Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye oo si diiran Loogu Soo dhawayay Magalaada Hargeisa

 

 


Baabuur aad u tiro badan iyo dadwayne ku labisan Calanka Xisbiga kulmiye ayaa Buux dhaa fiyay jidadka waawayn ee magaalada hargeisa



Hargeysa (Timacadenews)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Si diiran Saaka loogu Soo dhaweeyay Magalaada Hargaysa ka dib markii uu ka soo laabtay Safar shaqo ugu maqnaa in mudo ah Dalka Maraykanka.

Taageerayaal Aad utiro badan ayaa kaga hor tagay Gudoomiyaha Gegada yaaradaha ee  Ci gaal International Airport kuwaasi oo ay hor kacayeen Masuuliyiinta Sarsare ee Xisbiga  kul miye oo ka mid ahaa Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Xisbiga Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

Baabuur aad u tiro badan iyo Dadwayne ku labisan Calanka Xisbiga kulmiye ayaa Buux  dhaa fiyay Jidadka waawayn ee magaalada hargeisa Laga soo bilaabo Madaarka ilaa iyo Xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyada oo ay Baabuurtu aad Tiro badanaayeen Jidadkuna Cidhiidhi ahaayeen.


Dadwaynaha Magaalada hargeisa ayaa ku Waabariista Maqalka Heesaha Gaarka ah ee  Xis biga kulmiye kuwaasi oo ku rakibnaa Baabuurta Soo dhawaynta oo ku wareegayay jidadka Waawayn ee Magaalada Hargeisa.Gudoomiyaha ayaa Diyaarad khaas ahi ka soo qaaday  Ma gaalada Addis ababa ee Magaalo Madaxda Dalka itoobiya.

Xukuumada Somaliland ayaa Xidhay Saaka jidka Wayn oo hor mara Madaxtooyada  Somalila nd Baabuurta soo dhawaynta ayaa waxay marayeen Wadada wayne ee Xaga danbe ka  ma rta Cisbitaalka Guud ee magaaladaha Hargeisa.

Gudoomiyaha kulmiye Axmed Siilaanyo ayaa Dadwaynihii soo dhaweeyay uga mahad celiyay sida diiran ee ay uga qayb qaateen soo dhawayntiisa waxaana ka mid ahaa hadalkiisa  “Wa xa aad iyo aad ii taabatay soo-dhawaynta qiimaha leh ee ay shacabkaygu ilaa intii aan  Mad aarka ka soo socday aad ii soo dhawayseen, waxaanan ku maqnaa danaha Somaliland iyo qaddiyaddeena Aqoonsiga waxtar u leh, hase ahaatee, wixii faahfaahin ah dib baanu idiinka soo bandhigi doonaa.”

Warar la isla dhex marayay ilaa xalay oo sheegayay in Lagu mudaharaadi doono  Gudoomiy aha iyo in Xukuumadu ka joojin doonto soo imaatinkiisa ayaa beenoobay ka dib markii  Xaqii qadii maanta si heer Qaran ah loogu soo dhaweeyay Caasimada Somaliland iyada oo si nabad galyo ah ku dhamaatay.
 

 



Nimco Muxumed ibraahin

Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
timacadenews@hotmail.com
Timacade News Desk
Hargeisa/Somaliland