Muj. Xasan Ciise oo ku Taliyey in Somaliland loo Sameeyo Ra’iisal-wasaare iyo Madaxweyne-ku-xigeenno Badan


 

 


Guddoomiyaha ururka XAQSOOR oo ku baaqay in wax-ka-beddel lagu sameeyo distoorka Som aliland, shaaciyey inay ku hawlan yihiin sidii ay xulafo ula samaysan lahaayeen ururrada hadhay

“Maraykanka iyo Faranji kaleba waxba ka weydiin mayno kaalinta dumarka laga siinayo doorash ooyinka, arrintaasna waxaannu wax ka weydiinaynaa…”

“Mudaharaadka in sabab la’aan la isu hortaago maaha, laakiin haddii dawladdu…”

Waraysi khaas ah - Xasan Ciise Jaamac


Hargeysa (TNN)- Madaxweyne-ku-xigeenkii u horreeyey ee dalka Somaliland, ahna Guddoomiy aha urur-siyaasadeedka XAQSOOR Muj. Xasan Ciise Jaamac, ayaa ku taliyey in wax-ka-beddel lagu sameeyo distoorka qaranka si dalku u yeesho ra’iisal-wasaare iyo madaxweyne-ku-xige enno badan.

Muj. Xasan Ciise Jaamac oo gurigiisa magaalada Hargeysa waraysi khaas ah Jamhuuriya ku siiy ey shalay, waxa kaloo uu shaaciyey inay ku hawlan yihiin sidii ay xulafo ula samaysan lahaaye en ururrada hadhay hadheen si loo xoojiyo cuddudda ay kaga qaybgalayaan doorashooyinka golayaasha degaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan, isagoo tilmaamay inay xidhiidho iyo wadahadallo u socdaan ururkiisa XAQSOOR iyo madaxda ururrada hadhay, aqoonyahanno kaloo madaxbannaan oo reer Somaliland ah iyo siyaasiyiin ka tirsan saddexda xisbi ee UDUB, KU LMIYE iyo UCID.

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka XAQSOOR waxa uu sheegay in tabashooyinka kala duwan ee ka jira dalka oo uu shaaca waddanka ka taagan lagu xallin karo wax-ka-beddel lagu sameeyo dastuurka Somaliland.

Waraysiga Xasan Ciise Jaamac oo aad u dheer, isla markaana kaga hadlay qodobo badan oo xiis o leh waxa uu u dhacay sidan:

Jamhuuriya: XAQSOOR waxa uu ka mid yahay lixda urur-siyaasadeed ee ka gudbay qiimayntii hore, bal ka waran dareenkiina ku wajahan inaad ka qaybgashaan tartanka golayaasha degaanka iyo hawlaha ururkiina?

Xasan Ciise: Sidaad sheegtay ururka XAQSOOR wuxuu ka mid yahay lixda urur ee soo baxay, qorshaha iyo mabaa’dii’da guud ee ururkuna waa mid cad oo magaciisa ayaaba ka turjumaya. Waa urur u taagan midnimada Somaliland, nabadgelyadeeda iyo in caddaalad lagu dhaqo wadan ka, inuu arrintaas ka shaqeeyo ama ku dedaalana waa waajib saaran. Waxaannu ku dedaalay naa in aannu horumar ku shaqayno si dalka looga saaro duruufaha ku taagan oo caddaalad loo gu maamulo.

Jamhuuriya: Mar haddii ururkiinu soo baxay qorshaha ma idiinku jirtaa inaad martiqaadaan mas uuliyiinta iyo madaxda ururrada hadhay si ay XAQSOOR ula midoobaan, maadaama aad adigu sh aqsiyan hore dedaal ugu gashay midaynya ururrada cusub ee siyaasadda?

Xasan Ciise: Arrimahaas aad sheegtay waa qaar jira oo damiirka iyo caqligaaga ayaaba ku siin aya in lala xidhiidho ururrada hadhay oo qudhoodu tabashooyin qaba, hawshana laga qayb ge liyo. In la isu yimaad oo cuddudaada la xoojiyo waxa ku jira midnimada ummadda.

