MURASHAXNIMADA JAMAAL EE UCID SU'AAL BAA KA TAAGAN

 



Hay'adaha dimuquraadiyada waxa ugu xoog weyn oo la ilaaliyaa waa habka iyo maamulka xisbiya da. Iyaga ayey wax waliba ka yimaadaan. Madaxdu waa inay ka soo baxdaa xisbiyo leh sharci iyo nidaam, kaas oo diidan inuu qofna keli u yeesho xisbi amaba uu ku meel maro lacag iyo qabyaala d. Waxa dimuquraadiyada u sal ah in xisbigu ahaado mid loo siman yahay oo leh guddiyo maamul.

Haddaba
Jamaal waxuu aaminsan yahay in maalkiisu yahay kan uu ku ibsan karo codka dadwey naha kol haddii uu jirabay labadii xisbi qaran oo mid waliba u jabiyey sharcigii xisbiga.

Waxaynu ognay sida uu u baabiiyey xisbigii UDUB. Waxa se cad in si dii garabka UDUB ee la socd ay yeeleyn inay xataa ka qurux badnayd tan UCID laga helay. UDUB waxay isku dayday inay wax asturto oo sharci been ah ayey u dhisayn iyagoo soo mariyey nidaam ay u sameeyeyn. UCID wa xay noqotay side Haatuf qortay. Faysal Waraabe ayaa leh aniga iyo Jamaal waxaanu isla gaara nay sidan iyo sidan. Marna kama muuqdaan maamulkii xisbigu. Marna lama laha Guddiga Dhexe, marna lama sheegin Guddiga Fulinta bal se waxa laga dhigay in Faysal iyo Jamaal tira siman ka ye elan doonaan guddiyada xisbiga sidii ayna jirinba.

Haddaba waxa la gudboon Guddiga Diiwaangelinta ee shalay loo dhiibay Golaha Dhexe ee xisbigu inay baabiiso heshiiskan aan sharciga waafaqsanayn ee labadana nin ay meel madow ku kala iib sadeen.

Jamaal waa nin madaxnimo madax martay hadduu qabtana ku aar goosan doona oo ay u cadaha y sharci iyo sharci daraba inuu kol kursiga ku fadhiisto deedna uu soo ceshado maalkii ka baxay oo kun lab ah , kagana aar goosto bulshada uu u ciil qabo. Nin aan ogolayn inuu ilaaliyo sharciy ada xisbiga isagoo baahan ma dhowr doonaa kolkuu helo meel uu awood iyo maalba ku haysto..

Ma aha nin aqoon bulsho iyo mid siyaasi leh, waayo dee urur ayuu furan lahaa. Waa nin aamins an inuu hantiyo meel jirta oo dadkeeda uu iibasado. Ma aha nin keli istaagi kara. Waxa uu baabi yey laba xisbi qaran, waxaan xukuumadda iyo heer-ilaalinta la gudboon inay ilaaliyaan shrciyada xisbiyada oo laga qabto tuugta iyo budhcadda isu gaashaday inay sifo an sharci ahayn dalka ku hantaan.

Waxaan uga digayaa ummada inay noqdaan dad la iibsado oo lagu laaluushu maal xaraan ah, be rrina iyaga laga qaado cashuur lagu celiyo intii baxday oo kun lab ah. Waxii loo qaban lahaan laga dhigo mid gasha budhcadda oodda goosatay.

Dunida kale hadduu Jamaal joogi lahaa, manta waxuu ahaan lahaa nin xabsiga ku jira. Waa danbi weyn in nin uu isticmaalo lacag uu xisbi madax ugu noqdo iyo inuu lacag kursi siyaasadeed ku doo no. Taasi ayuu si gabasho la'aan ah ugu faanayaa lacag ayaan haystaa aan oday iyo dhalinba ku iibsado. Waar dalka ha loo naxo oo ha laga joojiyo ninkan soo duulay een xadhig iyo xeer toona aqoon.

 



Ahmed Haji Abdi
Hargeysawi@ymail.com