Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Wakiilada Oo Sheegay In Maydkii Marxuum Fagadhe Arbacada Dalka La Keeni Doono

 


Hargeysa,January 3, 2010 (Timacade News) - Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in wakiilkii Somaliland u fadhiyey dalka faransiiska marxuum Maxamud Saalax  Nu ur (Fagadhe) ee axadii todobaadkii hore ku geeriyooday magaalada Paris ee caasimada faransiiska maydkiisa la keeni doono maalinta Arbacada caasimada dalka ee Hargeysa, isagoo intaa ku daray in dibudhaca maydka ay sababtay arin la xidhiidha shinaca diyaaradaha iyo kala wareega sanadka cusub.

 Gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo  wargey ska Haatuf xalay khadka telefoonka uga xogwaramay waramay ayaa isagu noo sheegay in maalinta Salaasada maydka marxuumka laga soo qaadi doono caasimada dalka faransiiska ee Paris subaxnimada arbacadana dalka jabuuti la keeni doono, gudoomiye Baashe isagoo arinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi “marxuumka maydkiisa waxa dalka la keenayaa maalinta Arbacada, sanadkii cusbaa ayaanu kusoo beegmay soo qaadistiisa oo diyaaradii Air France ee lagu soo qaadi lahaa ayaa la waayey, duulimaadkii ku xigayna waxa uu noqday diyaarada Ethiopian Airlines, sidaa darteedna Salaasada ayey diyaarada  Eth iopia Airlines maydka wakiilkii hore ee Somaliland kasoo qaadaysa magaalada Paris subaxnimad Arbacadana Jabuuti ayey keenaysaa, madaarka Jabuutina diyaarad yar baa kasoo qaadaysa oo keenaysa madaarka Hargeysa.

Sidaa darteed shacabka reer Somaliland waxaan ku wargalinayaa in  marxuum ka maydkiisa la keeni doono Arbacada todobaadkan”

 


Source:Haatuf