Mujaahid Aadan Ruush Talo Maroorsi Iyo Kaliigii Talisnimo wuxuu ka Aqbaliwaaye taliskii Siyaad Barre Mise waa Riyaale Iyo Qabaanadiisa

 


Nidaamka dumuqraadiyada ee dalkeena ka curtay waxa durba biqilka ku qaadhinaya gudoomiyayaasha saddexda xisbi oo ka dhigay xisbiyadii waxay iyagu shakhsiyan u leeyihiin oo ay siday doonaan ugu tagri falaan, waxayna noqdeen sidii xisbigii hantiwadaaga kacaan ee ay taladu Siyaad Barre uun ay gacanta ugu jirtay dadka kalena sacabka u tumayeen.

Gudoomiyaasha saddexda xisbi waxay gacantooda ku soo xulaan masuul iyyiinta xisbiyada ee heer degmo mana ogola inay dadka siiyaan
fursad ay ku soo doortaan madaxda xisbiyada ee laamaha heer degmo ama gobalba.

Waxa tusaale inoo ah shirweynihii xisbiga udub ee mar labaad lagu doortay Riyaale iyo ku xigeenkiisa, shirweynahani wuxuu u muuqday bandhig Riyaale leeyahay, wuxuu magaacabay koox dabaqoodhiyaa oo shirka qabanqaabisa kooxdani waxay gacantooda ku soo xusheen xubnihii shirweynaha ka qeyb galayey ilaa heer degmo, dadkana looma ogolaan inay iskood u soo xushaan dadka shirka uga qeyb galaya.

Waxa la diiday musharxiintii kula loolamaysay jagada madaxweynimada Riyaale in ay shirka ka qeyb galaan, xitaa Aadan Ruush oo kaadhkii shirka heystay baa loo ogolaanwaayey in uu shirka galo.

Hadaba waa lawada ogyahay Riyaale iyo guulwdayaashiisu xagay joogeen, markuu Mujaahid Aadan Ruush u halgamayey sidii uu dalka uga xoreyn lahaa taliskii Siyaad Barre. MUjaahid Aadan maxamed Diiriye wuxuu ahaa siyaasiyiintii S.N.M kuwii ugu hor talaabay, Mujaahad Aadan wuxuu ahaa hawl fulihii guud ee xafiiski JigJigaad markii markii dagaalkii buuraha 1984.

Markii gudaha lasoo galay 1988kii wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii faro ku tiriska ahaa ee goor walba furinta joogay ee hawsha dagaalka safka ka waday, halka siyaasiyinta S.N.M badankoodu aanay soo dhaafi jirin Diridhaba.


Hadaba Mujaahid Aadan Ruush oo taliskii Siyaad Barre dalka ka xoreeyey marna xukun maroorsi ka yeelimaayo Riyaale iyo qabaanadiisa iyo inay shaasheen dumuqraadiya ugubkaa ee dalka ka dhalayay




 

 

Mukhtaar Ibraahin Fadan
Gabilay8@yahoo.com