Guddoomiye Axmed Siilaanyo oo la kulmay Mudane Don ald Payne iyo madax sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka


 


Washington DC (Timacade News) - Guddoomiyha Xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed  Max amed Maxamud Silaanyo, oo uu weheliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo hadda booqosho rasmi ah ku jooga dalka  Maraykan ka ayaa maanta kulammo la yeeshay Guddoomyaha Guddiga Afrika ee Baarlamaanka Maraykanka, Mudane Donald Payne iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda  Arri maha Dibadda ee Maraykanka.


Kulanka Congressman Donald Payne, oo ah mudane awood wayn ku leh siyaasad  dibad deedka Afrika ee maamulka madaxwayne Obaama, ayaa wuxuu ka dhacay xarunta  Ba arlamaanka Marakanka ee loo yaqaano Capitol Hill ee magaalda Washington, halka  kul anka masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibaddu iyo waftiga KULMIYE uu ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda.


Arrimaha ay ka wada hadleen waftiga Guddoomiyaha KULMIYE iyo masuuliyiinta  Maray kanku waxay ahayeen kuwa ka turjumaya xidhiidhka iyo danaha aasaasiga ee labad  g eesood iyo barnaamijyada iskaashi ee ay Somaliland iyo Maraykanku kawada  shaqeey aan.

Qodobadii shirka lagu soo qaaday waxaa ugu waawaynaa dhawr arrimood. Waxaa ka mid ah arrimaha doorashooyinka madaxtooyada Somaliland oo ay labada geesood  tilm aameen in loo baahan yahay in doorashada aanay mar denbe dib u dhicin, dhamaan  qa ybaha siyaasadda ee Somalilandna ay kawada shaqeeyaan sidii ay doorasho xor ah oo xalaali uga dhici lahayd Somaliland. Waxay kaloo werwer ka muujiyeen degenaansho  d arada ku soo korodhay Golaha Guurtida ee Somaliland oo loo arkay inay keeni karto  in uu heshiiskii seddexda xisbi ee ku jahaysnaa doorashu burburo, taasi u horseedi karta dalka khalkhal siyaasadeed oo cusub.


Waxay kaloo kawada hadleen khataraha xagga nabadgalyada ee ku soo kordhaya  ma ndaqada Geeska Afrika. Wuxuu Guddoomiye Axmed Silaanyo tilmaamay in shacabka  So maliland ay hawl adag iyo tacab badan u soo galeen nabadgalyada ka jirta Somaliland, loona baahan yahay in dawladda Maraykanku ay gacan wayn ka gaysato difaacidda  iyo sugidda amaanka Somaliland. Waxayna masuuliyiinta Maraykanku sheegeen in ay Somaliland ka taageerayaan kor u qaadidda tayada garsoorka iyo kobcinta fursadaha waxbarashada iyo dhaqaalaha dalka, laakiin loo baahan yahay in Somaliland la timaado maamul dawladeed hufan.

Waxaa iyana ka mid ahaa arrimaha ay labada geesood lafagureen kaalmada xagga  hu rumarka ee dawladda Maraykanku siiso Somaliland. Wuxuu Guddoomiyaha xisbiga  KUL MIYE, Mudane Axmed Siilaanyo, ka codsaday dalka Maraykanku inuu kordhiyo  gargaar ka hurumarineed ee ay u fidayaan Somaliland si wax looga qabto adeegyada aasaasiga ee dalka sida waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha. Waxaa kaloo Axmed Siilaanyo uu waydiistay dawladda Maraykanka inay ka caawiso Somaliland sidii dalku u yeelan lahaa wadooyin isku xidha magaalooyinka waawayn ee dalka.


Ugu denbayntii waxay dawladda Maraykanku u diyaarisay shir wayn oo Guddoomiye  Axmed Silanyo iyo Dr. Maxamed Cabdillahi oo kaga xogwarami doona xaaladda  Somalil and soona bandhigi doonaan barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE uu ku  hoga amin doono dalka haddii ay talada dalka ku guulaystaan, oo dhici doona maalinta  kham iista ah. Waxaan ka soo qayb geli doona shirka masuulyiin ka socda qaybaha kala  ged disan ee dawladda Maraykanka sida Wasarradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda  Mu caawinada Dibadda, Wasaaradda Difaaca hay'adaha fidinta dimuqraadiyada ee  Maray kanka , warfidiyeeno iyo shaciyaqaano caalami ah. Waxa shirkaas isugu iman doona dad tiradoodu aad u badan tahay.
 


Washington DC, USA
KULMIYE