Jawiga Muuqaalka Munaasibad Lagu Bogaadinayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Oo Kulmisay Labeentii Somaliland Iyo Wacdarihii Ay Fanaaniintu Madasha Ku Soo Bandhigeen.


 

Hargeysa February 12, 2011 (TNN):Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu taageerayo Sida  Shaca bka reer Jabuuti Madaxweynahooda Md. Ismaaciil Cumar Geele uga aqbalay inuu mar sadexaad isku soo  taa go murashaxnimada Dalkaasi Jabuuti ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Ambassador ee Magaalada  Harge ysa.

Munaasibada oo ay isku soo duba riday, isla markaana ay soo qabanqaabisay Raaqiya Cali Qaafil waxa ka soo qeybgalay Salaadiin tiro badan oo uu horkacayey Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Boqor Ciise, Boqor, Suldaan Aadan Faarax,Suldaan Maxamuud Cali Carab, Suldaan Gows, Suldaan Xuseen Xaji Cabdi Cabdilaahi,Guddoomiyaha hay’ada abaabul ka saarka iyo jiheynta qaranka Jamaal Caydiid, Mareeyaha Wakaalada Laydhka Eng. Sabce,Eng Cabdiqaadir Iimaan, Xildhibaan CabdiqaadirMaxamed Xasan [Indhoindho],Odayga Somaliland Xaaji Cabdikaarin Xuseen [Cabdi Waraabe], Ganacsatado, Xildhibaano ka kala socday labada Gole Baarlamaan [Guurtida Iyo Wakiillada] Aqoonyahano, Fanaaniin, Haween, Dhalinyaro, iyo marti sharaf kale.

Waxa madasha dadkii ka soo qeybgalay ay ku labisnaayeen garamaan uu ku sawiran yahay Madaxweynahaa Jamhuuriyaada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geele, dadka badankoodu waxay gacmaha ku siteen calanka  Jab uuti iyo Calanka Somaliland, waxay taageero niyadeed u hayeen sida ay shacabka reer Jabuuti mar sadexaad Madaxweynahooga uga codsadeen inuu isu-soo taago Madaxweynanimada dalkaasi ee uu weliba ka aqbalay.

Shucuurta dadku waxa ka muuqatay farxad iyo raynrayn, iyo kalsooni ay ku qabaan Madaxweynaha  Jamhuu riyada Jabuuti Md. Ismail Cumar Geele, iyaga oo sheegay inay labada dal [Somaliland Iyo Jabuuti] yihiin laba dal oo walaalo ah, labada shacabna yihiin laba shacab oo isku mid ah oo is jecel.

“Weli may dhicin in Somaliland looga dabaal dago doorasho uu galayo Mid ka mid ah hogaamiyayaasha Geeska iyo Bariga Africa oo aan ka ahayn Madaxweyne Md. Ismaaciil Cumar Geele, Tani waxay dadkii goobta isugu  yi mid dareensiisay inuu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti mid uga dhow Siyaasiyiinta Gobolka oo  dh an,”ayuu yidhi mid ka mid ahaa dadkii ka soo qeybgalay xaflada lagu taageerayo Madaxweynaha  Jamhuuriy ada Jabuuti.


Waxa kale, oo xaflada dabaaldagani dadka soo xasuusinaysa, gaar ahaan dadkii ka soo qeybagalay ololihii  do orashada Somaliland ka dhacay sanadkii 2010, kaas oo uu ku soo baxay Madaxweynaha Somaliland  wakhtig an Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], dadka reer Somaliland guud ahaan waxay niyad wanaag ku qabaan inuu mar sadexaad Md. Ismaaciil Cumar Geele ku guuleysto talada dalkaasi. Taas oo ay ku  sababay nayaan horumarka dhaqan dhaqaale iyo amaanka uu dalkaasi gaadhsiiyey mudadii uu xilka hayey, iyo  xidhiid hka walaaltinimo ee uu u hayo dalka Somaliland, taasna waxaa kaaga martikhaati ah sida meeqaamka  sareys ay ee uu safarkii uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] uu ku soo dhaweeyey, isaga oo roog cas ku maamuusay, isla markaana kaga horyimid dhabaha diyaaraha ee  Maga alada Jabuuti oo aan hore u dhicin. Fursadana aanu helin Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Raya ale Kaahin, waxa kale oo ay Jabuuti maanta sharaf ku leedahay saaxadda Caalamka, iyo ta gobolkaba, iyada oo guusha diblomasiyadeed uu halgan u galay Md. Ismaaciil Cumar Geele.

Madasha waxa lagu soo bandhigay ruwaayad qaabmasraxiyadeedku aad u heer sareeyo, taas oo ku  turjuma ysay horumarka iyo heerka uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele Gaadhsiiyey wakhtigan dalkaasi, waxaana meesha ka madhnayn heeso iyo Gabayo ka turjumaya sidii mar sadexaad loogu codeyn lahaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

“Ismaaciil U Codeeya

Ismaaciil Codka Siiya

Ismaaciil doorta oo u codeeya”Ereyadaasi waxay ka mid ahaayeen heesaha ay faaniintu ku soo bandhigeen qaab masraxiyadeedkooda,kuwaas oo dadkii daawanayey jecleysteen qaabka iyo farshaxanimada ay u soo bandhigeen

“Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele Wuxuu u Qalmaa inuu Geeska oo dhan Hogaamiyo, Jabuutina waa dal  aa nu walaalo nahay wanaan soo dhaweynayna inay shacabka reer Jabuuti mar sadexaad Jeceylka ay u hayaan Madaxweynahooda inuu isa soo taago ka codsadaan”ayey tidhi Marwo Raaqiya Cali Qaafil oo muujinaysay shucuurteeda, isla markaana soo qabanqaabisay Xafladaasi.

Source: Hadhwanaagnews