Marwo Aamina-Waris iyo Shacabka Gabiley: Midkee u Xaq Leh Qiimaynta Waxqabadka Maayarka Gabiley

 

  


Maqaalkan ayaan doonayaa inaan idinkula wadaago aragtidayda ku aadan bilad sharaf ay dhawaan marwada qaranka Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde (Aamina Waris) gudoonsiisay maayarka degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, kadib markii ay marwadu ka markhaati kacday waxqabadkiisii dhan walba muddo sanad ah, taasi oo aniga iyo dadka kale ee ila aragtida ah ama u dhuun daloola siyaasada gobolka Gabileyba, fajac iyo dhabana hays ku noqotay, waxaanan iswaydiiyay horta Marwada Qaranka iyo shacabka reer Gabiley iyamaa xaq u leh qiimaynta maayarka? Goorma ayaa maayar la siin karaa bilad sharaf ka tur jumaysa waxqabad la taaban karo, bilad sharaftaasi ma dhiiri galin waxqabadbaa mise waa dhiiri galin hanti lunsi, boob iyo dib u dhac Qaran?.

Qiimayntu waa isbarbardhiga lagu sameeyo saamaynta waxqabad ee la taaban karo wakhtig aa la joogo iyo qorshihii lagu heshiiyay. Qiimaynta waxaa lagu eegaa sida ay iskugu sar-go,a an qorshihii aad dajisatay inaad qabato iyo waxa dhabta ah ee qabsoomay. Qiimaynta waxa la sameeyaa labo jeer sida caadiga ah marka qorshaha fulintiisa lagu gudo jiro iyo marka uu dhamaadoba. Qiimaynta tabban waxay soo baxdaa marka sidii qorshuhu ahaa si ka kharash iyo wakhti yar loo gaadho wixii la doonayay in la gaadho. halka qiimaynta togani ka tahay ma rka laga gaabiyo in la gaadho waxqabad wakhtigii loo qorsheeyey amaba la isticmaalo khara shkii loo qoondeeyay mid ka badan iyadoon ujeedadii guud la gaadhin.

Golaha deegaanku, Kursiga waxay ku yimaadaan doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka laga qa bto iyo cod bixin qarsoodi ah oo shacabku siiyaan xubnihii matali lahaa degmo kasta oo dalka ka tirsan. Ujeedadeeduna tahay inay bulshada noocyadeeda kala duduwani ay helaan xaqa ay u leeyihiin inay doortaan ciddii matali lahayd, u maamuli lahayd khayraadka la wada leeya hay. Dawlad wanaagu wuxuu iman karaa marka golaha deegaanka ay xubno ku yeeshaan dh alinyarta, dadka laxaadkoodu dhiman yahay iyo dumarkuba.

Dawlad wanaaga Waxaa lagu garan karaa marka shacabka, codbixiyaha ama cashuur bixiyah a laga qayb galiyo Qorsha dajinta mashaariicda ay golaha deegaanku qorshaynayaan masha ariicda ay fulinayaan, ayaa lagu qiimayn karaa maayar ama xoghayaha fulineed, waxaana qii mayntaasi samaynteeda xaq u leh xubnaha kale ee golaha deegaanka oo shaqadoodu tahay dajinta qorshaha siyaasadeed ee sanad ama lix bilood lagu shaqaynayo, kadibna kormeer jo ogto ah ku sameeyn kara masuuliyiinta ay golaha deegaanku u doortaan fulinta siyaasadaha ay dajiyaan goluhu. Qiimaynta marwada ee warbaahinta lagu daabacay kumay jirin inay sha haadada ku siisay maayarka Gabiley ka qaybgalinta shacabka dajinta qorshaha fulinta ee ma shaariicda horumarka, waxqabad la taaban karo oo warbixinta ku jirayna haba yaraatee may jirin, la xisaabtanka goluhuna wuu socday oo muu dhamaan. Markaa waxaa la odhan karaa ceebay ku tahay siyaasada in la sameeyo qiimeeyn aan xaqiiqo ku fadhiyin.

Golaha deegaanka Gabiley ayaa kalfadhi u bilaabmay horaantii bishan ku ogaaday miisaaniya d aan ahayn tii goluhu u ansixiyeen inay isticmaalaan maayarka iyo xoghayaha Dawlada Hoo se ee Gabiley aanay isticmaalin sanadkii tagay ee 2013-ka ee ay samaysteen miisaaniyad ka badan tii goluhu ansixiyeen oo aan sharciga iyo qawaaniinta dalka meelna kaga jirin. Marwadu waxay ahayd inay ixtiraamto la xisaabtanka golaha deegaanka Gabiley iyo shacabk a reer Gabiley ee maayarka ka sugayay waxqabad la taaban karo. Arintani ayaa shacabka fo gaynaysa oo ka dhigaysa inay u fahmaan in xukuumadu dhiiri galinayso ku takri falka hantida guud ee shacabka marka bilado la isku siiyo bilaash amase in dhaqaalaha degaanku si toos u gu xeroodo madaxtooyadda. Sida ka muuqata sawirka maayarka lagu gudoonsiinayo shahaa dada, labadooda marwada qaranka iyo maayirkuba waxay haystaan labo biladood, keebaa la gudoonsiiyay? Mise way isgudoonsiiyeen labadooduba?

