Madaxweyne ku xigeenka oo dhagax dhigay dhismaha wadada isku xidha Dilla & Camuud
 

 


Boorame (TNN)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaas iin iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayay ayaa saaka soo gaadhay magaalada Boorama ee  xa runta gobalka Awdal si ay ugu qeyb galaan howsha furitaanka wadada isku xidha Dilla & Camuud.


Waftiga uu horkacayay Madaxweyne ku xigeenka ayaa isugu jiray Wasiiro, Xildhibaano iyo duqa caasimada Somaliland ee Hargeysa kuwaasoo saaka kasoo baxay caasimada Somaliland ee  Har geysa.

Waftigaan waxaa Borama kusoo dhaweeyay Maamulka Hay'ada dhismaha waddooyinka Awdal & Salel ee ASARDA, Guddoomiyaha gobalka Awdal, Maayarka, Xildhibaano, Ganacsato, Culumaa'u diin, Salaadiin, Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Borama.

Kumanaan dadweyne ah oo ku dhaqan Borama kuna faraxsanaa howsha baaxada weyn ee  Ha y'a da ASARDA bilowday ee dhismaha wadada isku xidha Dila ilaa Camuud ayaa isugu soo baxay hareeraha wadada Laamiga ah ee dhex marta magaalada Boorama.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo khudbad dhiira galin ah ka hor dhagax dhiga ka jeediyay Control-ka magaalada Boorama ayaa sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay howsha ay wado ASARDA, waxuuna sheegay inay 22 May ay isagu u tahay maalin aad u tixgaliyo  maadaa ma maalintaasi uu ku biiray Golaha Wakiilada Somaliland, maantana ay tahay 22 May kuna  fara xsan yahay inuu dhagax dhigo wadada isku xidha Dilla iyo Camuud ee dhismaheeda la bilaabayo.

Kadib dhagax-dhiga ayaa loo soo dareeray xarunta hotelka weyn ee Rays ee magaalada Borama, halkaasoo ay ka dhacday xaflad cajiib aheyd oo si weyn usoo agaasimeen Hay'ada ASARDA,taas oo khudbado kala duwan laga jeediyay.

Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar (Sheekhul Baladka) oo ka hadlay madasha ayaa si weyn  u gu dheeraaday sida ay u wanaagsan tahay in laga shaqeeyo dhismaha waddooyinka diinta  Islaa mkana eey aad ugu hadashay.

Sheekha waxuu sheegay inay dhiira galisay wadada Laamiga ah ee Maaryaka Borama  Cabdirax maan Shide Bille ka dhisay Borama, taasoo uu sheegay inay keentay in loo hamiyo in guud ahaan gobolada Awdal iyo Salel laga wada dhigo Laamiga.

Sheekha waxuu u mahadnaqay Madaxweyne ku xigeenka maadaama isagoo ku jiray Caafimaad dhowrid mudana xanuunsanayay uu si geesinimo leh usoo galay safar dheer una soo maray wa dada burbursan ee Dilla iyo Borama u dhaxeysa si uu shacabka Awdal iyo Salel ugu qeyb galo dhagax dhiga wadada Laamiga laga dhigayo ee Dilla ilaa Camuud.

Kadib, waxaa hadalka qaatay Guddoomiyaha Hay'ada dhismaha waddooyinka Awdal iyo Salel  Prof. Xasan Cali Cismaan waxuuna sharaxay qaabka ay u aasaaseen ASARDA, waxuuna sheegay in sannadii 2007-da ay Ganacsatada gobalka Awdal aaseeneen ururka ARNA kadibna uu isaga yimid magaciina u badaleen ARNA gobalka Awdal-na ku biiriyeen Salel.

"Waxaa xusid mudan in habeen qudha 150.000 Dollar kaga aruurinay bulshada ku dhaqan  Bora ma, magaalada lacag wey taalaa dadkana wey hayaan balse waxaa haboon in nala fahmo  qorsh ahaan wadada lagu dhisayo inay wanaag u tahay iyo horumar Caruurteen, Inaga iyo Caruurta Awoowaha or Ayeeyada u noqon doono" ayuu yidhi Prof. Xasan Cali.

Prof. Xasan Cali waxuu si cod dheer u yidhi "Aniga waan hubaa waqtiga ha dheeraada ama ha  g aabnaado inaan ku guuleysaneyno Insha Allah inaan Laami ka dhigno 33 KM ee u dhaxeysa  wada da Camuud iyo Dilla u dhaxeyso".