Ururrada aan ka mid noqon lixda urur ee soo baxay badankoooda waannu wada xidhiidhnay oo waxa jira kuwo nala soo xidhiidhay iyo qaar aannu annagu la xidhiidhnay, wadahadalkuna weli soo noo socda oo qaarba meel ayey noo maraysaa, iminkana ma doonayo in aan ka sii hordhaco oo magacyadooda sheego, laakiin mid kasta markaannu wada-shaqaynta ku heshiinno ama ku heshiinno in aannu kala tagno ayaannu magacyooda sheegi doonnaa. Iminka hordhac bay noqo naysaa inaad ka faallooto wixii oo aan bislayn.

Markaa waxaan idiin sheegaa inay jiraan xidhiidho aannu la samaynay ururradaas iyo shaqsiyaa d kale oo aan ururba ku jirin iyo qaar saddexdii xisbi ee horeba ku jiray oo nala soo xidhiidhay, hawshuna meel fiican bay noo maraysaa, waxaanan u aragnaa in arrintaasi ka mid tahay mida ynta ummadda iyo sidii loogu adeegi lahaa horumarka iyo wax-wada-qabsiga ummadda iyo dal ka.

Jamhuuriya: Waxa jira cabashooyin ka soo yeedhaya ururrada hadhay, waxayna ku baaqeen mudaharaadyo ay leeyihiin dastuurka ayaa noo fasaxaya, xukuumadduna way diiddan tahay, halkaasna khilaaf baa ka dhashay, urur ahaan siday arrimahaasi idiinku muuqdaan?

Xasan Ciise: Annagu ma nihin maxkamad oo maannu gudo-gelin in aannu khilaafkaas ka garnaqn o, arrinta haddii aanad ka garnaqina waxa aad ka tidhaaa waa guud-mar qudha, markaa labada qolo ee ururrada iyo xukuumadda midna noomuu iman oo namay odhan noo garnaqa oo na kala saara.

Markaas laba qodob ayuun baan arrintaas ka odhanayaa oo waxaan maqlayey ama jaraa’idka ku arkay in qaar ka mid ah ururradu yidhaahdeen maxkamadda ayaannu dacwad u gudbinaynaa.

Haddii arrinta maxkamad la geeyey ama la geynayo ma fiicna in laga faalloodo oo waddamada caalamka qaar ka mid ah waaba dambi in laga hadlo kiisas maxkamadaha ku jira, sababtoo ah waxa la doonayaa in maxkamaddu fursad u hesho inay garsoor fiican ka samayso waxa la isku hayo si loogu qanco, haddii laakiin kiiska laga sii hadlo isagoo maxkamad ku jira khalkhal baa imanaya, wixiina waa la dhooqaynayaa.

Xagga mudaharaadka haddii aan ka hadlo, mudaharaadku haddii lagu qanacsan yahay inuu mid nabadgelyo ah noqonayo, dadkuna si macquul ah u dalbadaan mudaharaadka oo dariiqiisa mara an lagama horjoogsan karo oo xorriyatul-qawlka ayuu la mid yahay, waana shay qofka muwaa ddinka ah xaq u leeyahay, mudaharaadkana in sabab la’aan la isu hortaago maaha, laakiin had dii dawladdu sabab macquul ah haysato way ishortaagi kartaa oo sirdoon baa jira ciidamaa jira oo dawladdu leedahay, markaa haddii wax cad oo nabadgelyo la’aan sababi kara la hayo waa la horjoogsan karaa mudaharaadka, waana in dawladdu qancisaa dadka mudaharaadka wata oo ay sababaysaa waxa keenay inay diido.

Jamhuuriya: Ururka XAQSOOR waxaan filayaa inuu yahay ururka qudha lixda urur ee soo baxay ee guddoomiye-ku-xigeenkooda ka dhigay siyaasi ka soo jeeda Gobolka Sool, degaannada bari ee dalkana dhibaatooyin baa ka jira, waa maxay mowqifkiina la xidhiidha xallinta tabashooyinka gobollada bari ee Somaliland?

