Muj: Maxamed Kaahin Oo Xukuumadda Rayaale Ku Ee d eeyey In Aanay Daacad Ka Ahayn In Doorashada Madaxtooyadu Qabsoonto
 

“Hadaanu Doodi Weyno Xisbigii Hanti- Wadaaga Iyo Udub Oo Kale Ayaanu  Noqonayn aa” Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin
 


Hargeysa, December 29, 2009 (Timacade News) – Afhayeenka xisbiga Kulmiye Muj. Ma xamed Kaahin Axmed ayaa xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo xisbiga UDUB ku  ee deeyey in aanay diyaar u ahayn in tartanka doorashada Madaxtooyada ay ka qayb galaan, tilmaamayna in wax ka bedelkii xeer hoosaadka golaha guurtida ee khilaafku ka dhashay ay ka dambaysay, kaas oo intaa ku daray in maamulka Madaxweyne  Ray aale ku guuldaraystay Bedalaada lacagta Somalia ee ka socota gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag.

Waxa kale oo uu Mujaahid Maxamed Kaahin maamulka Madaxweyne Rayaale dusha ka saaray in sabateeda ay lahayd dib u dhicii badnaa ee ku yimid doorashooyinkii  golaya asha deegaanka iyo madaxtooyada.

Mujaahid Maxamed Kaahin oo muddo saddex todobaad ah ku sugnaa magaalo  madax da gobolka Togdheer ee Burco oo wargeyska Haatuf uu xalay khadka telefoonka uu waraysi kula yeeshay isaga oo jooga magaaladaasi oo aanu wax kaga weydiinay, xaal adda guud ee dalka iyo duruufaha ku xeeran diyaar garowga doorashooyinka, dib u dhiga doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo khilaafaadka xisbiga Kulmiye  hogaa nkiisa laga sheegayo.

Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:-

S: Muddadii aad ku sugnayd magaalada Burco, Maxaad ku aragtay Waayaha iyo Marxaladda ka taagan gobolkaasi Togdheer?

J: Runtii Burco ayaan ku sugnaa in muddo ahba, wakhtigan xaadirka ahna aan joogaa, marka aad Burco joogto waxa aad dareemaysaa Astaamaha qaranka ee maqan oo ay kow ka tahay Caasimadii labaad ee dalka oo ay ka socoto lacag aan ahayn tii qaranka ee dawladdii Siyaad Barre, miisaaniyadihii ugu dambeeyey ee golaha wakiiladu  Ansixiy een 2007 ilaa 2008-dii, kharashaadkii lagu bedalayey lacagtaasi waa lagu daray, dawl addaase dib u isticmaashay, marka la eego lixdii gobol ee dalka hore uga jiray saddex gobol baanay ka socon lacagta Qaranka Somaliland, Waana Togdheer, Sool iyo Sanaag.

Dawladda Somaliland ayaana ku fashilantay Astaanka qaran ee maqan, dhibaatada ugu weyn ee Burco ka taaganina oo ah dhaawac qaran, waa lacagtaa nidaamkii Somalia ee ka socota oo ay xukuumaddani tahli kari weyday inay dalkii ay xukumaysay ay lacag kale ka socoto,.

S: Xisbigiina Kulmiye waxa ay maalmahan saxaafadda qaarkood ay qorayeen in  hogaa nkiina Kulmiye uu khilaaf weyni ka dhex taagan yahay, arimahasi maxaad ka leedahay?

J: Horta anagu hadaanu nahay Kulmiye waxa aanu nahay mid aad uga duwan  xisbiga asi UDUB, xisbiga aanay guddihiisa dimuqraadiyad iyo wada tashi aanu ka dhex jirina, hadduu xukunka dalka qabtana, maamulkiisa dimuqraadiyadi kama jiri karto, khilaaf siyaasi ah oo xisbigayaga isku jiid jiitaana ma jiro, waxa qudha ee jira, waxa weeyi xaalaadka siyaasiga ah iyo qiimaynta hawlaha xisbigu fulinayo, marka laga hadlayo, Doodbaa xisbiga dhex marta, haddaanay doodi na dhex marina, deexisbigii hanti-wadaaga kacaanka somaliyeed ee Siyaad Barre ee qofka qudhii u talin jiray iyo ka UDUB oo kale ayaanu noqonaynaa, wax ka sokeeya doodahaas qiimaynta ah oo jiraa ma jiro, balse waxa jira qiimaynta doodahaasi uun.

S: Waxa jiray dhawaan in xilal cusub oo xisbiga Kulmiye uu magacaabay oo  saxaafad da loo gudbiyey, haddana xisbigu ka soo daba saaray qoraalo lagu hakinayo oo xisbiga guddihiisu iska arkayo, Arimahaasi miyaanay Dhabar jab ku ahayn Sumcadda  Maamu lka xisbigiina Kulmiye oo aanay wax u dhimayn?

J: Wax ku noqon maysee waa wada tashiga sii balaadhintiisa iyo meel marintiisa, in la is qanciyo oo la doodaana waa dimuqraadiyadda waajibkeeda.