Gudoonsiinta shahaado sharafta ee maayarka Gabiley ayaa kusoo beegmaysa wakhti golihii deegaanka ee loo doortay inay ku ilaaliyaan xayndaabka qorshe sanadeedka Dawlada Hoose ay kula xisaabtamayaan kalfadhigoodii shanaad ee caadiga ahaa oo ay ku qabteen maayarka iyo xoghayaha oo baal maray miisaaniyadii goluhu sanad ka hor u ansixiyeen isla markaana isticmaaleen mid kale oo ka badan tii goluhu ogaayeen oo ay ku dhaqmayeen fulinteeda sana dkii tagay oo dhan. Waxaan is waydiintu tahay marwadu malaha shahaado sharafta kumay siinin waxqabad iyo shaqadii maayarka loo doortay ee si kale ayay u qiimaysay? Marwadu mi yay ku raacsan tahay sharciga ay jabiyeen masuuliyiinta fulinta ee Dawlada Hoose ee Gabil ey? Haddii maayarka Gabiley shahaadada lagu siiyay qiimayn ay ku sameeyeen golaha deeg aanka iyo shacabka reer Gabiley oo horumarka iyo waxqabadka la doonayaa sidaasi yahay waxaan qabaa in qorshaha qaranku ahaa dib u dhac iyo musalaf hogaamineed. Haddaanu ma ayarka Gabiley bixin lacagta ku baxaysay xafladaasi oo aan ku qiyaasay $12,000 (Labo iyo t oban kun oo doolar) iima muuqdo waxqabadkaasi la qiimeeyay iyo dhanka laga eegay ee had day wax iga maqan yihiin hala noo faahfaahiyo aniga iyo inta su,aalaha qabta.

Marwadda madaxwaynahu waa affadda madaxwaynaha waxayna mudan tahay maamuuska madaxwaynaha balse distoorka iyo shuruucda dalka kuma laha meeqaanka ay ciyaarayso. Degaanka Gabiley waxaa ku nool 200,000 oo qof iyagaa doortay golahooda iyagaana qiimayn aya waxqabadkooda iyo wax-qabad la’aantoodaba waxaana haboon in marwaddu ku ekaato xayn-daabka madaxtooyadda iyo badhitaarkeed saygeeda oo ah madax-waynaha JSL ee la doortay.

Shahaadado sharaftani waa tii labaad ee muddo bil ah ay marwada madaxwaynuhu meel fa gaare ah ku gudoonto, markaa waxaan marwada qaranka ka codsan lahayn inay dhawrto geedi socodka horuminta hanaanka iyo maamulka dawladnimo ee heer qaran iyo heer degm oba leh. Waxaa maalinba maalinta ka danbaysa isasii taraya shahaado sharafyada iibka ah ee aan qiimayn cilmiyaysan ku fadhiyin ee xafladaha waa wayn loogu samaynayo hudheela da, kana qayb galayaan isla markaana urursanayaan masuuliyiin waa wayn oo garanaya inaan shahaado sharaf yar oo lasiiyaa waxba usoo kordhinayn wax ay u dhinto mooyaane. Waxaan kusoo gunaanadi lahaa, Marwo bilad sharaftaasi aad nasiisay waxaanu maanta uga baahi badanahay inaad noo dalabto hanta dhawrka guud ee qaranka, oo waxaanu qabnaa in dakhligii gobolka ee sanadkii tagay oo dhan la lunsaday oo meelo khaldan ku bexeen. Xildhibaanada golaha deegaanka Gabiley-na waxaan leeyahay, idinkaa na matala oo codkaya gii xambaarsan ee intaan maayarka bilad caalami ah la gudoonsiin waxaa ka horeeya inaad idinku (golaha deegaanka) qiimaysaan oo mid gudaha ah siisaan, kadibna usoo gudbo mid ca alami ah. Mise idinkaa gabay kaalintii qiimaynta oo waad maqan tihiin?

Waa Qalinkii: Ahmed Sh. Nour Dualeh (Ahmed Biito)

Hargeisa Somaliland.

ahmadbiito@gmail.com

+252634464888