May 3rd, 2011 , sannad guuradii 9-aad ee geeridii Aabihii Jamhuuriy adda Somaliland, marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, ha loo aqoonsado maalin Qaran
 

 

 

Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaanan Allaha weyn idiinka baryayaa , inuu idinka yeelo kuwii if iy o aakhiraba liibaana, xaqana u hiiliya, baadilka iyo dulmigana ka fogaada.


Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,Ilaahay naxariistii Janno Fardawsa ha ka waraabiye,wuxuu ahaa shaqsi aan weli soo marin taariikhda dhammaan dadka af Somaliga ku hadlla,magaciisana sharaf ,qadarrin iyo karaamo huwan yahay.Wuxuu ahaa Siyaasi ruug caddaa ah,si weynna looga qadariyo mandaqadda Geeska Afrika iyo ca alamkaba. Marxuum Cigaal (AHUN),wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland,gacantiisana ku so o sexeexay xornimadeenii, June 26,1960 kii. Inkastoo laab la kac aan macnno ku dhisneyn, hanfade nimo ,fuday d , talo la'aan,caadifad iyo waxaan meeqaan dhaamin, ay sabab u noqotay in aan maalmo yar ka dib gacateenn a ku sad qaynno Qaranimadeenii.



Marxuum Cigaal (AHUN), 1993 kii, ayuu mar labaad madaxweyen ka noqday Somaliland,waqtigaasi Dalka iyo dad kuba waxay ku sugnaayeen xaalad aad u adag,jihadaad u jeedsatana ay ka soo yeedhayso dhiillo colaadeed,a mni darro , is aaminid la'aan ,geyigana dhammantii ka muuqato burburkii,xasuuqii iyo nabaradii ay Daalimintii Hu wantu iyo kaba qaadkoodii inoo geysteen. Marxuum Cigaal (AHUN), isagoo hawshaa baaxaddaa leh u muuqato, oo aan Dawlado iyo kaalmo shisheeye toona gacanta cidnna hoos dhigan, ayuu ku guuleystay inuu shacabkii bo ggooda burcad isku mariyo,walaaleeyo ,hannaan dawladnimo iyo kala danbeynna u yag leelo ,seeskana u qota miyo.


Anigu waxaan qabaa , in marxuum Cigaal, Aabihii Jamhuuriyadda Somaliland,lagu maamuuso,lagu qadariyo , lag u sharfo , dhaxalkii iyo wanaaggaa uu inooga tagay , ee maanta Somaliland heerkaa ku soo gaadhay.Maanta,M ay 3rd,2011,oo ah sannad guuradii 9-aad,ee maalintii uu geeriyooday marxuum Cigaal, waa in loo aqoon sado m aalin Qaran,oo shaqada laga nasto,loo duceeyo, laguna xasuusto.


Inkastoo aan qalin iyo buug, aan lagu soo koobi karayn waxtarkiisii iyo wax qabad kiisii,bal aan dhowr shay ka tilmaammo:


Sameyntii Dastuurka Somaliland
Sameyntii Calanka
Sameyntii ciidanka Qaranka
Hub ka dhigistii Beelaha
Nabadayntii Beelaha
Dib u dhiskii Dalka
Sameyntii lacagta Somaliland
Sameyntii Baasboorka Somaliland
Sameyntii hannaanka Dawladnimo
iyo kuwo kale oo badan



May 3,2002, oo ah maalintii marxuum Cigaal,ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaalada Pretoriya ee Dalka Koonfurt Afrika,waxay ahayd maalin madaw, murugo leh ,naxdin iyo dhiillana u soo hoyatay dhammaan inta jec el jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland.Walaw ay adag tahay in qoraal lagu sifeeyo sida uu ahaa dareenka Som alilandersku meel ay maalintaa joogeenbba, bal waxaan isku dayi inaan idinku maansheeyo Gabay baroor diiq a h, oo uu maalintaa tiriyey Gabayaaga weyn , Cabdiraxman Cumar Cashuur , Ilaahay magaciise ha daayee.


Waxaanu yidhi:

 

 




Rashiidaw nin dookh leh baa, araartu deeqdaaye
Da'dii ugu fil roonow, adigaan daadin dhaqan kiiye
Adigaan dariiqii ka lumin , daahirka ahaaye
Anbba kuuma leexdeen, haddaad dhuuni raac tahaye,
Waxaan kuu doortay , daacaddaad tahaye
Dabuub tayda maqal,waayahaan kuu dul mara yaaye

*****

Dadku nimuu jecleystaba, wad baan laga difaacaynne
Danbaa burada dhiiladu,markay degelka soo gaadhay
Sidii Danab onkoday,baa mar qudha laysku soo didaye
Doorbba kaad ku raysaa , waqtigu kaa dallacayaaye
Duul duulka wararka,dhaguhu maqalka diideenne
Iska daa rag maan doorsoomay,iyo dumar baroortiiye
Darbiyadii dhisnaa baan ka baqay,inay dillaacaane

