Midnimo Soomaali weyn, Sidee la ii marsiin karaa

 


Maansadan, oo ka hadleysa qiimaha gooni isu taaga jamhuuriyada Soomaaliland ku joogto bulsh ada  reer Soomaaliland oo ah mid culus oo  wax lagu badalan karaa aaney jirin.

 

 



1. Cabdoow kala maan ahaa,
2. wuxuu maakhaa dhabluhu,
3. aduunka la meerayiyo,
4. Halhays is makeekiyiyo,
5. sidey moogtahey bulshadu,
6. waxaan saqda dhexe mirkacey,
7. Afkaaar dhex mushaaxayiyo,
8. mindiday ila gaadayaan,
9. Magacan soomaaliland.

*****
10. sidaan maya-maya u idhi,
11. waxxaaan marna la aqbaleeyn,
12. maydhaankan xoglaawaha,
13. magaca soomaali weyn,
14. Midnimo waqtigeedii tagey,
15. iney igu maraq rogaan,
16. marsadaan lixdankii ku lumey,
17. iney markale I badaan.
18. Maatadu jeedaaladii ,
19. iney milicsiga go?aan,
20. xasuuqii lagu malgiyo,
21. iney marlabaad dhintaan,
22. shirqool aan midab lahayn.

*****
23. qaranku mar horuu tashadey,
24. marxaladahaa wuu ka korey
25. Waxaan meel mar u aheeyn,
26. iney madadaaliyaan,
27. waxaan mayalka u hayaa,
28. wixii miyirkoodu jiro,
29. iney talo miiska taal,
30. inaan meel la dego ummado,
31. mutaysto aqoonsigoo,
32. ku meel maro himiladey.
33. Masuul marodhaamo &,
34. mansabka kugu baayacoo,
35. isagu malafsiga dan biday,
36. waxaan marag muujintiyo,
37. maqsadka kuu sheegayaa,
38. inaanu taayadan metelin,
39. markaan malaha iska jiro,
40. god madhanbaa wada degteen,
41. intaan muusanoowgu dhicin,
42. intaaney meel daran ka dhicin,
43. intaan lays mudan markale,
44. inuu mahuraan isdilo,

*****
45. intaan murugeedu iman,
46. intaaney markaleeto qixin,
47. Intaan lagu madhan jid dheer,
48. maroorsigu wuu xunyee,
49. wixii mud dariyo dhib dhala,
50. iyadoo manfaclaa ka roon,
51. talada ku munaasibka ah,
52. rayi ga loo midaysanyiyo,
53. runbaa muunayntu tahey.

*****
54. Cakuye Egland madasha taal,
55. masiirkayga guud ahaan,
56. meeqaamkaygu kumacaddee.
57. Waxa taal midaanan geyin,
58. wax badanoon ka maagayiyo,
59. masiirkaygaan ku jirin,
60. inaan maalmo udayaco,
61. maxlaal & been dibjiro,
62. Intaan mayeygu igu di?in,
63. bishaa may igu hordhalan,
64. miiraale igu helin banaan,
65. talodaan laga maarmi Karin,
66. maankayga u tuujiyoo.
67. Ka miiro qodobo u horkaca,
68. hogtaan laga maarmi Karin,
69. Xussusata mirowday iyo,
70. madiixiyo reenkoo bataa,
71. bulshooy macno kuumalee ,
72. intaad mudo suuxileeyd,
73. inaad mar saxdaa ka roon,
74. waxaan milgahaaga guud
75. bulshooy kugu marinsameyn.
76. Bulshooy kala mirashadiyo,
77. midnimadoo wiiqantoo,
78. cadawna kugu soo mudh yidhi,
79. maskaa jiiftaynayaa,
80. haduu kaa maro dhankale,
81. miidaanka adaa is dhigey,
82. malkaduu kugu dili lahaa,
83. mashaqo deriskaaga tahey,
84. Adoon maararaw ku lumin,
85. maryaha dhalanteed ku wadhin,
86. muraayado u xidhan khayaal,
87. xaqiiqbaa muuqatee,
88. wixii marinkaagu yahey,
89. inaad meel wacan dhigtaa,
90. mid weeye kula gudboon.
91. Bulshooy mudankaaga garo,
92. ninkii meyraca danguud,
93. ninkii madashuu dhex tago,
94. awgaa madinimo xamiley,
95. bulshooy magli laba afliyo.
96. Ninkii mawdkaaga sida,
97. adigu marag haw shidhayn,
98. waxaanad maareeyn karayn,
99. hadeey meel adag galaan.

