AXMED SILAANYO OO MAANTA DAWLADDA MARAY KANKA U SOO BANDHIGAY SIYAASADDA UU XISBIGIISU KU HOGAAMIN DOONO SOMALILAND


Washington Dc (Timacade News) - Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Washington shir balaadhan oo ay dawladda  Ma raykanku soo abaabushay oo loogu talagalay wafi tgii uu hogaaminayay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud  Sil aanye ee uu weheliyay Xoghayaha  Ar rimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed  Cabd illaahi Cumar, inay kaga warbxiyaan  xa aladda siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgalyo ee Somaliland, kuna soo bandhigaan  siy aasadda xisbigoodu ku hogaamin doono  Som aliland.


Shirkan oo lagu qabtay xafiiska shirarka ee hay’adda loo yaqaano National Endowment for Democracy, waxaa ka soo qaybgalay musuulyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Mudane Princeton  L yman, haddan ka tirsan Guddiga Siyaasadda Dibadda ee Maraykanka, Mudane David Sh inn oo hore u ahaan jiray Safiirka Maraykanka u fadhiya Itoobiya, hadana ah  Profess or wax ka dhiga Jaamacada George Washington, Agaasimaha Mashaariicda Afrika ee wasaaradda Mucaawinada iyo Iskaashiga dibadda ee dawladda Maraykanka (USAID) Mudane Mark Billera, Agaasimaha Waaxda Afrika ee NED, Dave Peterson iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo ka mid yahay Matthew  Wa lsh, warfidiyeeno, Garyaqaano caalami ah iyo hay’adaha fidiya dimuqraadiyadda


Ugu horayn waxaa madasha shirka laga akhriyay sooyaalkaii taariikheed iyo hawlihii uu soo qabtay Axmed Maxamed Maxamuud silaanyo, waxaan taariikhdasi akhriyay  muda ne Dave Peterson oo ah Agaasimaha qaybta Afrika ee NED.

Intaasi ka dibna ayuu Axmed Silaanyo shirka ka soo jeediyay khudbad uu si qoto dheer leh uga hadlay maraaxilkii kale geddisnaa ee ay Somaliland soo martay iyo guulaha ay shacabka Somaliland ka gaadheen dib udhiska dalka, horumarka bulshada, dhaqaalaha iyo dadaalka loogu jiro helitaan qoonsi siyaasadeed.

Ka dib, wuxuu kaloo Guddoomiye Silaanyo uu si balaadhan uga waramay xaaladaha  siy aasadeed ee Somaliland maanta ka jira oo ay ka mid yihiin hawlaha diyaargarawga  do orashada ee dalka ka socda. Waxaa kaloo Axmed Silaanyo ka hadlay siyaasadda  xisbi giisu ka dhaqmi doono haddii ay doorashada ku guulaystaan. Waxaanu tilmaan gaar ah ka bixiyay siyaasaddaha xisbigiisa ee ku jahaysan xagga dhaqaalaha, siyaasadda, bulsh ada, nabadgalyada, waxbarashada iyo caafimaadka.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr.Maxam ed Cabdillahi Cumar, oo ka hadlay siyaasadda Arrimaha Dibadda ee ay Somaliland  qaa dan doonto haddii ay xisbigoodu ku guulaysto doorashada madaxtooyada ee soo  soco ta, sharaxaadna ka bixiyay aragtida Somaliland ee xaaladaha ka jira mandaqadda iyo caalamkaba, wuxuuna si gaar u xusay qorshayaashooda ku wajahan balaadhinta  xidh iidhka bulshada caalamka iyo Somaliland iyo dariiqyada loo mari karo hanashada  himil ooyinka qaranka ee aqoonsigu ka midka yahay.

Intaasi ka dib waxaa guddoomiye Axmed Silaanyo iyo Maxamed Cabdillahi halkaasi lagu waydiiyay su’aalo badan oo la xidhiidha arrimaha doorashada, xidhiidhka Somaliland iyo wadamada jaarka iyo barnaamijka xisbigooda ee wax ka qabashada baahida qaranka ee waxbarashada iyo dhaqaaluhu ka midka yihiin. Waxaa kaloo ka mid ahaa su’aalihii la waydiiyay qaar la xidhiidha khataraha xagga nabadgalyada ee ka jira Geeska Afrika iyo qorshooda xisbi ahaan ee ku jahaysan ka hortagga khatarahaasi.


Waa markii ugu horaysay ee hogaamiye ka socda Somaliland uu xilli dalku u  diyaargar o obayo doorasho madaxwayne ay dawlad wayni siiso fursadan oo kale si ay bulshada caalamka ugu soo bandhigaan siyaasadooda qaran , kulamana ula yeeshaan madax ka tirsan dawladda Maraykanka.



Washington, USA