“Muuse Biixi Cabdi Haddii Uu Ila Jeclaaday Inaan Wasiir Ka Noqodo Dawladda Maanta Jirta, Anna Waxaan U Balan Qaaadayaa Haddii Aan Ku Soo Baxo Doorashada Madaxtooyada Inaan Wasiir Wanaagsan Siiyo”(Cali Maxamed Waran-Cadde)
 

 

Waran Cadde ayaa ka cudur daartay isla markaana sheegay inaanuu Qaban kareyn Jagada W asiirka Arimaha Gudaha ..........



Hargeysa (TNN) Wasiirkii Horre ee Wasaarada Duulista iyo Hawadda Cali Maxamed Waran Cadde ayaa Ka cudurdaartay isla markaana sheegay inaanuu Qaban kareyn Jagada Wasiirka Arimaha Gudaha, taasi oo Maalmahan danbe laysla dhex marayay in Cali Waran Cadde laga dhigi doono Wasiirka Arimaha Gudaha.

Cali maxamed Warancadde ayaa sheegay sababta aanuu uqaban kareyn Wasiirka arimaha Gudaha, waxana uu ku sifeeyay in uu hunguri ka hayo Jagada Madaxweyne nimo sidaas darteedna aanuu doonayn in uu arin wasiirnimo kusoo mashquulo, Sidaas waxa uu Waran cadde ku sheegay Shir jaraa'id oo uu Maanta ku Qabtah Hotel Xamdi ee Magaalada Hargeysa.

Cali waran Cadde waxa uu sheegay in uu hambalyaynayo cid kasta oo doonaysay in uu qabto shagaadaas iyo waliba dadkii ka soo hor jeeday ee aan dhankooda doonayn in uu qabto waran cadde Jagadaasi, isaga oo ka hadalyana waxa uu yidhi “Waxaan jecelahay inaan Maanta Halkan Ka Iftiimiyo oo Bulshada Reer somaliland aan gaadhsiiyo, meel kasta oo ay caalmka ka joogaan, haddalo farabadan oo maalmahan socday oo ku saaban jagada wasaarada Arimaha gudaha ah, oo runtii oo ay dad badani ila jeclaysteen inaan qabto ayaan doonayaa inaan halkan ka iftiimiyo, anigoo runtii doonaya inaan halkan uga mahad celiyo, dadka somaliland meel kasta ha joogaan , kuwaasi oo ay qaarkood lahaayeen isku wadi kari maysid e, iyo dad yidhaahda waad isku wadi karay ee qabo jagadaas iyo kuwa yidhaahda war ka joog, dhamaantoodna waxaan ka mahadcelinayaa sida wanaagsan ee talad ii siinayeen”.

Waran cadde waxa uu sidoo kale ka hadalay Sababta aanuu uqabanayn xilka isaga oo ka hadalayana waxa ka mid ahaa hadaladiisii “Sidaad la socotaan waxaan ka mid ahay madaxda xisbiga Udub, waxaan runtii aan horre u baahiyay inaan u taaganahay Musharxnimada xisbigaas, taas oo igu kaliftay markii rag badan oo taageerayaashayda ahi ay iyagu ugu booriyeen, Anigoo runtii jecel inaan u shaqeeyo Qarankayga mar kasta haddaan xil hayo iyo Haddaanan haynba, Arinta Wasiirnimo markii ay suuqa u soo baxday ee aan isku miisaamay waxaan u arkay Jagada aan maanta cadeeyay ee jjagada madaxweyne nimo iyo tan Wasiirka arimaha Gudaha, oo ah wasaarada aad uhawl u adag ah dalkuna ubaahan yahay habeen iyo maalinbana loo taagan yahay inaad u xaydnaado, iyo Ololaha iminka aan doonayo oo ah musharaxa madaxweyne nimo waxay noqdeen laba aan is qabanayn.

