Mujaahid  Qawrax Muse Xuseen oo xukun bilaa Distuuri ah lagu qaaday , laguna eedeeyey inuu ka mid ahaa   musuq maasuqii xuukumadii Riyaale  iyo  waji gabax siyaasadeed oo  Xisbiga Kulmiye faraqa buuxsday

 

 

Waxayse u muuqataa dabinno  Siyaaased oo Xisbiga Kulmiye dhexdiisa isku maleegayo ,saameyn weynna ku yee lan doonta  Murashaxa mustaqbalka ee Xisbiga Kulmiye , ahna Guddoomiyaha Xisbiga, mudane  Muse Biixi  Cabdi !!!!

 

Gabiley,5 June,2011 (TNN)- Mujaahid Qawrax Muse Xuseen ,oo ka mid ahaa Jabhaddii Afraad  ee dulmigii Afwey ne qoriga kala hor tagtay  sannadihii 70 naddii, markii danbana ku biirtay Jabhaddii SNM, ahaana Guddomiyihii ho re ee magaalada Tog-wajaale ee Dawladdii Riyaale , oo  in ka badan 7 bilood  Maxakamad la'aan Xabsiga Gabiley ku jiray ,ayaa xuk un aan  Distoorka waafaq saneyn , oo Saddex sanno ah   lagu qaaday.

 

Sida Dastuurka Qaranku dhigayo,muwaadinka danbi lagu soo eedeeyo ,waa in 45 cisho gudahood  Maxkamad lagu hor keeno,haddii wax cadayn ah aan loo haynna ,xoriyadiisa Distooriga ah  loo soo celiyo. Mujaahid Qawrax Muse, wuxuu in ka badan 7 bilood, ayuu u  xidhnaa Maxkmad la'aan ,  shacabka Somaliland dareen shaki leh ka muujiye en xadhigaa dheer ee bilaa Maxamadda ah.

 

Xukunka lagu riday Mujaahid  Qawrax Muse Xuseen, ayaa dadku is  weydiinayaan sababta musuq maasuqii baah sanaa ee xukuumaddi hore lagu eedeyn jiray ,looga reebay shaqsiyaadkii ugu awoodda badnaa Xukuumadii hore , ee uu ugu horreeyo Madaxweynihii hore Daahir Riyaale, Wasiirkiisii hore ee Maaliyadda Cawil, Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud,Siciid Sulub,Guddoomiyihii hore ee Bangiga dhexe iyo qaar badan oo ka mid ahaa xukuumadii hore, oo aan cidinna wax u raacin , shaqsi kaliyana aan xabsiga loo taxaabin.

 

Arrintan Mujaahid Qawrax Muse kelidii loo xidhay,ayaa bulshada Gobolka Gabiley, SAS ka qaadeen,guux badan iyo dareen xasaasi ahna ka dhex dhalisay,waxaanay  waji gabax iyo fadeexad hor leh u soo jiiday Xisbiga talada ha ya ee KULMIYE , iyadoo Gobolka Gabiley uu ahaa , halkii ay codka ugu badan Dawladda maanta joogtaa ka hesh ay.

 

Dhinaca kale,tan iyo intii ay Dawladda Siilaanyo xukunka la wareegtay,waxaa Gobolka Gabiley la soo darsay khilaa f  ba'aan, oo bulshadii walaalaha ahayd ee Gobolka kala qaybisay, dib u  dhac ballaadhanna oo dhan walba lehnna ku soo kordhisay..... Dhacdadan foosha xun, ayaa noqon doonta mid caddaaladii Somaliland ka filaysay xukuu mad da maanta joogta, jar dheer ka tuurtay , shacabkii Gobolka Gabileyna  jaha wareer ku ridday , iyagoo aan weli garan waxay ku galabsadeeen  aafadan ku habsatay...

 

Waxaase hubaal ah in Xisbiga KULMIYE, uu muddo gaaban ku waayey taageeradii laxaadka lahayd ee Gobolku u hayey,waxaanay saameyn weyn ku yeelan doonta Doorashada danbbe, oo la filayo inuu Guddomiyaha Xisbiga K ulmiye Muse Biixi Cabdi, haddii Allah qadarro, uu  isku soo taagi doono, maanta ayaanu  Muse Biixi , talo gacantii sa ku jirtaa inuu kasbado kalsoonida bulshada ku dhaqan Gobolka Gabiley.

 

Isku soo wada xooriyo ,xukunka aan Distoorka waafaqsanayan ee lagu riday  Mujaahid Qawrax Muse Xuseen,oo weliba caafimaad xumo u dheer tahay, waa Dakhar loo geystay Cadaaladii Somaliland  ee naf iyo maalbba lagu bixiyay,waana Buro ka laalaadda Xukuumadda maanta , waji gabax iyo fadeexad siyaasadeed oo hor lehnna,ay faraqa buux satay.

 

 

 

Source: Timacade News