Xasan Ciise: Arrintaas mowqif cad baannu ka taaganay, waxana jira in dawladihii Somaliland ee kala dambeeyey oo dhan ay baylihiyeen degaannada bariga shishe ee dalka. Arrintaas in aannu wax ka qabanno ayaannu doonaynaa oo qorshaha noogu jirta, taasna macnaheedu ma aha de gaannada galbeed ee dalka ama degmooyinka kalee badhtanka ayaannu sii daynaynaa, laakiin waxaannu qabnaa in la dhanmeeyo tabashooyinka dalka ka jira oo dhan, waxaanan aaminsan ahay in la beddelo dastuurka Somaliland u yaal oo waddanku markuu ugu yaryahay laba ama saddex madaxweyne-ku-xigeen iyo ra’iisal-wasaare yeesho, dastuurka inoo yaallaana maaha aayado qur’aana oo Illaahay soo dejiyey, balse waxa weeyeshuruudo dadku samaysteen oo ay doorbideen inay ku dhaqmaan, iskuna maamulaan.

Marka baahiyo kale yimaaddaan waajib ayey kugu tahay inaad beddesho dastuurka aad sama ysatay si loogu xalliyo baahiyaha soo baxay inta aanay kugu noqon carqalad dhibaato keenta oo danahaagu u burburin, markaa iyadoo dariiqa sharciga ah loo marayo waxaannu aaminsanahay in wax-ka-beddel lagu sameeyo dastuurka si ummaddu murraayadda hoggaanka sare ee dalka isaga wada aragto.

Guddoomiye-ku-xigeennada ururka XAQSOOR ee aannu badinay waxaannu uga dan leenahay in madaxweyne-ku-xigeennada la badiyo oo ra’iisal-wasaare la sameeyo oo bariga iyo galbeedka dalkaba siyaasadda laga qaybgeliyo si aynu ugu gaadhno ictiraafka aynu u baahannahay ee innagu raagay.

Jamhuuriya: Guddoomiye; xukuumaddii hore ee Rayaale waxay samayn jireen ballaanqaadyo la xidhiidha sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka degaannada bariga dalka, laakiin waxba kamay fuli jirin. Xisbiga KULMIYE ololihii wuxuu ku galay wax baannu ka qabanaynaa tabashooy inka bariga oo ilaa ra’iisal-wasaaraha aad sheegayso waxay sheegeen inay samaynayaan, haddana weli wax tallaabo ah lama qaadin, maxaa intaas dhaafsiisan ood idinku haysaan?

Xasan Ciise: Horta annagu tallaabooyin ka duwan kuwaa aad sheegtay badh waannu ku dhaq aaqnay oo guddoomiye-ku-xigeenka ururka XAQSOOR waxaannu ka dhignay nin ka soo jeeda degaannada bariga, arrintaasina waa tallaabo aannu samaynay oo aannu dheernahay kuwa kale oo dhan.

Waxa kale oo aannu ku dhawaaqnay in aannu taageernay gogosha nabadda ee bariga loo fidi yey, waana mid waajib ah, laakiin waxaannu xukuumadda ku dhalliilnay in aanay raacin wejigii lagu iman lahaa gogosha nabadda, qaabka gogosha nabadda lagu imanaya waannu sheegnay oo kumaanan bakhaylin oo qolooyinka Faranjiga (reer galbeedka) ayaaba yidhaa gogosha nabadda waa inaad raacisaa wixii dhibaatada lagu xallin lahaa oo aad raacdaa dariiqii loo mari lahaa gogosha nabadda, arrintaasna waxa ka mid ah in laga kaco meelaha biyaha ah ee laga fadhiistay dadweynaha bariga, waana hab aannu kaga duwanahay xukuumadda talada haysa iyo kuwii horeba, taasina waxay keenaysaa kalsoonida oo waxay muujinaynsaa inaad gogosha nabadda daacad ka tahay, markaa waa in gogosha nabadda la raaciyaa wixii dadku ku iman lahaayeen, iyadoo loo muujinayo in la xallinayo wixii ay tabanayaan oo dhan.