*****

Difnna Caalin waa awgayoo,laydhka oo damaye
Dayax lagu maraa buu ahaa, dawga buuraha'e
Waa deeq , aqoontiyo cilmiga u yaroo,
Waana dabaqad aadmiga,sidaa daaimku u dhigay
Darajada shaqsiga,maal mahaa daabaca'e
Daddan beel nabadduu ahaa, daawo loo liqo

*****

Inkastoo nin Diricii ka madhan,degelka guudkiisa
Toban hal uu haldoor u ahaa, baan abdi i deyneyn
Dal bur buray ,dabkii iyo saanad guntiga lagu haysto
Isagoon dagaal kala hor tagin,duunyana u qaybin,
Deg degguu u soo hoyn jiray, baan abdi u deyneyn
Dugub qiiqay,duul muran dhex maray ,Dirir la heenseeyey
Darmadiisa kiiyoon ka kicin,dunida u qayshan
Dilka siduu u kala baajin jiray, baan abid i deyneyn

*****

Doc wareenka ceebta iyo af xumada daadifada uunka
Kama dixin dixoon jirin , markay kula dulaamaane
Dulqaadku bulshada kula socday,ayaan abid i deyneyn
Nin u darran,dadaalnna ugu jira,dabin qoolkiisa
Isagoon dareensiin,inuu daaqsin ka horreeyo,
Siduu darrabta ugu loogi jiray,baan abid i deyneyn
Nimuu daajiyaba,maalintuu dib ugu soo jeesto
Sidii dawli Aar weyn,markuu daaladaha muujo
Daymadii Libaaxuu lahaa ,baan abid i deyneyn

*****

Duco qabe,dagaal hoose,duullaan badheedhe
Dawladiyo kooxo,colbba halkuu ka soo degey
Markuu diiradda u saaro,difaacuu kuwad quusin
Jiray,ayaa abid i deyneyn
Dacwad murugtay,dood iyo odhaah,rag isku dooyeystay
Ninbba docuu ka qaadaba,markay diilinti adkaato
Xigmaddiisii lagu doogsan jiray,baan abid i deyneyn

*****

Qudbad loo diyaar yahay,markuu hadalka deeqsiiyo
Diiwaanka waayaha,markuu daaha uga faydo
Daliilkuu u soo qaadan jiray,baan abid i deyneyn
Hadal dabacsan,tix gelin ,deeqsinimo taam ah
Qof dul tagay ,madhnaan kagama noqon duunka abidkiiye
Sidii Diinta ugu hiilin jiray,baan abid i deyneyn

*****

Cid kastaba dacaami in la odhan, mawdka dacartiisa
Naftuun baa didaye,xaq ku yimid igama daahneyne,
Dan baabnna uma jeedee,haddii deelku ila baydho
Adigaa dul qaad lehee,Rabbiyaw daymo naxariisa
Isagana Ducaa naal gudbboon ,inaan u deeqnaa
Dabnno iyo quluub wada jira,ayaan ugu diraynaa
Inuu Daaimki innaga aqbalo,dagalka soo jeestoo

*****

Inta shay dareen lehee socdaa, iyo daafid iyo jayga
Waxa daar iyo geed qotoma ama dulqaad jiifa
Qudhaanjada digaaftiyo,intii garab lahee duusha
Naxariis Dareemada ka badan,doogga & ciidda
Inta uu Quraan Sheekh darsaa,dunida sii joogo
Ama subax mid daakiray,Salaad duubyada maydho
Cisi ugu diyaafadee,adaa deeq u saaxibada'e

*****

Annagana intii lagu daray,ee Nabiga daawysta
Ee aan dariiqada ka lumin,Daaimaw naga dhig
Balaayada Rabbaw naga dabbaal,lala digleynaayo
Afartaba maan deel qaafine,daw ma qabad siiyey

 


 

 


Geeridu waa xaq,waana hubaal in naf walbbana ay maalinteeda dha dhamin doonto mawdka,waxaase xaqiiqo ah, biyo kama dhibcaan ah, in shaqsigii Dalkiisa iyo dadkiisa waxtar,wanaag iyo dhaxal loo aayo uga tagaa , ina anu magaciisu dhiman doonin , nool yahaynna,  inta adduunka korkiisa la sii joogo , lana xasuusan doono,loona duceyn doono.


Waxaan soo jeedinayaa,in Bisha May 3rd,2011,oo ah sannad guuradii 9-aad ,ee geeridii Aabihii Jamhuuriyadda Somaliland,marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,loo aqoonsado maalin QARAN , oo shaqada laga nasto, loo d uceeyo , lana xasuusto.


Waxaan ku soo af meerayaa qalinkayga, Allahayaw adaa awood lehe ,waxaan kaa baryayaa inaad marxuumka danbi dhaaf u fidiso , qabriga u nuurto , u waasiciso , neecaw udgooniyo , ku siiso naruuro , janno Fardawsana ku abaal mariso, Aamiin , Aamiin, Aamiin.


 

 

 

 

 

Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
May 3rd , 2011