Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi oo Si Balaa dhan Loogu Soo Dhaweeyay Magaalooyinka Gabiley iyo Arabsiyo

 

 



“Soo dhawayntani waxay I tusaysaa midnimada iyo karaamada xisbiga kulmiye..." Muuse Biixi... Daa wo Sawiradda

Gabiley (TNN):- Kumanaan ka mid taageerayaasha xisbiga muxaafadka ee Kulmiye ayaa maanta duleedka magaalada Arabsiyo kaga hor tagay wafti balaadhan oo uu hogaaminayo gudoomiyaha xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi iyo xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Cartan oo ka mid xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland.


Soo Dhawaynta waftigaasi ayaa waxaa kale oo ka qayb qaatay Xildhibaanada golaha wakiilada ugasoo baxay gobolka Gabiley oo uu hogaaminayo Xildhibaan Ibraahin Axmed Haybe, Badhasaabka gobolka Gabiley Cali Aw Aadan Meecaad, Badhasaabkii hore ee gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere, Maayarka Degmada Gabiley Khadra Haji Gaydh, Salaadiinta, Cuqaasha, Aqoonyahanka, Haweenka, Dhalinyarta, Ardayda dugsiyada Sare iyo Hoose/Dhexe iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badnayd.


Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbado uga jeediyay taageerayaasha xisbigaasi fagaarayaasha magaalooyinka Gabibiley iyo Arabsiyo isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida diiran ee ay usoo dhaweeyeen, taageerayaashana u sheegay inaanay xukuumadii Kulmiye aanay ilaabin dadkii soo doortay ee ay wax badan u qabteen, wax badan oo kalena ay u qaban doonaan.


Muuse Biixi Waxaa kale oo halkasi dadwaynaha soo dhawaynayay uga sheegay inuu salaam uga sido madaxwaynaha dalka mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isagoo halkaasi uga mahad celiyay taageerayaasha bacadka taagan.

“Soo dhawayntani waxay I tusaysaa midnimada iyo karaamada xisbiga kulmiye barigii dhawayd ku elay sadexda boqol ee kun oo cod ka helay dhamaan gobolada dalka jamhuuriyada Somaliland. Waxay fariin u gudbinaysaa taageeradani dadwaynaha taageera dhamaan xisbiga Kulmiye ee gobolka Gabiley. Waxaynu xoogan iska bahaystay fikirka ah nabad, midnimo iyo horumar.”


Mujaahid Muuse Biixi Cabdi mar uu hambalyo u dirayay ciyaartoyga gobolada Dalka ee maanta tantanku uga furmayo magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco waxaa uu yidhi “Maanta waxaa magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco laga furayaa dhamaan tartankii ciyaaraha ee gobolada dalka, hambalyaan halkan uga dirayaa ciyaartoyga guud ahaan gobolada gaar ahaan dalka. Kooxda gobolka Gabileyna hambalyo gaar ah ayaan u dirayaan waayo Gabileybaan kusoo beegmay maanta iyadoo ciyaarihiina bilaabmayaan, sidaa darteed hambalyaan u dirayaa. Waxaan kaloon xusayaa goobtan maanta aan joogno (Gabiley) oo iyadna noqotay goobtii qaatay koobka siyaasada gobolada ee tartankii doorashadii madaxtooyada, iyo xisgan oo horyaalkii asaxaabtii tartanka gashay, iyadoo oo u hogaaminayay tababaraha qaaliga ahaa ee hogaamiyaha xisbigan. Koobkii hore ee gobolada waxaa qaaday Gabiley oo gacanta usoo galisay xibiga Kulmiye inuu hantiyo hogaanka talada dalka”

Xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Cartan oo ah xildhibaan ka mid ah golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland oo halkaasi hadal kasoo jeediyay ayaa taageerayaasha xisbiga kulmiye ee iskugu soo baxay fagaaraha khayriyada magaalada Gabiley u sheegay reer Gabiley inay xisbiga Kulmiye hormuud u ahaayeen sidii ay ugusoo tabceena looga baahan yahay inay ka midho dhaliyaan.

Xidhibaan Ibraahin Axmed Haybe oo halkaasi ka hadlay ayaa isaguna ka waramay socdaalka gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ku yimid gobolka Gabiley isagoo sheegay inuu safarkani ka mid yahay uun sidii loo dardar galin lahaa hawlaha xisbiga isagoo Gobolka Gabiley kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ee Kulmiye, shacabka reer Gabiley u sheegay inay wax badan oo uu halkaasi ka sheegi lahaa ay ka jawaabeen sida ay iskugu soo bexeen ee ay usoo dhaweeyeen gudoomiyaha xisbiga.

Badhasaabka Gobolka Gabiley Cali Aw Adan Meecaad iyo maayarka degmada Gabiley Khadra Xaaji Gaydh ayaa labadooduba waxay halkaasi kala hadleen taageerayaasha iyagoo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye u sheegay inay si diiran ugu soo dhawaynayaan gobolka Gabiley iy degmooyinkiisa, iyagoo ugu baaqay shacabka gobolka Gabileyna inay usoo dhaweeyaan xisbul xaakimka sida ugu quruxda badan.

Badhasaabkii hore ee Gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay taariikhdii xisbiga kulmiye iyo kaalmadii ay ku lahaayeen aasaaska xisbiga isagoo sheegay in Gabiley taariikh wayn ku leedahay xisbiga Kulmiye, isagoo halkaasi ka tilmaamay waxyaabaha Gabiley u qabsoomay intii ay Kumiye haystay.

Waxaa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Gabiley Amiin Muuse Xirsi, Gudoomiyaha Garabka Haweenka Safiya Aw Aadam Meecaad, Suldaan Xasan Aw Muuse, Caaqil Axmed Cabdilaahi Xareed, Caaqil Abiib Guray, Caaqil Cabdilaahi Qalinle Fariid, iyo Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo dhamaantood halkaasi iyagunaka jeediyay kalmado soo dhawayn ah iyagoo dadwaynaha halkaasi iskugu soo baxay u sheegay in xisbiga Kulmiye yahay xisbigoodii ay siiyeen codka ugu tirada badan, maantana loo baahan yahay inay codkooda siiyaan musharaxa u taagan madaxtinimada Muuse Biixi Cabdi.

Soo Dhawayntan loo sameeyay gudoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye ayaa noqonaysa tii ugu balaadhanayd ee loo sameeyo gudoomiye xisbi tan iyo intii ka danbaysay doorashadii madaxtooyada ee bishii lixaad ee sanadii 2010-kii. Soo dhawayntan ayaa kaga duwanaynd kuwii gudoomiyayaasha urur siyaasadeedyada in ay soo dhaweeyeen ardaydii dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Dugsiga Sare, iyadoo loo fasaxay inuu banaan baxan ku qabsadaan fagaaraha khayriyada magaalada Gabiley ooh ore loogu diiday gudoomiyayaashii urur siyaasadeedyada cusub.


 



Ahmed Biito
Timacade News Desk
Gabiley Somaliland
ahmed_biito@hotmail.com