Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Ibraahim Dhegaweyne oo la Sheegay inay si Wadajir ah u Furanaayan Urur-siyaasdeed

 

 


“Su’aashaadaasi waa mid wakhtigii loo baahnaa ka soo hormartay, haa iyo mayana kuma odhan karo, laakiin markay habboonaato waannu ka hadli doonaa”Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax


Hargeysa (TNN)- Mujaahidiinta Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Ibraahim Cabdillaahi Xuse en (Dhegaweyne) oo ka mid ah hal-doorka magaca ku leh Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay ugu dhawaaqi lahaayeen urur-siyaasadeed cusub oo ka qaybqaata doorashooyinka golayaasha degaanka ee soo socda.

Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay si wax looga weydiiyo waxa ka jira arrintaas, wax uu sheegay inay ku gudo jiraan sidii ay ugu dhawaaqi lahaayeen urur-siyaasadeed la tartama ururrada cusub iyo saddexda xisbi qaran ee dalka ka jira, laakiin wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintan, isagoo xusay in aannu si cad uga jawaabayn hadda su’aasha la xidhiidha in isaga iyo Muj. Dhagaweyne wada fura nayaan urur-siyaasadeed cusub.

“Waxa dadku yidhaahdaan ama meelo lagu qoro waxna way ka jiri karaan, waxna kama jiri karaan, laakiin su’aashaadaasi waa mid waqtigii loo baahnaa ka soo hormartay, markaa ha a iyo maya kuma odhan karo, laakiin markay habboonaato waannu ka hadli doonaa, waana n idiin yeedhi doonaa (saxaafadda),” ayuu si kooban u yidhi Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faa rax.

Sidoo kale, Muj. Ibraahim Dhegaweyne oo isna aanu isku daynay in aannu kala xidhiidhno ar rintan ayaanay noo suurtogelin in aannu khadka telefoonka ku helno.

Haseyeeshee, sida lagu baahiyey xalay shabakadda wararka Gabileynews.net, waxa la filay aa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doono urur-siyaasadeed cusub ay wadajir u aasa asayaan siyaasiyiinta Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Ibraahim Dhegaweyne oo muddooyi nkii u dambeeyey si weyn loogu dhegtaagayey mawqifkooda siyaasadeed iyo halka ay sall aanka siyaasadda ka fuuli doonaan marxaladda waqtigan ee lagu fasaxay furashada ururro siyaasadeed. Inkastoo Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhagaweyne) iyo siyaasiyiin kale hore ugu jireen urur-siyaasadeedka UDHIS, kaas oo aan ilaa hadda si rasmi ah loogu dhawaaqin, lana garanayn halka uu ku dambeeyey.

Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo hore u soo qabtay xilka madaxweyne-ku-xigeenka S omaliland iyo Ibraahim Dhegaweyne oo ka mid ah ragga taariikhda ku leh dalka oo ay wehe linayaan siyaasiyiin iyo aqoonyahanno kale, ayaa la sheegay inay ku hawlan yihiin urur-siy aasadeedka cusub ee la sheegay inay ku dhawaaqayaan, kaasi oo hadda lagu guddo jiro baadhista magacii loo bixin lahaa ururkooda.

Dhinaca kale, Mujaahid Maxamed Ibraahim Xuseen (Dhagaweyne) ayaa tan iyo markii uu ka soo laabtay socdaal uu badhtamihii sannadkan ku tegay dalka Ingiriiska waxay dad badan ka war-dhawrayeen inuu urur siyaasadeedkii hore ee UDHIS dib boodhka uga jafi doono, w aqtigaasi oo ku beegnaa markii labada gole baarlamanka ansixiyeen xeerka furashada urur rada siyaasadda, balse tan iyo wixii xilligaas ka dambeeyey arag saaxadda siyaasadda Som aliland, waxaanay dadweynuhu is weydiinayaan sababaha keenay inuu urur-siyaasadeedk iisu dhoollatusyada siyaasadeed uga muquurtay, maadaama UDHIS jiray

Geesta kale, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, waxa uu shacabka reer Somaliland iyo guud ah aan ummadaha muslimiinta ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidda Carrafo oo ku beegan Axadda maanta, isagoo dadweynaha Somaliland iyo guud ahaan shucuubta islaamkana Ilaa hay uga baryey inuu ciiddan teeda kale ku gaadhsiiyo bashbash, barwaaqo iyo caafimaad qab.

 

Source:Jamhuuriya