Agaasimiha Guud Ee Shabakadda Timacade News ,oo goor dhaweyd la soo daayay


 


Xadhiga Agaasimaha ayaa waxa ka danbeeyay Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland Xus een Axmed Caydiid ka dib markii......

 


Hargeysa (GNS)- Agaasimaha Guud ee Shabakadda wararka ee Timacade News, Mustafe C/Kariin Cali (Mustafe Future),  ayaa goor dhoweyd laga soo daayay xarunta dhaxe ee CID magaaladda Ha rgeysa, ka dib markii maanta galinkii horre lagu xidhay xaruntaasi, waxana uu suxufigani xidhnaa mu ddo ka baddan lix saacaddoood.

Illaa wakhtigan lama sheegin sababata dhabta ah ee loo xidhay wariye Mustafe Future, balse mar aanu isaga weydiinay sababata lagu xidhay ayaa waxa uu tibaaxay in uu soo dacweeyay Wasiirka Caadaladda iyo Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid isla markaana uu wakhtigan ku joogo damiin, waxana uu intaasi raaciyay in uu wasiirka cadaaladdu dacweeyay wariyahan.

Soo daynta Mustafe C/kariin Cali ayaa waxa ka qayb qaatay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOL JA kuwaas oo ku dadaalay habkii uu xuriyadiisa u heli lahaa Agaasimaha Shabakadda Timacade New s, sidoo kalle soo daynta Suxfigan ayaa waxa ka qayb qaatay wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraalle Duur.

Si kastaba ha ahaatee, Suxufigan ayaa wali waxa uu ku jooga hab damiin ah, waxana si cad loo shee gay in uu xadhigiisa ka danbeeyo Wasiirka Cadaaladda iyo garsoorka Somaliland
 

 


Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News desk
Hargeysa Somaliland