Prof. Xasan waxuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay horumarka waa furaha nolosha wanaagsani jidadkana koow ayay ka tahay.

Shirkadaha Dahabshiil iyo Telesom mas'uuliyiin sare oo ka yimid Hargeysa kana hadleen madasha ayaa u balan qaaday Hay'ada ASARDA inay kaalin xoogan ka geysanayaan waxeyna Gudida  AS ARDA ka codsadeen inay ugu daba-yimaadaan Hargeysa si ay usoo gudoon siiyaan deeq  balaa dhan oo ay ugu deeqeen dhismaha wadada isku xidha Dila ilaa Camuud.

Wasiirka howlaha guud ee Somaliland Saciid Sulub ayaa balan-qaaday inuu dhisi doono 1 KM  wa dadaasi Laamiga ah, iyadoo xusid mudan tahay in Maayarka Hargeysa Injineer Xuseen  Maxamu ud Jaciir inuu howshaan ugu deeqay 10.000 dollar iyo dhismaha Sariilinka oo kaliya 2 KM oo kamid ah wadaan la dhisaayo, isagoo sidoo kale sheegay inuu aqoontiisa ugu faa'iideyn doono  howsha an ASARDA ay wado ee dhismaha waddooyinka Awdal iyo Salel.

Taliyaha Sirdoonka Somaliland Mudane Maxamed Casharaar waxuu ku deeqay 1000 dollar, Hay'a da HAVAYOCO waxey iyadana howshaan ugu deeqday ASARDA 1000 dollar, Wasiirka  Warfaaf inta Axmed Xaaji Daahir waxuu isna ku deeqay 2000 dollar, Cabdiraxmaan Cumar Sheekh  Ibraa him 1000 dollar, halka Idiris Sarifle "Al-Najax" uu ku deeqay 2000 dollar isagoo hore ASARDA ugu deeqay 5000 dollar.

Xoghaya xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax oo hadalka qaatay ayaa madasha ka jeediyay  Gab ay kusoo biya shubanayay inay wanaagsan tahay in shacabka is taageeraan oo wax wada  qabs adaan.

"Xisbiga UDUB halka horumar lagu hayo xaadir ayuu ahaanayaa, wuuna yahay, ninkii maqan  yee lkii" Xoghaya xisbiga UDUB.

Maayarka Hargeysa Injineer Xuseen Maxamuud Jaciir oo madasha ka hadlay waxuu sheegay inay bulshada cuqdad ku qabeen dhismaha waddo Laami ah balse isaga noqday Maayaarkii bulshada Somaliland ka bixiyay cuqdadaasi kadib markuu dhisay waddooyin Laami ah, taasina ay keentay inay hamiyaan bulshada iskuna dayaan inay dhistaan waddooyin Laami ah.

"Waxaan jeclaan lahaa in labada KM ee aan ku deeqay laga dhiso Camuud, maadaama aan wax kusoo bartay dugsigii Camuud xiligii uu dugsiga ahaa" ayuu yidhi Maayarka Hargeysa.

Maayarka Borama, Guddoomiyaha gobalka Awdal, Wasiirka Warfaafinta ayaa khudbadaha isku daba xigay waxeyna dhamaantood kusoo biya shubanayeen khudbadaha taageero ay u  muuji nayeen gudida ASARDA howsha dhismaha waddooyinka ay bileebeen maanta 22 May.

Madaxweyne ku xigeenkaSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa soo xidhay waxuuna sheegay inuu isaga si weyn ugu faraxsan yahay waddooyin Laami ah oo sameystaan shacabka Awdal iyo Salel, waxuuna sheegay inay marka ay howshaan la dhameeyo loo jeesan doono gobolada kale ee dalka si dalka oo dhan loogu dhigo waddooyinkiisa Laami.

Waxaa xusid mudan in dhagax dhiga ay ka muuqdeen xubno ka socda Xisbiyada Mucaaradka oo ay kamid ahaayeen Musharaxiinta Madaxweyne ku xigeenkaK/xigeenada xisbiyada Kulmiye iyo UCID Cabdiraxmaan Saylaci iyo Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, waloow aan lagu arkin qeybaha dambe ee xaflada Xisbiyadaan.

Xafladaan ayaa kusoo gaba-gabowday jawi aad u sareeya taasoo aad ugu riyaaqeen qaabka wanaagsan ay ku dhacday madaxdii kasoo qeyb gashay.
 


Abdifitah Ahmed
Borama, Somaliland