Tolow Maalintaa Halkuu Joogay ?

 

Maalmaha Aduunka mid waliba waxay leedahay Sumad iyo sowrac u gaa ra,Dhacdo kasta uu aduunka soo martana waxa ka hadha taariikh,Taas oo saamayn ku yeellata meeshii ay ka dhacday iyo cidii ay ku dhacday iyo macnihii ay u dhacday,Sidoo kalena waxaa Jira dhacdoooyin fara badan oo Dunida soo mara oo aan saamayn ama wax tixraac ah ku reebin,

Hadaba Maanta waxay ku beegnayd Maalintii Ururkii DHAQDHQAAQA WADANIGA SOMALIYEED SNM uu gudaha isugu shubay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer 27 May 1988, 7dii Subaxnimo oo ahayd maalin Jimce ah, Marka hore intii maalintaa ku shihiiday iyo intii SNM ahayd ee meelo kale ku shiidayba waxaan alle uga baryayaaa in uu janadii Fardowsa ka waraabiyo, inta noolna alle waxaan uga rajaynayaa in uu nolol cisi iyo karaamo leh siiyo,


27 May waa maalintii ururkii xaq u dirirka ahaa ee SNM muujiyay ama caalmka tusay in ay awoodda intaa le'eg leeyihin weerar aan gabasho lahayna ay ku qaadeeen meelihii u calaamadsanaa waxay kale oo niyo jab ku rideen Dowladii Ina Barre Iyo ciidamadiisii Faqashta ee Shacabka Boobka Iyo dhaca Ku hayay, Waxay dareemeen ciidamadii hangashtu in Mujaahidiintu aanay ahayn kuwo dib u laabanaya. lama soo koobi karo maalintaa iyo xasuusteedii aniguna uma qaadan Qalinka in aan maalintaas ka hadlo, Dadka somalilanderka ahina inta badan way la socdaan taariikhdii maalintaas.


Hadaba Xalay ayaan naftayda Su'aal waydiiyey ka dib markii aan dhegaystay Radio horyaal oo laga sii daayey Waraysi uu Siiyay BBC laanta Afka Somaliga Mujaahid Xaaji Madane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waraysigaa oo ahaa mid sida roobka loogu qabowsaday Mujaahidiintii iyo Shacabkiina Geliyey Firin firincooni ka badan tii ay markii hore hayeen, Sidoo kalena ka nixiyay Siyaad Barre iyo Dowladiisii,Run ahaantiina Dareenka iyo xamaasada uu waraysigaasi xanbaarsanaa ayaa ahaaa mid aad u soo jiitay dadkii Reer Somaliland xiligaa.


Su'aalaha Maanta Shacabka Somaliland iswaydiinayaan waxay yihiin Maalintaa Hadalka iyo halganka Siilaanyo Sidaa Loogu Diirsanayey Cadowgana uu Niyo Jabka ku Ridayey Madaxwaynaha Hada Talada dalka Haya Mr Riyoole muxuu ahaa? Halkee ayuuu Jooogay maalintaa 27 may?Ficilka ama Shaqada uu maalintaa hayay maxay ahayd? Qofkasta oo SOmalilander ahi hadii uu hayo jawaabaha Su'aalahaa waa ka jawaabi karaa?



Tartankii Dameerkii Fardaha
Tahan Ka Dheeree

Tal Talaabsay Daayeer Markuu  Tigerkii Lumay

Halkii uu Waraabuhu Ka Tegay Tarandac  Doofaar

Tukihiina Haadka Adag buu noqday

 


Cali Kayse Kabadhe

Netherlands
Calikayse@live.com