XAFLAD FOOLADEYN AH OO LAGU SOO DHAW EEYEY WASIIRU DOWLAHA CUSUB

 

Xaflad soo dhaweyn ah oo lagu fooladeyeeyay Wasiiru Dowlaha cusub ee dhawaan loo magacaabey Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryeynta Md Maxamed Aw Cabdi Sheekh(xirsi) ayaa shaley lagu qabtey Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley.

Xafladaasi soo dhaweynta Wasiiru dowlaha oo aheyd mid siweyn loo soo agaasimey islamarkaana,ay Dadweynaha reer Gabiley kaga hortageen Jameecadda oo 2km dhinaca bari kaga began Magaalada Gabiley iyagoo watay gaadiid tiro badan iyo caleemo qoyan ayaa waxa kazoo qeyb galey raxan Wasiiro Ah oo ay kamid yihiin Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Md Aw Nuur Aamin Ismaaciil ,Wasiirka Dib Udajinta Maxamed Yuusuf Cismaan ,Wasiir kuxigeenka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Axmed Xaashi,Agaasimaha Guud ee Wasarada Macdanta iyo Biyaha Axmed Ibraahim Suldaan Gudoomiyaha Gobolka Gabiley, Maayrka Gabiley,Xubno Qurba joog ah iyo marti sharaf kale
Waxa ugu horeyn hadal soo dhaweyn ah xafladaa ka jeediyey Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Md Aw Nuur Aamin Ismaaciil oo sheegey in ay Wasiiru Dowlaha Cusub Md Xirsi kusoo dhaweynayaan Gobolka Gabiley ee uu kazoo jeedo isagoo ah Xubin Qurba joog ah oo aqoonyahan ah oo dalkiisa iyo dadkiisaba wax kusoo kordhinaya.

Wasiiru Dowlaha Cusub Maxamed Aw Cabdi Sheekh (xirsi) oo isaguna xafldaa hadalo kooban ka jeediyey ayaa ka mahad celiyey

Sida diiran ee ay dadweynaha reer Gabiley usoo dhaweeyeen taas oo i xasuusineysa wadaninimadeyda ayuu yidhi ,waxanu sheegey in ay Waajib ku tahey in uu Qaranka iyo Gobolkiisaba wax u qabto iyadoo ay wada shaqeynta iyo iskaashigu tahey wax muhiim ah oo kaaba jiritaanka qaranimo.

Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Md Maxamed Axmed Aw Cabdi(xabiib)oo isaguna hadalo kooban halkaa ka jeediyey ayaa sheegey iney aad iyo aad ugu faraxsan yihiin sida loo soo dhaweeyey Wasiiru dowlaha taas oo xiligan uu yimd isfaham weyn oo qurba jooga iyo bulshada dalka sii joogtey ah oo awal hore fikrado khaldan kala aaminsanaa ayuu yidhi ,waxanu intaa ku darey hadalkiisa in bulshadu aad u wanaagsan tahey laakiin ay ka maqaneyd oo kaliya abaabul iyo cid ku wacyigalisa sidii ay wax uqabsan lahaayeen iyadoo odayaashuna yihiin tiirasha ay Somaliland ku dhisan tahey.

Maayarka Degmada Gabiley Aadan Muxumed Badde o isaguna hadlo kooban halkaa kajeediyey ayaa xusey in Wasiiru Dowlaha Cusubi yahey Wasiirkii ugu horeeyey ee Gabiley sedan o kale loogu soo dhaweeyo.

Waxa kale oo isaguna halkaa hadal dheer kajeediyey Axmed Xadi oo sida uu sheegey ah Gudoomiyaha UK ee Xisbiga Udub ,waxanu ku dardaarey Dadweynaha reer Gabiley in ay gacan siiyaan oo ay la shaqeeyaan Wasiirka Cusub.

Waxa kale oo iyaguna xafladaa soo dhaweynta Wasiirka hadalo kajeediyey Aw Ciise Jaamac Qaalib,iyo Chief Caaqil Cabdi Ciidle Amaan oo ah madax dhaqameedyada Gobolka Gabiley oo labadooduba sheegey in soo dhaweynta Wasiirku Tahey mid ku cusub Gobolka Gabiley taas oo ka turjumeysa xiisaha Dadweynahu u qabaan dhalinyarada cusub ee waayo aragnimada qurbaha wadata.

Waxa kale oo dadkii halkaa kahadley kamid ahaa Cumar Aw Cabid(dooli)oo ah qurba jooga Xisbiga Udub ee Gobolkan kaso jeeda ,Saado Kooshin ,Xasan Cabdi Saaiq ayaa isaguna halkaa tixi gabey ah kusoo dhaweeyey Wassirka .

Dhinaca Kale waxa huteelka asker Huteel ee Magaalada Gabiley iyaguna Xaflad kooban looguqabtey koox dhalinyaro ah oo sida ay sheegeen kazoo baxey Xisbiga Kulmiye kuna soo biirey Xisbiga Udub halkaas oo ay hadalo uga jeediyeen Wasiirada,Maamulka Gobolka iyo Yuusuf Dabalule oo sheegey in uu yahey isku xidhaha Gobolka Gabiley iyo Gobolka Saaxil.

Gabileynews