Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ,Muuse Biixi Cabdi,oo u tanaa sulay Madaxwayne Axmed Siilaanyo, iyo kulan ay caawa yeeshen

 


Hargeysa (TNN):– Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmiya uga t anaasulay Musharaxnimadii Madaxwaynenimo ee uu dhawaan shaaciyey, waxaanu u tanaas ulay isla-markaana uu uga hadhay Madaxwayne Axmed Maxam ed Maxamuud (Siilaanyo).

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed ay soo saareen ganacsatada waaweyn ee Beesha Sub eer Awal, Guddoomiyaha KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Madaxwayne Siilaanyo uga tanaa sulay musharaxnimada Madaxwaynaha ee shanta sanadood ee socota, ka dib kulan caawa k a dhacay qasriga Madaxtooyada Somaliland, kaasi oo ay ganacsatadu isugu geeyeen Madax waynaha iyo Guddoomiyaha KULMIYE isla-markaana ku wada hadashiiyeen.

War-saxaafadeed ay ku saxeexnaayeen ganacsatada kala ah, Maxamed Aw Siciid Geeddi, Ja amac Oomaar, Rashiid Ibraahim Ciise iyo Maxamed Xuseen Axmed, ayaa sidoo kale lagu shee gay in markii heshiiskaasi dhacay ay Madaxwaynaha iyo Muuse Biixi ay is gacan qaadeen.

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiranna waxa uu u dhignaa sidan “Khilaafkii KULMIYE Ee baryahanba soo jiitamayey, waxa si xilkasnimo ah u soo afjaray ganacsatada waaweyn ee beesha Sacad Muuse, waxayna soo saareen qodobbadan.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, wuxuu jagada Musharaxnimada shan ta sano soo socota uga tanaasulay Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxa muud (Siilaanyo) taasoo si niyad sami la isugu afgartay, kuna dhamaatay inay is gacan qaad aan Madaxwaynaha iyo Guddoomiyaha KULMIYE, Ka dib kulan dhex maray Caawa (Xalay)

Magacyada Ganacsatada Beesha Sacad Muuse.

Maxamed Aw Siciid Geeddi.
Jaamac Oomar.
Rashiid Ibraahim Ciise.
Maxamed Xuseen Axmed.