S: Sideed u aragtaa go’aanadii ay guddida nabadgelyada gobolka Togdheer ay ka soo saareen xayiraadka gaadiidka soo galaya 10:00 habeenimo wixii ka dambeeya inay mamnuuc tahay?

J: Nabadgelyada xoojinteeda ayay yidhaahdeen ujeedadayadu way ku saabsan tahay, Nabadgelyada xoojinteeduna ma xuma.

S: Waxa jira in doorashada qabsoomideedii aanay Komishanka doorashooyinku ilaa hadda aanay cayimin, Komishankuna ay safaradoodii tababarka ku guda jiraan  arima haasi sideed u aragtaa?

J: Horta waad la socotaa oo doorashadii Madaxtooyadu waxa ay hayd inay qabsoonto badhtamihii April 2008, maantana waxa aynu maraynaa dabayaaqadii bishii December, 2009, Todoba jeer oo hore ayaa la mudeeyey, asbaabihii ay dib ugu dhacdayna waxa Kow ka ah xukuumadda Daahir Rayaale, lacagtii kaga soo hagaagtay kharashka  door a shadana waa kuwii bixin waayey, waa kuwii natiijadii diiwaangelinta cod-bixiyeya ashana sharci darada ku laalay oo muddo kordhin dhawr ahna loo sameeyey, waa tii khilaafkii siyaasiga ahaa ee doorashadana laga heshiieyey, Komishan doorashooyin oo cusbuna la magacaabay. Dawladdihii qaadhaan bixiyeyaashuna waa kuwii hereba  tab abarka u siin jiray Komishankii horeba, balse waa kuwaa xoghayahoodii guud ay imika wada leeyihiin diiwaangelintii suuro gali mayso, xeerkii yaraa ee dhaqdhaqaajinta guurtiduna, kuwaa uun buuu dabada ku hayey, waxa weeyi in aanay doorasho diyaar u hayn, waa la arkay, xiligii ay go’aanka saddexda xisbi soo wada saareena waxa ay ahayd dabayaaqadii sanadkii hore, dabadeedna waxa la filayey oo aad iyo aad loo sugayey doorashadii madaxtooyadu inay wakhtigeedii ku qabsoonto April 2008, daba deedna markii xaaladda la qiimeeyey waxa weeyi haddii doorashada madaxtooyada dib loo dhigo oo ta deegaanka oo aan loo diyaar garoobina Armay qabsoomi weydaa, markaa waxa weeyi qodobadii lixda ahaa ee lagu heshiiyey, waxay ahaayeen  mabaa diidii asaasiga ahaa ee koobayey hawlaha doorashada, markaa inta ay ina soo  gaadh siiyeena wixii Technical ah iyaga ayaa qabanaya, wixii wada tashi ah ee khubaro  aha an la inaga cilmi roonyahayna, sida Tirakoobka Servarka hagaajintiisa, Arimaha  doora shada iyo qalabkeeda la soo daabacayo, qaadhaan-bixiyeyaasha 75% in ay iyagu bixiyaan, waa hawlo farsamo oo nidaamkii ay inoo keeneen ee Axsaabtu ay isla  waafa qday waxa aanu u aragnaa inay macquul tahay. Wixii kale qolyaha farsamada ayaa hawshoodii qabanaya.

S: Ururka UDHIS waxa uu sheegay in heshiiskii hogaamiyeyaasha saddexda xisbi ay wa da gaadheen in doorashada golayaasha deegaanka laga soo horaysiiyo ta  madaxtoo yada ay tilamaameena, distoor jabin iyo khiyaamo qaran oo sida sharcigu dhigayo in doorashada deegaanku ay soo horayso, arinkaa sidaad u aragtaa?

J: horta waxa weeyi waa dhab oo arimaha doorashadu way kala horeeyaan, ta  golay aasha deegaanku wakhtigeedii wuu ku qabsoomi waayey, tii madaxtooyaduna waa ta qabsoomi weyday, dabadeedna waxa la yidhi ta aasaasiga ahi waxa weeyi ta  madax weynaha oo waa madaxweynihii, waxa weeyi qiimayntas iyaasiga ahi, meesha ay ku dhacaysaa, waa ta madaxtooyadu, ha idin dhaafto dabadeedna tii golayaasha  deega anka aad gashaan, markaa ma qabo anigu doorashadii baa qabsoomi weyday,  doora shada qabsoomideedu waxa qaban kari waayey hay’addihii ku shaqada lahaa ama komishan ha noqotee, dabadeedna sifihii aynu ku soo hor marinay tii madax tooyada ayaa bulsho weynta caalamnka teebaynu taageero dhaqaale kaga doonaynay ama taageero ummaddeed ee aynu ku quudaraynaynay inay doorashadu wax inoogu tarto xagga la dhaqanka bulshada caalamka iyo ictiraafkeena, labada ta aanu isnidhi aad baa loo qiimaynayaa, caalamkuna ay danaynayaan waxa ay ahayd ta madaxtooyada laakiin waa qodob oo waxa weeyaan wuu habsaamay sifuhuu ku habsaamayna waa sifahaasi aan soo sheegnay.


Source:Haatuf