Md.Axmed Yusuf Yasiin waa nool yahay !!

 


(Waxaa wax laga xishooda ah,waxaa wax lala yaabo ah in mucaaridka Somaliland ay ku ololeeyaan waxaa dhintay Md.Axmed Yusuf Yasin,Madaxweyne-ku xigeenka Somal iland)


Marar badan ayaan idiin sheegay in mucaaridka Somaliland ,aanay ahayn qaar u  dam qanaya dalka iyo dadka ay doonayaan in ay madax u noqdaan,marar badan ayaan sh eegay in ololaha doorashooyinka ee mucaaridku uu dhaafay xadkii loogu tala  galay,m aantana waxay olole ka dhigteen Axmed Yusuf Yasiin ayaa geeriyooday.


Mucaaridku miyaanay ogayn in shaqsi waliba uu dhimanayo maalintiisa,oo aanay jirin cid dhaafaysa maalinteeda,Md.Axmed Yusuf Yaasina maanta wuu nool yahay ,laakiin maalintiisa ma dhaafayo.

Miyaanay ogayn mucaaridka Somaliland in geeridu ay tahay wax sir ah oo ,shaqsina aanu ogeyn maalinta uu dhimanayo iyo weliba sida loo kala horeynayo midna .

Miyey ilaaween in CAAFIMAADKA iyo XANUUNKABA uu ILLAAHAY keeno,qaadina karo ,maxaa keenay in mucaaridka Somaliland sidaa ugu farxaan xanuunka Axmed Yusuf Yasin.?

Miyaanay ogayn mucaaridku in Axmed Yusuf Yasiin uu qabto laba shaqo oo keliya ,kuwaas oo kala ah shaqada dalka uu ka madaxda yahay iyo shaqada ah “CIBAADAD AAKHRIYO)

Mucaaridku miyaanay ogayn in Axmed Yusuf Yaasiin uu yahay shaqsi EHLU DIIN ah,oo rumaysan geerida iyo noloshaba ,maalintiisana sugaya.

Mucaaridku miyaanay ogeyn in uu yahay Axmed Yusuf Yaasiin ,shaqi aad u  afgaab an,dhowrsan,ixtiraam badan ,cid kastana nabad geliya.

Miyaanay mucaaridku ogeyn in Md.Axmed Yusuf Yasiin uu yahay,shaqsi QUUDIYA dadka masaakiinta ah,marar badana saxaafada lagu arkay isagoo quudinaya dad masaakiin ah.

Mucaaridku miyaanay ogeyn in guriga Md,Axmed Yusuf Yasiin uu ku dhex yaalo  MAS JID balaadhan oo laga eedaamo shanta SALAADOOD.

Miyaanay ogeyn mucaaridku in Axmed Yusuf uu guryaha ku soo booqday markay ,mucaaridku xanuunsadaan,oo weliba uu u soo duceeyo.

Miyaanay ogeyn mucaaridku in uu Axmed Yusuf Yasiin uu xaq u leeyhay in uu isku soo daweeyo meel kasta oo uu is leeyahay dabiib baad ka helaysaa,weliba ay waajib qaran tahay in Md.Axmed la qaado oo la soo daweeyo haddii uu xanuunsado .

Miyey mucaarid ilaaween in Md. Axmed Y,Yasiin uu Diyaarad rakaab ah sii raacay ilaa Paris,balse ay jiraan ,rag iyagaan xanuun sanayn DIYAARADO KIRAYSTAY.

Waxaa wax lala yaabo ah, qaar ka mid Raadiyayaasha -Wargeysayada-iyo Webka ay jeclaadaan in uu Md Axmed Yusuf Yasiin geeriyoodo,kana dhigaan war ay ku  waxye elaynayaan Xukuumada iyo shacabka Somaliland.

Miyaa mucaaridku ilaaween in Md.Axmed Yusuf Yasiin uu yahay Madaxweyne ku xigeenkii dalka Somaliland oo uu madax u yahay mucaarid iyo muxaafidba,maxaa keenay in maanta lagu ololeeyo wuu geeriyooday.


Waxaa la kulmay Axmed Yusuf Yasiin ,dhowr jeer, waxaanan MAARKHAATI ka ahay markasta oo aan la kulmana laba shaqo ayuun baan ku arkay shaqo QARAN iyo  sha qo CIBAADO AH.


Md axmed yusuf yasiin waxaa ILLAHAY uga baryayaa in CAAFIMAD BUUXA –isaga iyo wixii MUSLIM AH-BA”,kuwa ku ololeyna geerida Axmed-na waxaa leeyahay,shaqsina dhaafi maayo maalintiisa.



AAAAAAAAAMIIN AAAAAAAAAAMIIN AAAAAAAAMIIN

 

 

 

Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com