Qabaw Xad-dhaaaf Ah oo Laga Dareemay Magaalada Tog-wajaale Iyo Caruurta Darbi Jiifka Ah oo Dalbaday In loo Soo Gurmado

 


Wajaale (TNN)- Waxaa habeenadii ugu danbeeyey si wayn looga dareemay Xarunta Ganacsiga ee  Som aliland, Tog-wajaale, qabaw xad- dhaaf ah .kaas oo ku kalifay dadwaynaha inay casarka dheer ku xoro daan guryahooga .

Iyadoo lagu jiro wakhtigii jilaalka oo ay ka dhacaan dhaxan badani guud ahaan Somaliland ayey  magaal ada tog wajaale tahay deegaanka ugu qabowga badan xiliga jilaalka, wuxuuna qabawgii habeenkii xalay ahaa ka dhacay wajaale uu gaadhay qiyaas ah +2 C ah.,

Qabawgan ayaa ku kalifay dadwaynaha reer wajaale inay casarka dheer ku soo hoydaan guryahooda si ay dhaxanta uga galaan, waxaanad dareemaysa marka aad dhexmarayso habeenkii meelaha suuqa cidlo, iyada oo ay goobihii ganacsiga magaalada ee wakhtiga habeenkii furnaan jiray ay dhamaantood xidhan yihiin, dhaxanta dhacaysa awgeed.

Sidoo kale waxaad arkaysaa dadwaynaha oo galabtii xidhan dharka dhaxanta sida koodhadhka, koofiya do iyo galoofiska gacmaha la gashado oo dhaxanta celiya..

Dhaxantan ayaa sidoo kale saamayn ku yeelatay caruurta yar yare e darbi jiifka ah, waxayna da,doodu u dhaxayso 7jir ilaa 15 jir.

Waxaanay sheegeen inay khatar ugu jiraan dhaxantaas iyagoo ugu baaqay xukuumada Somaliland, Ga nacsatada, Qurba jooga iyo qof kaste oo muwaadin ah oo ka naxaya in ay la soo gaadhaan wax ay hab eenkii ka xidhaan qabowga.

Baaqan ay caruurta darbi jiifka ahi ay u direen bulshada kala duwan waxay ku sheegen mar aanu  caaw a ku booqanay goobaha kala duwan ee ay seexdan, waxaanay sheegeen in hadii sida ugu dhakhsaha  b adan loo la soo gaadhin waxay ay dhaxanta ka xidhaan iyo wax ay ka huwadaan dhaxantaasi ay  nafto odu khatar ku jirto.

Waxaa caruurtan darbi jiifka ah ka muuqday diif ay dhaxantu ku keentay waxaad kale oo aad arkaysaa iyagoo koox koox u jiifa gidaadrada bakharada.Caruurtan darbi jiifka ah waxay ka kala yimaadeen guud ahaan gobolada Somaliland iyo kililka shanaad ee itoobiya .



Source:Waaheen