XUSUUSTAYDA SAAXIIBKAY, MALINTA MUJAAHIDIINTA IYO SAAXIIBKAY. CAWIL CADAMI BURHAN, NINKII NAFTIISA U HURAY BADBAADINTA ARDAYDII LA DILI LAHAA 25 NOV.1984

 


Muj. Cawil Cadami, waxa iigu horaysay markaan galay Dugsiga Sare, halkaas oo aanu isku School no qonay, waana uu iga sareeyay xagga fasalka.Cawil markii aanu ardayda ahayn aad baanu isugu dho wayn oo Saaxiibo iyo Tolba waanu ahayn.Waxa uu ahaa Arday aad loo jeclaa kuna fiicnaa Sports ka.

Berigaa 70s kii, Ardaydu waxa ay jeclaayeen in ay noqdaan Sarakiil Ciidamada ah.Anigu se ma jeclay n Askarta, waxa aan jeclaa in aan Diblomasi noqdo.Cawil markii uu Dugsiga Sare ka baxay waxa uu galay Kuliyadii Saraakiisha oo uu dhowr Sanadood ku jiray.Waxa uu kadib noqday Sarkaal Ciidanka Asluubta ah, oo uu ka gaadhay Dhame (Captain), intii aanu Naftiisa u hibayn Halgankii SNM.

Waxa aanu dib isu helay 1980, Anigoo ka shaqeeya Guddigii Arrimaha Debedda ee Golaha Shacabka (Barlamanka).Waxa aanu wada joognay Xamar oo aanu aad isgu xidhnayn.Cawil waxa uu ka mid ah aa dhallinyaradii Saraakiisha ahayd ee Mujaahid Lixle sida aad ka ah u la shaqayn jirtay intii aan Hal ganka loo bixin.Waxa loo diyaariyay marka loo baahdo in uu hawl gal ciidan fuliyo.

Malintii ay Taariikhdu ahayd 3 Octobar 1984, waxa Maxkamada Badbaadadu Dil ku xukuntay 7 Arday  waxana loo dhaadhiciyay Jeelka Mandheera.Cawil maadama uu ahaa Sarkaal Ciidanka Jeelasha ah, waxa uu ogaaday wakhtigii loo qorsheeyay in la dilo ardaydaas 7da ah, waxana ay ahayd 25 Nov.1984.

Waxa timi wakhtii Cawil loo baahnaa in uu hawlgal fuliyo.Go’aanku waxa uu noqday in Dayuuradii So mali Airlines in la afduubo, dabadeedna madax furasho lagu soo daayo Ardaydaas iyo Siyaasiyiin iy aguna xidhnaa.Waxa ka mid ahaa siyaasiyiintaa, Genaral Ismail Ali Abokor oo ahaa Madaxwayne Ku xigeen, isla markaana ahaa Guddoomiyihii Golaha Shacabka. Omar Arteh Ghalib iyo Rag kale oo la xid hay 1982. Waxa kale oo dalabkiisa ku jiray, in la sii daayo Dhallinyaradii UFO.

Cawil Cadami 24 Nov. 1984, waxa uu fuliyay Hawshii loo xil saaray oo ahayd Afduubka dayuuradii Somali Airlines, waxana uu ka dejiyay Addis ababa.Waxana la galay hawshaa Raggii asxaabtiisa ahaa oo aan ogaa in ay aad isugu fiicnaayeen ilaa yaraantoodii.Waxa ay kala ahaayeen,Muj. Bashe Muse Mohamed (Diig) iyo Muj. Ahmed Haji Mohamed (Waraabe).

Muj. Cawil Cadami waxa uu la galay Madaxwaynihii wakhtigaa Mohamed Siyad Bare, wada xaajood, waxana dhexdhexaadiye ka ahaa Dawladda Talyaniga.Muddo 75 Saacadood ah markuu socday afdu ubku, guusha uu gaadhay Cawil waxa ay ahayd in uu badbaadiyo Ardaydii la dili lahaa 25 Nov.1985.
Dawladdiina Dilkii joojiso, madaama Indhihii Caalamka lagu soo jeediyay.

Markii hawl galkaasi dhamaaday waxa ay Cawil iyo Asxaabtiisii si toos ah ugu biireen Halgankii SNM.
Markii Wadanka la soo galay, Madaxwayne Cigaal, waxa Muj. Cawil ka dhigay, Taliyaha Ciidanka Asl uubta Somaliland.

Ninkii Naftiisa u huray in uu Ardaydii badbaadiyo,waxa ku dhex dilay Hargaysa Gacan ka xaqdaran, isagoo Taliyaha Ciidanka Asluubta ah.Waxa ay ahayd Ayaan daro wayn.Saddexdii Nin, Cawil, Diig iyo Waraabe. Maanta waa inaga hooseeyaan.Waxa ay inaga mudan yihiin xusuus iyo qiimayn.

ILAAHAY HA U NAXARIISTO DHAMAANTOOD. AAMIIN.

 

 



Mohamed Yassin Hassan