Hargeysa: Munaasibad Shahaadooyin Lagu Guddoonsiinayey 428 Arday Oo Ka Qalin-Jabiyey Kuliyaddaha Kala Duwan Ee Jaamacadda ALPHA + Sawiro

 



Guddoomiyaha Jaamacada ALPHA Maxamed Xuseen Mu’adinka oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa ardayda.......


Hargeysa (TNN) – Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loo qabtay dufcadii koowaad ee ka qalin-jabisa Jaamacadda Alpha University College ee Magaaladda Hargeysa, kuwaas oo tir adoodu dhamayd 428 Arday oo ka qalin-jabiyey Kuliyaddaha Kala Duwan Ee Jaamacadda.

Munaasibada oo maanta lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa ka so o qayb-galay Guddoomiyaha Xisbiga talada haye ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Sheekh Aadan X. Maxamuud (Aadan-siiro), Guddoomiyaha Jaamacadda Alpha Max amed Xuseen Mu’adinka, Macalimiinta, Waalidiinta Ardayda iyo marti sharaf kale oo tiro badan.
QAYIR1
Guddoomiyaha Jaamacada ALPHA Maxamed Xuseen Mu’adinka oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa ardayda ku hambalyeeyay qalin-jabintooda, isaga oo sheegay in ardayda Jaamacada ka ba xday ay dhan yihiin 428 arday oo bartay lix kuliyadood kala duwan, kuwaasi ah oo dufcadii koow aad ee Jaamacada ka qalin-jabisa.

Guddoomiyaha jaamacadu waxa uu sheegay in jaamacadu culuumta ay bixisaa yihiin kuwo ku dhis an Manhajka jaamacada ALPHA ee dalka Itoobiya oo qaybteeda koowaad ku taallo Magaaladda Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Sidoo kale, Guddoomiye Maxamed Xuseen Mu’adinka, waxa uu tilmaamay in jaamacadu soo mart ay Marxalado kala duwan iyadda oo hore jaamacada loo odhan jiray LUCY, balse ay hadda xidhii dh la leedahay jaamacada ALPHA ee dalka Itoobiya, taasi oo ka mid ah jaamacadaha ugu wanaag san ee bixiya aqoonta sare ee tayadeedu sareyso.

Guddoomiyuhu waxa uu ardayda kula dardaarmay inay aqoonta sii wataan oo aanay halkaa kaga hadhin, loona baahan yahay in aqoonta ay barteen ka muuqato, maadaama oo ay ka gudbeen ar daynimadii oo hadda ka dib loogu yeedhayo Mutacalimiin.

Munaasibada oo ay hadalo ka jeediyeen Guddoomiye ku xigeenka Jaamacada ALPHA ee Addis-ab aba iyo Maamulayaasha kuliyadaha kala duwan ee ardaydu barteen, ayaa isaguna waxa ka hadla y Agaasimaha tacliinta sare ee wasaarada Waxbarashada Somaliland Khadar Axmed Diiriye, wax aanu u hambalyeeyay ardayda qalin-jabisay, isaga oo tilmaamay inay ku faraxsan yihiin in arday intaasi leeg mar kaliya dalka iyo dadka u soo qalin-jabiyaan “Dedaalka waxbarashada Somaliland waxa uu ku yimid iskaashiga Muwaadiniinta”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Jaamacada ALP HA waxay ka mid tahay jaamacadaha aanu wasaarad ahaan xidhiidhka la leenahay”

Khadar Axmed Diiriye, waxa uu sheegay in qabyaalada lagaga bixi karo aqoonta oo la kobciyo “Q abyaalada waxa lagaga gudbi karaa aqoonta oo la kobciyo”ayuu yidhi, isaga oo amaanay maam ulka Jaamacada ALPHA.

Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geell-jire) oo isna hal kaasi ka hadlay ayaa hambalyada ardayda ka dib kalmado kaftan ah ku tuuray Guddoomiyaha xi sbiga Kulmiye oo halkaasi joogay, isaga oo sheegay inuu Muuse Biixi u yaqaano magaca ah Muuse Biixi Kaahin, taasi oo uu ku macneeyay inay saaxiib yihiin Maxamed Kaahin Axmed iyo Muuse Biixi.

Musharaxa Madaxwaynaha xisbiga UDUB Cali Maxamed Waran-cadde oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si kaftan ah u sheegay haddii madasha qalin-jabinta ay ka maqan yihiin Madaxwayne Siila anyo iyo Madaxwayne ku xigeenku aan la tabayn, maadaama oo uu meesha joogabuu yidhi Mus harax Madaxwayne “Haddii Madaxwaynihii iyo Madaxwayne ku xigeenkii maqan yihiin, waxaan idii n sheegayaa waxa joohga Musharax Madaxwayne oo waxba ma maqna”

Munaasibada oo sidoo kale ay ka hadleen Sheekh Aaden Siiro iyo Guddoomiyaha Kulmiye ayaa wa xa ardayda shahaadooyinkooda guddoonsiiyay Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Xaflada waxa shahaadooyin sharafeed lagu guddoonsiiyay ardaydii ugu saraysay kuliyadaha ard aydu ka qalin-jabiyeen Wasaarada Waxbaashada, Wasiirka Madaxtooyadda iyo Telefiishanka Qa ranka.

Sidoo kale, waxa shahaado sharafyo gaar ah la guddoonsiiyay ardaygii ugu sareeyay Jaamacada Jamaal Aaden Diiriye iyo ugu sareyey iyo gabadhii ugu sareysay hablaha qalin-jabiyey Saynab Cabdirisaaq Cali.


 

 



Khalid Ibraahim
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland