MEEL MADHAN MUGGEED


Weli ma aragtay, mase maqashay ri madaxa la gashay daasad, kildhi ama dheri? Waxa jirta sheeko soomali tibaaxda in uu jiray reer lahaa wax xoolo ah ri iyo dheri ay wax ku karsadaan. Maalintii dambe ayaa ridii madaxa la gashay dherigii si looga saarana la garan waayey. Nin aqoon la bidayey baa loo tegay oo ku taliyey in rida madaxa laga jaro si dherigu u badbaado.

Markii ridii madaxa la jaray ayaa madaxii dheriga laga soo saari kari  waay ey, kolkaasuu haddana haddana ku taliyey in dheriga la jebiyo si madaxa looga soo saaro. TALO XUMO!! halkaasaa dherigii iyo ridiiba lagu waayey.

Taasi waxa ka darnaa tii aan goob-joogga ka ahaa: waa laba riyaad oo  daa sad qudha madaxa la wada galay, daasad nooca caano boodhaha ah, kolk aasay midiba jiho u carartay tiiyoo madaxoodii daasaddii ku jiro. Markii  halk aa la marayey ayaa talo loo baahday si loo badbaadiyo riyaha.

Weydiintu waxay tahay maxaa markii hore riyaha u geeyey inay daasadda madaxa la galaan iyagoon ka fikirin siday uga soo bixi lahaayeen?. Ma  aqo on darraa? Ma caqli darraa? Ma damac iyo doqonniimaa? ma hunguri xumaa illayn waata soomaalidu tidhaahda hunguri wedkii ma arkee?….Sababtu muhiim maaha ee waxa meesha yaalla uun badbaadinta riyaha daasadda yeelkeede.

Hadduu qofku dayoobo oo garan waayo jihaduu u socday wuxu wax  weyd iiyaa wixii dad ka soo hor baxa, wuxu fikir badan ku bixiyaa siduu ku heli  la haa jihaduu u socday si uu halis oo dhan uga nabadgalo. Waxadse ka  warr antaa haddii dadkaad wax weydiin lahaydba wada dayeysanyahay, waxad ka warrantaa dad iyo dal dayoobay oo jihadii ka luntay, markay sidaa  tah ay yaa wax la weydiiyaa, ma dalka kuugu dhow ee aad jaarka tihiin, ma kuwo durugsan oo aad saaxiibtinimo iyo nasteex bidayso?

Marka dunida oo dhammi cadow iyo col kuu tahay maxay noqonaysaa tala da iyo tilmaanta ay ku siiyaan?


Nin Hoggaamiye ah baa socod askareedka gaadda ka ciyaarka ama  gaard iska loo yaqaan ku hor socday dad tiro badan oo daba gaardiyayey. Qayb kale oo dadka ka mid ahina jidka ayey hareera tubnaayeen oo way  daawa nayeen. Waxa dhacday in jidkii ay ku gaardiyayeen xagga hore ka soo  xidh may oo ku dhaadhacay Booran halis ah oo laga daadan karo.. Qof ka mid ah dadkii daawaneyey baa ku dhawaaqay, “Waar jidkan aad ku socotaan wuu xidhanyahay”. Ninkii hoggaamiyaha ahaa kolkuu maqalay dhawaaqii ayuu dib u eegay dadkii daba gaardiyayey, kolkuu arkay inay daba socdaan buu niyadda ka yidhi waan hagaagsanahay, jidkii saxda ahaa baan ku socdaa waa kuwaa i daba socda dadkii caqliga iyo garaadka badnaa ee i raacsanaa illayn way iga hadhi lahaayeen haddaan khaldanahaye.

Dadkii daba socdayna iyagoo laftoodu dhawaaqa digniinta ah maqlaya ayey eegeen hoggaamiyahoodii oo si fiican u hor gaardiyaya, waxay  yidhaahd een “Waannu hagaagsannahay waayo waa kaa hoggaamiyihayagii caqliga badnaa ee aannu doorannay na hor socda, isagaa wax walba garanayee illayn wuu ka joogi lahaa dariiqa xidhane”

Maxaa laga fishaa hoggaamiyaha caynkaas ah iyo dadka jaadkaas ah?, maxaase la gudboon kuwii daawanayey oo waajib ka saran yahay badbaa dinta walaalahood?

Hoggaamiyayaal badan baa cabbirkoodu had iyo jeer ku salaysan yahay in mar haddii dad badani daba socdo ay ku taagan yihiin dawgii saxda ahaa.

Hoggaamiye kasta waxa looga baahanyahay inuu dhugmo iyo fiiro u yeesho dhawaaqa iyo digniinaha ka soo yeedhaya dadka dariiqa hareera taagan een iyagu dan gaar ah ka lahayn, aan ahayn badbaado guud. Dadkuna waa inaanay sax iyo khaladba ku taageerin madaxdooda sababtoo ah taasi waa mid aan cidna dani ugu jirin iyaguna ku halaagsami doonaan.

Haduuse hoggaamiyuhu isku xeero inta dad ugu shar badan waa mid masiib ada ka dhalataa cid walba camimi doonto oo ay iyaguna ku jiraan. Waxa la yidhi hoggaamiyaha wanaagsan wuxu Ilaahay siiyaa la taliyayaal iyo wasii rro wanaagsan.

 



Xasan C. Madar