Dawlada Hoose ee Degmada Gabiley oo $25,000 kun oo Dolar oo Xukuumadu  uqu deeqday dhismaha jidadka Degmada Tog-wajaale wareejisay
 

 

Maayarka Gabiley
Axmed Muxumed Qaalib (Axmed-Samir)

 

Lacagtan oo in muddo ah muran ka taagnaa wareejinteed, isla markaana uu diidanaa Maayar ka Gabiley ,ayaa Khilaaf ba’an ka dhex abuurtay Maayarka iyo Gudoomiyaha Degmada Tog-wajaale, Xaashi Muxumed Cabdi .............


Tof-wajaale (TNN)-Maayarka Degmada Gabiley Axmed Muxumed Qaalib(Axmed-Samir) ayaa maanta ku wareejiyay Gudida horumarinta Degmada wajaale lacag dhan $25000 oo dollar oo ay Xuku umaddu ugu deeqday in lagu daro kharashka dayac tirka Jidadka Magaalada Ganacsi ga Tog-wajaale.

Munaasabad maanta loo sameeyay wareejinta deeqdan Xukuumadda ku darsatay jidadka W ajaale oo lagu qabtay Xarunta Maamulka Dawlada hoose ayaa waxaa goob joog ka ahaa Bad hasaabka Gobolka Xuseen Cumar Magan (Subagle), Xoghaya Dawlada hoose ee Gabiley C/ra xmaan Nuur Abokor.

Munaasibadii Wareejinta Deeqdan Lacageed ee Maamulka Degmada Gabiley ku Gudoonsiiyeen Gudida Dib udhiska jidadka iyo Hurumarinta Degmada Tog-Wajaale, oo lagu qabtey Xarunta m aamulka Degmada Tog-Wajaale, Ganacsato iyo dadwayne kale.

Lacagtan oo in muddo ah Muran ka taagnaa wareejinteed isla markaana uu diidanaa Maaya rka Gabiley ,ayaa khilaaf ba’an ka dhex abuurtay Maayarka iyo Gudoomiyaha Degmada Tog-wajaale taasi oo gaadhay Xukuumadda Dhexe isla markaana amar lagu siiyay Maayarka Gab iley in uu deeqdan ku wareejiyo lacagtaasi.

Badhasaabka Gobolka Gabiley Xuseen Cumar magan oo hadal kooban ka jeediyay Xafladaasi ayaa soo dhaweeyay wada shaqaynta Degmooyinka Gobolka isaga oo mahad naq ujeediyay Dawlada hoose ee Gabiley oo ka qayb qaadatay dhismaha jidadka wajaale oo dhibaato badani ka taagnayd.


Maayarka Gabiley Axmed Samir oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay in uu diy aar uyahay ka qayb galka arimaha horumarka ee ka socda Degmooyinka Gobolka isla markaa na ay qorshaynayaan in ay wax ka gaystaan dhismaha jidka u dhexeeya wajaale iyo kalabay dh.


Xoghayaha D/hoose ee Degmada Gabiley, C/raxmaan Nuur Abokor oo halkaasika hadlay ayaa soo dhaweeyay qorshaha xukuumadda Madaxwayne Siilanayo u samaysay qaybgalka arimaha horumarka Arimaha Bulshada iyo Dayac tirka Wadooyika.

Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi oo isaguna hadal kooban ka jeed iyay madasha ayaa aad uga mahad naqay Maamulka Degmada Gabiley Deeqda ay ugu tabaru ceen jidadka Degmada wajaale , isaga oo xusay kana waramay dhibaatada Waddo xumadu ku hayso bulshda iyo Baabuurta Xamuulka ah ee ku dhex qalibmi jiray Magaalada.

Dhismaha jidadka wajaale oo ay hore u soo gaadheen Deeqo kala duwan oo ay bixiyeen Shirka ddaha Dahabshiil, Telesom iyo shirkadda Oomaar, ayay deeqdani ka mid noqon doontaa kaab ayaasha lagu bilaabi doono dhismaha jidadkaasi magaaladu baahida wayn uqabtay.
 

 


Timacade News Desk
Tog-wajaale ,Somaliland