Murashaxii (Kulmiye)ee loo codeyey oo u codeeyey
Murashaxii (UDUB)


Maalinba siyaasiyiintu tay keenaan tii kale ka daran. Sida la wada ogyaha waxaa ismaandhaaf badani ka dhashay oo dad badani isu seegay, mararka qaarkoodna dhiig ku daatay muddo  ko rdhin iyo doorasho shin dhaafta. Af iyo qalinba muddo ayay hadheeyeen warbaahinta, dadka ku muransan muddo kordhintii Madaxweyne Riyaale oo tiraba laba goor shin dhaaftay. Muddo kordhintaa labada goor ahayd sharciga iyo distoorka Somaliland ayaa la waafajiyey oo waxay dadweynihii ku qanceen go'aankii Golaha Guurtida ee distooriga ah, ay ka soo saareen arrinta. Xidhigii qaloocnaa waxay dadweynuhu ku xamileen markii sharciga iyo distoorka lagu  qotami yey.


Haddaba maanta waxaa timid muddo kordhin aan laba sano ahayn ee laba casho oo keliya ah. Way kala baaxad weyn yihiin tiro ahaan iyo cadadka saacadaha. Waxase ay ku kala duwan  yi hiin mid waa xamil la qaadi koro oo Golayaal iyo shacbi ka taliyeen. Midna waa xadhig qaloocan oo laba shakhsi ku heshiiyeen. Ka loo kordhiye iyo ka u kordhiyey labaduba distoorkii iyo  shar cigii way baalmareen, waxay daadufeeyeen wixii la isku ogaa, waxay gaashaanka ku dhufteen go'aankii guddida komishanka ee baalka dahaba loogu tolay habkay wax u maamuleen, waxay baalmareen go'aankii ku dhawaaqista natiijadii codbixinta ee Waaxda garsoorka ee qaranka.
Labada casho wixii lagu kala iibsadey weli mahayno ee bal aan ka wardhawro.


Mushykiladu ma ah saacadaha muddo kordhinta ee dhibaatada ay leedahay wixii aan sharciga waafaqsanayni xagayga balaayo ayuu ka qoran yahay.
 

 

 

 

 

Hamud Duale