Masuuliyiintii Xisbiga Kulmiye oo wajaale si diiran loogu soo
dhaweeyay kana garaabay cabashooyin loo soo jeediyay
Tog-wajaale(TNN)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo
ay weheliyaan xildhibaa nno ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland
iyo masuulliyiinta xisbiga, ayaa si diiran loogu soo dh aweeyay
Degmada Tog-wajaale ee ku taal xuduudka Somaliland la wadaagto dalka
Eithiopia.
Guddoomiyaha KULMIYE oo saaka ka ambabaxay magaalada Gabiley oo uu
xalay u hoyday ,ayaa tegay magaalada Wajaale oo ah magaalo ganacsi
badan laga abuuray, haseyeeshee waxoogga a dib-u-dhaci ka haystaan
addeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, islamarkaana ah magaalo muhiim
u ah nabadgelyada iyo isu-socodka Somaliland iyo Eithiopia,
waxa
weftigu soo dhawayn aad u ballaadhan kala kulmeen boqollaal ka mid
ah taageerayaasha iyo dadweynaha degmada.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo
fagaaraha
Khayriyadda khudbad uga jeed iyay dadweynaha reer Wajaale, waxa uu
kaga jawaabay cabashooyin iyo tabasho badan oo da dweynaha iyo
deegaanka Wajaale u jeediyeen xisbiga KULMIYE, isaggoo ka jawaabaya
cabasho oyinkaas waxa uu yidhi, “Wixii farriin ah oo si walba loo
dhigay, farriintaas waanu qaadnay. Waxaan raacinayaa
farriintaa aad
KULMIYE ku darteen ,qofkastaa ilmihiisa curad wixii uu ka bay lihiyo
wuu u dulqaataa markaa Wajaale waxan leeyahay
KULMIYE idinkaa dhalay
,
oo waa ilmihi innii curad,
dawladdana ay keeneen waa kii labaad,
Markaa wixii halkaa idinkaga baylaha, waa ilmihiinii oo cannaanteeda
oo sammirkeeda wuu leeyahay wax halkaa idinkaga baylaha oo aad c id
kale u daba fadhiisan doontaan, farriintana sideedaanu u qaadanay.”
Guddoomiye Muuse waxa uu intaa raaciyay oo yidhi, “Waxaannan Ilaahay
ka baryayaa inaanan halkan ku soo noqon annagoo leh farriin baanu
qaadaynaaye wixii Wajaale doonaysay wax ma ka qabanay. Wajaale waxna
Somaliland oo dhan bay la qabtaa, oo iskuullada lacagta la dhimm ay,
mushaharka la kordhiya waa mid qaybtiina aad hesheen. Waxyaalaha
idiin gaarka ahna sidoodaynu u daa.”
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu ka hadlay ujeedada safarkiisa,
“Socdaalkayaga wuxuu ahaa inaanu halkan nimaadno oo shaqadii aad noo
igmateen idiinka waranno, haddii ilmuhu xool aha raaco oo halleeyo
waa la uleeyaa ee lama dilo, markaa waxaad wax naga weydiisaan,
waxa an ognahay inaydaan na dilayn ee aad na ulaynaysaan.
xoolihii aad noo dirteen haddii ay ammaan tahay iyo hadanu ul ku
mudanayba diyaar baannu u nahay, iyadoo intaasoo cannaan ah loo
jeediyay waxaannu idiinku nimi doorashadii deegaanka. ”ayuu yidhi
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Cali Aadan Meecaad iyo Xildhibaan
Ibraahin Axmed Haybe oo madasha soo dhawaynta ka hadlay, ayaa u
mahadceliyay dadweynaha reer Tog-wajaale sida ay u soo dhaweeyaan
weftiga Xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo weftigiisu waxay maanta gelinkii
danbe ku laabteen caasimadda Hargeysa.
Source:Waaheen
|