Dowladnimadii - Dimuqraatiyadii iyo Deganaantii Somaliland Mucaridkaa Duminaaya!!

 

“Doorasho Dooni mayno- Dowladana loo kordhin mayo Daahir Riyaale-kursiga ha ka dego-Dibadbax baa dhici doona-Dagaal baa dhici doona -Dalka soo anagu ma lahin - Dowlad wada jir ah yaanu rabnaa iyo Daahir Riyaalle yaa ergo Diiday!!!.Erayada iyo qaar kale oo la mid ah oo fara badani waxay ka mid yihiin hadalada ay Mucaaridku naftooda ku maaweeliyaan.”

In dhoweydaba waxaa Somaliland ka taagnaa dood adag oo Siyaasadeed kaas oo filaayo in shacabka reer Somaliland intiisa badani ka dheregsan tahay sababta keentay iyo halka uu salka ku hayo muraankaasi.

Somaliland waxay ku soo nabad iyo caano maashay Dimuqraatiyada iyo nabadgeliyo taaso aad moodo in maanta la doonayo in laga dumiyo iyadoo la soo dhexmarayo MUCAARIDKA SOMALILAND,waxaana tusaalle u ah:-

Waxaa jira hawlo badan oo ka socda Dibada kuwaas oo la doonayo in lagu curyaamiyo Siyaasada dibada ee Somaliland, howlahaasna waxaa wada oo ka masuul ah saaxiibo sheegta in ay ka tirsan yihiin Mucaaridka ,qaarkoodna sheegaanba in ay ka masuul yihiin Siyaasada arimaha dibada ee Mucaaridka.

Mucaaridku Waxay ka dhaadhiciyaan Madax kasta oo inoo timaada ,been iyo hadalo sharaf dhac ku ah Somalilandnimada ,waxaana loo wada joogan hadaladii ay ka hor yidhaahdeen Waftii ka iman jiray U.S.A,hadalo kuwii la mid ahna waxay dhowaan ka hor lahaayeen Wasiiru Dowlaha Itoobiya.

Mucaaridku waxay ay ku mashquulsan yihiin in ay abaabulaan ISU SOO BAXYO aan shrciga dalka waafaqsanayn,kuwaas oo ay ka dhalan karto dhibaato xalinteedu hadhow cidkasta ku adakaan doonto “ 26 Aug 2009 waxay yidhaahdeen “Kacdoon shacab ayaanu sameynaynaa”!



Mucaaridku waxay yidhaahdeen Dowlad Wada jir ah ayaa loo baahan yahay “ runtii maan fahmin waxa Mucaaridku ula jeedaan ,waa kuwee cida Dowlada ka maqan ee lagu soo darayaa ?

Mucaaridku waxay yidhaahdeen “Weerar baa Baarlamaankii lagu soo qaaday:” haddii uu jiro weerar Baarlamaanka lagu qaaday ,wuxuu dhacay maalintii ay Mucaaridku isku darsadeen dhamaan shirgudoonnka oo dhan ee Muxaafidkuna iska daawanayey.

Mucaaridku waxay curyaamin balaadhan u gaysteen Baarlamaanka Somaliland oo ay hogankiisa hayeen ilaa malintii la soo doortay,waxqabadka Mucaaridkana waxaa tusaallefiican u ah “Baarlamaanka Somaliland “ oo aan odhan karo wuxuu ahaa halkii laga Daawan lahaa wax qabadka Mucaaridka.

Mucaaridku waxay aflegaado iyo cay shaqsi joogta ah la daba taagan yihiin madaxda dalka iyo dadka,iyagoo aad moodo in aanay weligood madax noqon doonin,mase in cidkastaaba ay caytami karto haddii howluhu sidaa u sii socdaan!!

Mucaaridku waxay marar badan si aan qarsoodi lahayn u wareeriyeen Golaha Guurtida Somaliland,iyadoo weliba la tijaabiyey talaabo kasta oo suurta gal ah ,iyadoo ay haboonayd in “talaabooyinka qaarkood laga dhowrsado amase laga xishoodaa.

Ergada uu Cabdillahi Cukuse hogaaminayo:- Runtii inta badan waan aqaanaa amase waan garanayaa Raggaa odayada ah,balse sheekadoodu waxay la mid tahay “ninnkii yidhi khiyaamada ma ku baraa”,saaxiibadaa waxaan kula talin lahaa in ay u qabtaan waajibaadkii ay Bulshada Somaliland xaqa ugu lahayd, waxaan kaloo odhan “ ayaan marba SHAADH laysu soo xidhan.”

Mucaaridku waxay hanti badan ku bixiyaan Saxaafad ay ugu talo galeeen sida ku curyaamiyaan horumarka ay dalka iyo dadku gaadheen.

Mucaaridku waxay maalgeliyaan oo buunbuuniyaa kooxo ay ugu yeedhaan XUQUUQUL INSAANKA kuwaas oo ay kula heshiiyeen ceebaynta iyo ka been sheegida shacabka Somaliland.


Hadal iyo dhamaan Mucariidku waxay habeen iyo maalin ku mashquulsan yihiin sidii ay u curyaamin lahaayeen Dowlad kasta,Urur kasta iyo shaqsi kasta oo ay u arkaan in uu wado danaha Somaliland,waxaan qabaa in maalin dhow ay iska soo bixi doonaan waxa ay mucaaridku wadaan.
L a soco qaybta dabe oo ah “MUCAARIDKA MA KALA YAQAANIN DAAHIR RIYAALE IYO DOWLADNIMADA?
Mahadsanidin
 

 


Qalinkii Abdi M.Saleiman
(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com