*****
100. Anoon maansoyahan ahayn,
101. suugaanta magaabin weyn,
102. anoo midho yare ahaa,
103. waxaan midh u celinayaa,
104. bulshada caalamkee malmalan, :
105. Aadmigu magiciisa guud,
106. wuxuu kala mudanyhiyo,
107. midnimo guudoo u dhexa,
108. sinaanbaa meel u taal,
109. sedkuu u mataano yahey,
110. xornimona waa maadh u yaal,
111. maluugahan soo if baxey,
112. malleega waxyeeladiyo,
113. miisaan li?ikaa dhacdiyo,
114. waxaan ka mildhaawayaa,
115. inaad mugdi saarto weeyn,
116. midhkaan gar uleeyihiyo,
117. wuxuu marinkeygu yahey.
118. Kaliilaha milicdaliyo,
119. waxaan maalmo adag dul marey,
120. intaan mugdi baxey habeen,
121. abeeso I milicsatiyo,
122. maskiyo inta bahal wax dilaa,
123. miskaha iga soo koreen,
124. hadana mawluhu idilin,
125. intii talis macangagi,
126. madaafiic igu horiyo,
127. taangigu igu meerayee,
128. maatada la xasuuqayee,
129. maydkaygoo tiro badnaa,
130. cadaawuhu igu midh tirey,
131. halkaan ku maduubmilaa,
132. difaaca aan mintidey saq dhexe,
133. intii malkadii durduro,
134. masaakiinaan wax dhimin,
135. saq dhexe lagu mirey rasaas,
136. jasiiira maydkii la dhigay,
137. la miidhay haldooradee,
138. cidina u miidaan dayayn ,
139. wixii lagu maaganaa,
140. waxaan maaxdaa xusuus,
141. murugiyo xantashaan qabaa,
142. midnimo soomali weyn,
143. sidee lay marsiin karaa,
144. mur iyo deebaaq ka darn,
145. ajandaha miiskiina yaal,
146. dheyfidhoow ma aqbalo marnaba, (dived Cameron UK pm)

*****
147. waxaad nala maagantiin,
148. nabarkaan ka mashiiqso idhi,
149. haddaad igu sii mudeen,
150. tiiraanyadu waa malyaan,
151. waxaad igu miil tirteen,
152. mareegaha igu furmiyo,
153. waxaad la maleegantiin,
154. hadaan miyir looga degin,
155. hawshaa murugeedu yaal,
156. mid lagu le?edoo xuniyo,

*****

 


157. mashaqaa dhaxalkeedu yahey.


Maansadan, oo ka hadleysa qiimaha gooni isu taaga jamhuuriyada Soomaaliland ku joogto bulsh ada reer Soomaaliland oo ah mid culus oo wax lagu badalan karaa aaney jirin , isuguna jirta bara arujin uu kula hadlayo abwaanku shacabka reer soomaalland isagoo ku baraarujinaya iney foojig o wayn u yeeshaan oo ay ilaashadaan qaranimada qiimaha aan wax goyn karaa jirin si dhib yarn a loo heli Karin .

Dhanka kalena uu kula hadlayo beesha caalamka isagoo u sheegaya dhibtaynu u soo marnay iyo in go'aankii aynu kula soo noqoney uu lama taabtaan yahey xalka Soomaaliy a & ka Soomaalilan d uu yahey in loo aqoonsado laba dal oo deris ah nabad iyo jaarwanaag ku wad a noolaada oo x uquuq siman leh maadaama go'aanka & rabitaanka shacbiga Soomaaliland oo la ma taabtaan a hi uu sidaa yahey danta mandaqada & ta Beesha Caalamkuna ay sidaa ku jirto in ey Bulshadda Caalamkuna garato waxa ay dadkani xuquuqdoodu tahey ee ay xaqa ugu leeyihiin oo ah aqoonsi buuxa oo ay Soomaaliland ka hesho Dawladaha Caalamka iyo Qaramada midoobey.
 

Maansada waxa la curiyay manta oo ay taariikhdu tahey 7dii bisha 3aad sanadka 2013.Waxaan a curiyay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Soom aaliland.

Wa BIllaahi Towfiiq

 

 

 

Mohamed Farah Qabile