Markaa Cidkasta oo ila jeclayd oo rabtay inaan qabto, Cid kasta oo ila Doonaysay inaan Hayo Xilkaas, Waxaan ku lee yahay labaad hawlood oo is gali karaya maaha markaa shacabka Somalilnd Dawlada, Saxiibaday oo ay ka mid yihiin Muuuse Biixi oo ka mid ah rag a ila jecel inaan qabto xilkan waxaan lee yahay laba hawlood oo aan isku qaban karo maaha, mana doonayo inaan dalka khiyaameeyo, sidaas darteed waxaan u go,ayaa jagada musharaxnimo.

Dhanka kale waxa uu Cali Waran-Cadde madaxweynaha ugu baaqay in uu jagadan geeyo qof daacad iyo aqoon leh waxana uu yidhi “Madaxweynaha waxaan kula dardaarmayaa wasaaradani waa wasaarad balaadhan waa wasaarad culus waa inaad u xushaa cid aqoon, karti, dadaal iyo daacadnimo ku jirto, kana soo bixi karta hawshaas.”

Warbaahinta Kala Duwan ee Dalka ayaa waydiisay Wasiirkii horre wasaarada Duulista iyo hawada Suaalo kala duwan oo ku saabsan sabaha keenay in uu xilkan diido waxana ka mid ahaa suaalihii la waydiiyay.

Madaxweynuhu Arintan miyuu kuu soo jeediyay oo ma ku yidhi waxaan kula rabaa inaad noqotid Wasiirka Arimaha Gudaha, Haddii uu kuu soo jeediayay ma ka jawaabatay wakhtigaas oo ma tidhi Diyaar uma ihi wasaaradaas?

Waxana uu ku jawaabay “Runtii waxa weeyeen arin qaran bay ahayd waxa ii yimi Rag Xukuumada ku jira Raga Xisbiga talada haya ee kulmiye ku jira ayaa ii yimi, waxa ii yimi odayaal, salaadiin iyo madaxdhaqameedyo kale, waxa ii yimi dadka magaca ku leh Dalka, waxana layla soo qaaday jagadaas inaan buuxiyo, runtiina wixii aan kaga cudurdaartay wax ay ahayd taas iminka aan idiin sheegayo ee ah Hawshaas xisbiga aan hayo, taageerayashaduna aanay raali ka ahayn inaan gallo Mashquul kale.”

Sidoo kalle waxa la waydiiyay wasiir Cali Maxamed Waran-Cadde ,
Muuse Biixi Cabdi Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Kulmiye Waxa uu sheegay in uu waan waan adiga kula galayo, ka dibna aad noqotid wasiirka arimaha gudaha waxana uu intaasi ku daray in masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga Udub uu kula jiro waan waan sidii uu u keeni lahaa Xisbiga Kulmiye taasi meesha ma ka saaraysaa mucaaradnimadii ka jirtey Somaliland marka loo eego Xisbiga Kulmiye iyo Xisbiga Udub oo ahaa laba si weyn isku haya unba kala fog ?

“Muuse Biixi Cabdi Horta waxaan uga mahadnaqayaa waxa weeyaan xisbiguu madaxda ka yahay in uu rag wanaagsan u doono xaq ayuu ulee yahay, Aniga laftaydu waxaan doonayaa oo aan wadaa inaan Xisbi Musharax ka noqdo, Muuse haddii uu ila jeclaaday inaan wasiir ka Noqodo Dawladda maanta jirta Anna waxaan u balan qaaadayaa Haddii aan ku soo baxo Doorashada Madaxtooyada inaan Wasiir wanaagsan Siiyo “.

Hadalkan Cali waran cadde maanta soo jeediyay ayaa meesha ka saaraysa haddalo farabadan oo maalmahan danbe laysla dhex marayay taasi oo ahayd in Waran Cadde Aqbalay in laga dhigo wasiirka Arimaha Gudaha,


 

 

 


Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office