Mujaahid Ibraahin Dhagawayne Oo Madaxwaynaha Cusub Ugu Duceeyey In Ilaahay Ku Asturo Xilka Loo Igmaday

 

Hargeysa, July, 5, 2010 (TNN) - Mujaahid Ibraahin C/laaahi Xuseen (Dhegaweyne) oo ka  m id ahaa saraakiishii sar sare ee ururkii xaq u dirirka ahaa ee SNM, hadana ah madaxda  Uru r-siyaasadeed UDHIS, ayaa si weyn u hambalyeeyey Madaxweynaha la doortay ee  Somalil and Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan  Cabd illaahi Ismaaciil (Saylici).

Muhaajid Ibraahim Dhega-weyne, ayaa sidan ku sheegay mar uu shalay u waramayey  war geyska Haatuf, isaga oo Mujaahidku hadalo waano iyo duco iskugu jira waxa ka mid ahaa hadaladiisii “Marka hore waxaan hambalyo iyo bogaadin aad u ballaadhan u dirayaa guud ahaan shacabka, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo cid kasta oo gacan ka geysatay doorashadii taariikhiga ahayd ee 26 June 2010 ka qabsoontay dalka Jamhuuriyadda  Soma liland.

Marka xiga waxaan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee  Som aliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan  Ca bdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo weliba Madaxweynaha laga guulaystay Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo ku-xigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ee aqbalay natiijadii quruxda badnayd ee Komishanka Doorashooyinku ka soo saareen codbixintii doorashada Madaxtooyada.

Intaa waxa ii dheer doorashadii mucjisada ahayd ee 26kii June 2010 ee lagu doortay  Mada xweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka cusub waxay dib ii xusuusisay oo ay ku beegan  ta hay sannad-guuradii 26-aad ee ka soo wareegtay markii aannu Madaxweyne Axmed-Siila anyo u caleemo-saarnay sannadkii 1984 guddoomiyenimada ururkii SNM ee horseedka ka ahaa xorriyadda iyo madaxbannaanida qaranka Somaliland ee maanta hoggaamintiisa loo doortay, annagoo u arkaynay waqtigaas inuu ahaa nin ka saari karayey xaalado adag oo xilligaas ururka ku gedaanaa, runtiina taas wuu ku guulaystay.

Sidaa awgeed, maanta oo ay waqtigaas ka soo wareegtay 26 sannadoodna waxaan  mark ale leeyahay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waa siyaasi ruug-caddaa ah oo Jamhuuriyadda Somaliland ka saari kara tiirada ugu dambaysa, isla markaana aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa ugaga faa’iidayn kara helitaanka aqoonsi caalami ah, adkaynta wadajirka ummadda iyo horumar lagu badhaadho oo Somaliland gaadho.

Ugu dambayn, Madaxweynaha cusub iyo ku-xigeenkiisa waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu u fududeeyo, kuna soo asturo masuuliyadda culus ee shacabka Somaliland u xambaariyeen."
 

Source:Haatuf