cabdiqaadir

Hargeysa 7 August,2011 (TNN)-War
saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE,muda ne
Muuse Biixi Cabdi, ayuu ku sheegay inay
diyaar u yihiin ka qayb galaan xalinta khilaafka Xisbiga UCID. Waxaa
kale oo uu Guddoomiyuhu jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo
yeedhay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir......Warsaxaafadeedka
oo dhameys tiranna wuxuu u qornaa sidatan:
“Xisbiga UCID, waxaanuna ugu ducaynaynaa inay khilaafkooda ku
dhamaystaan si nabadgalyo ah.
Dhibaatad da xisbiga Qaran ee UCID soo gaadhaya waxaanu u aragnaa
inay tahay dhibaato soo gaadh ay Somaliland oo dhan, sidaa daraadeed
KULMIYE waxa uu diyaar u yahay inuu ka hawl-gallo kaalinta looga
baahdo ee khilaaf kaasi xal looga raadinayo.
Baryahan waxa ku soo badanaya warbaahinta hadal haynta beelaha,
KULMIYE-na waxa uu aaminsan yahay in Qaranimada iyo Dawladnimadu ka
faa’iido badan yihiin Beelnimada, Qarankuna waxa uu ka koo ban yahay
Beelo, horumarkuna waxa uu ku jiraa in Qaranimada la kobciyo oo
dawladnimada la adkeeyo si dawladnimada loo gaadho.
Magaalooyinku waa mushtamac balaadhan oo baahidoodu isku mid tahay,
umadda magaalo ku wada no oli wa xay u wada baahan yihiin, cisbitaal,
biyo, jidad iyo amni, intaas oo dhana beeli ma hirgalin karto
kaligeed, balse waxa la heli karaa marka beeluhu midoobaan ee ay
qaran iyo dawlad noqdaan, dantuna waxay ku jirtaa in Mag aalo walba
horumar iyo wada jir ay ka fikirto ee aanay xaafad-xaafad u kala
gurmin.
Mida kale, madax-dhaqameedyadda nabadgalyadda beesha gudaheeda iyo
beelaha deriska ah nabade yntooda iyo isku xidhka beesha iyo dawlada
ayaa lagu ogyahay, waxaase baryahan dambe soo baxay oo la arkayaa
Ma dax- dhaqameed Siyaasadda iyo arimaha xisbiyadda, waxa nasiib daro
ah in madax-dhaqameedku ka hadlaan siyaasadda, haba ka hadlee uu uga
hadlo si guracan oo aan ahayn milgo waa yeelnimo.
Dhawaan madax-dhaqameed siyaasad ka hadlay waxa uu sheegay laba
arimood oo runta ka fog, waxa uu ma lo- awaalay in
siyaasadda xisbiga
KULMIYE tahay mid u janjeedha la midowga koonfurta, waa ma rkii uu
Mad axwaynaha ka sheegay arin aan loo nisbayn Karin Madaxwaynaha
Somaliland Md Axmed Ma xamed Maxamu ud (Siilaanyo) iyo
Xisbigiisa
KULMIYE waligood hiilka Somaliland mooyaane hagar-daam adeeda may
galin, kuwa shirkii Carta tagay maaha,
kuwa 4.5 soo guddoomay maaha,
kuwa Xamar u qa dhiidh doontayna maaha, waxayna gaadh ka hayaan
gobanimada Somaliland iyo gooni isku taageeda,
ninka yidhi Xamar baa
loo socdaa waxa uurkiisa ku jiray ayuu noo sheegay.
Xisbiga ayaa xisbi qabsanayana waa arin meesha aan qaban oo runta ka
fog, Kulmiye iyo xukuumadiisu na Xisbiyadda Qaran ayay ka mid yihiin,
waxayna u hayaan qadarin iyo sharaf mana faro-galinayaan arimahooda,
hadal waayeel hubsiimo ayuu ku fiican yahay.
Danta iyo horumarku wuxuu ku jiraa in qof waliba hawsha loo igmaday
uu ku ekaado oo uu xilkiisa si fiic an u gutto, markaas ayaynu
horumar gaadhi karnaa.
KULMIYE waxa uu kula talinayaa in qabyadda Qaranka ee inoo taala in
si wada jir ah u qabsano, waxaa nu qabnaa Somaliland ahaan inta aynu
ka midaysan nahay ayaa ka badan inta aynu isku khilaafsanaha y.”
|