Iminka ma jiro wax dawladda ka hortaagan inay dastuurka beddesho. Berrito ayey bilaabi kar taa inay dastuurka beddesho, mana jiro cadaw shisheeye oo ka hortaagan in dastuurka la bed delo. Waxa qudha oo ka hortaagani waa garasho la’aanta iyo fahmo la’aanta xukuumadda jirta. Hadda ayey dawladdu bilaabi kartaa tallaabooyinka dastuurka lagu beddeli karo.

Jamhuuriya: Ma dastuurka oo dhan baad doonaysaa in la beddelo, mise qodobo ka mid ah?

Xasan Ciise: Dastuurka oo dhan lama beddelayo, laakiin waxa la beddelayaa qodobo sharciyeynaya in dalku yeesho madaxweyne-ku-xigeenno badan iyo ra’iisal-wasaare, arrintaasna wax xukuumadda ka hortaagan ma jiro.

Annagu waxaannu nahay kuwii ku dhiirran lahaa in dastuurka la beddelo haddii aannu talada qabano haddii Ilaahay yidhaa.

Jamhuuriya: Waxa jira tabashooyin badan oo dadku ka qabaan golayaasha degaannada dalka ee ku yimi doorashadii 2002, waxayna dad badan aaminsan yihiin in aanay goleyaasha hadda shaqeeyaa wax badan ka qaban adeegyadii bulshada ee magaalooyinka dalka, iminkana waxa la isu diyaarinayaa doorashadii degaanka. Haddaba, si loo daweeyo cabashooyinka dadweynaha idinku qaab noocee ah ayaad ku xulaysaan xildhibaannada murrashaxiinta idiin noqonaya?

Xasan Ciise: Waxaannu ururka farnay in lagu dedaalo sidii xildhibaannada murrashaxiinta noqon aya tayo loogu soo xuli lahaa, in lagala tashado madax-dhaqameedyada, culimada iyo waxgara dka degaanka sidii loo heli lahaa rag tayo leh oo ururka XAQSOOR uga qaybgala tartanka doorashada degaannada.

Waxaannu doonaynaa oo aaminsan nahay in aannu soo xulno dad ummadda ugu adeegi kara daacadnimo iyo caddaalad oo la aamini karo, haddii Ilaahay yidhaana waannu ku dedaali doon naa arrintaas si ummaddu uga baxdo dhibaatooyinka haysta oo looga gudbo musuqmaasuqa dalka ka jira ee heer kasta saameeyey.

Jamhuuriya: Weftigii qaadhaan-bixiyeyaasha ee toddobaadkan dalka yimi waxay sheegeen inay ururrada siyaasadda iyo madaxweynahaba kala hadleen sidii saami fiican dumarka iyo dadka laga tirada badan yihiin looga siin lahaa murrashaxiinta doorashooyinka, arrintaas sideed u aragtaa?

Xasan Ciise: Kaalinta dumarka laga siinayo doorashooyinkal Maraykan walaa Faranji kale waxba ka weydiin mayno, arrintaasna waxaannu wax ka weydiinaynaa culimada iyo aqoonyahanka So maliland, dumarka waddankeenna waxaannu u oggolnahay oo ku dhiirrigelinaynaa wax kastoo khayr ku jiro oo diinteenna iyo dhaqankeennu siinayaan, waanuna u oggolnahay arrintaas, laakiin Faranji diin kale haysta oo dumarkoodiiba qaawiyey waxba u weydiin mayno dumarkagaya.

Qayb kaloo ka mid ah waraysigan oo Xasan Ciise kaga hadlayo mawqifka urur-siyaasadeedkiisa ee la xidhiidha ka qaybgalka Somaliland ee shirarka Soomaaliya, shirka Muqdisho uga socda mad ax-dhaqameedyada oo la sheegay in qaar reer Somaliland ah ku jiraan, sababaha keliftay inuu mar labaad saaxadda siyaasadda ku suu noqdo, rajada uu ka qabo in dadweynuhu u doortaan hoggaaminta dalka iyo qodobo kale oo xiiso badan la soco cadadka Jamhuuriya ee Jimcaha
 

Source:Jam