“Maxkamadda waa la
iiga yeedhay, tegina maayo oo….” Waraysi Xoghayaha UDUB
Hargeysa (TNN)-Xoghayaha guud ee
xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa faahfaahin ka bixiyay
dacwad loo haysto oo kaga furan Maxkamadda gobolka Hargeysa.
Xoghayaha oo uu xalay waraysi
gaar ah la yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in yeedhmo u
taalo Maxkamadda, balse aanu tegaynin, maadaama sida uu sheegay
dacwadu la xidhiidho dayn aanu shaqsi u gelin oo lagu leeyahay
xisbiga dhowaan talada wareejiyay ee UDUB. Waraysigaas oo uu sidoo
kale kaga hadlay in dacwada loo haysto sida uu sheegay arrimo
siyaasadeed ku lug leeyihiin, waxa uu u dhacay sidan;
S: Xoghaye warbaahinta qaarkeed
waxay qoreen in warqad yeedhmo ah laguu keenay, arrintaa maxaa ka
jira?
J: Arrintaasi way isoo gaadhay,
si khalad ahna way u baxday. Waxaad mooda Garsoorki iyo siyaasadiina
inay isku milmeen, ninkana qalab guri iyo koofiyado uu xisbigu ka
iibsaday amaahiyay ayuu ahaa, nidaamkii lagu bixinayey lacagtiisana
waa lagu jiray, markaa waxaad moodaa meel laga soo daarayba inay
farsamooyin dahsooni meesha ku jiraan.
S: Xoghaye warqadani markay ku soo gaadhay maxay ku faraysaa?
J: Wax warqad ah oo isoo gaadhay
ma jiraan jaraa’idka ayuun baan saaka (shalay) ku arkay….Laakiin
haddii uu Garsooruhu arrimahaa sumcad dilka ah uu noqdo ka ugu
horeeya ee durbaanka u garaacaya isagoo xaakinkii ah, wax labadii
dhinac iskaga horyimaadeen oo ay ku garameena aanay jirin taa
qudheeda ayaa khalad ah.
S: Adigu maalinna ma tagtay Maxkamada?
J: Maya, maan tagin ilaa hadda,
laba goor oo hore ayaa warqad la keenay, markaa ninkii haws ha watay
ayaa yidhi waan kala soo noqday labada jeerba imikana meel laga daba
maroojiyey iyo wax ku kiciyey war iyo wacaal kama hayo. Laakiin
kolayba imika way timi garoonkii, waxana wax shaqsi ahaan la igu
leeyahay maaha ee waxa weeyaan wax uu xisbiga ku leeyahay qaantaa
iyada ah, taana qareen baa laga leeyahay oo qareenka xisbiga ayuun
baa loo dhiibi doonaa hadduu dacwada ka jeclaaday nidaamkii
dayntiisa lagu bixinayey.
S: Idinku ma Qareen baad u qabateen dacwadan?
J: Qareen buu xisbigu leeyahay oo
qareenkaasaa arrinta la wareegaya wixii barri ka dambeeya.
S: Markaa Arbacada Maxkamada ayaad tagaysaa miyaa?
J: Maxkamada waa la iiga yeedhay,
qareenka ayaana hawshaa qaabilsan.
S: Laakiin, adigu tagi maysid?
J: Aniga barri (maanta) sagaalka
(9:00 AM) ayaa la yidhi waa lagaa rabaa halkaa, laakiin tegi maayo.
S: Markaad leedahay warqadi imay
soo gaadhin, haddana subaxnimada ayaa la ii yeedhay ma telefoon baa
laguu soo diray?
J: Saaka (shalay) aroortii ayaan
telefoon ka helay Taliyaha saldhiga dhexe ee Booliska…
S: Xoghaye maxaa ku jaban haddii aad subaxnimada tagto oo ka sheegto
waxaad ku andacoonayso?
J: Ninkani xisbiga alaab ayuu
dayn ahaan uga iibiyay, cid dafirsanina ma jirto, nidaamkii lagu
bixinayey ayuu imika xisbigu ku guda jiray, markaa danta kale ee uu
leeyahay ee keliftay inuu halkaa tago oo uu ku fasaxo jaraa’idka
isaga ayaa og.
S: Daynta maxaad ku gasheen ee
aad ka qaadateen ninka dacwada kuu haysta?
J: Waxa laga qaaday koofiyadihii
caddaa ee calaamada xisbiga lahaa.
S: Waa imisa dayntu?
J: Waa shan iyo soddon kun iyo dhawr boqol isugaynta daynta uu
leeyahay waa qalabaynta saddex guri iyo koofiyadahaa, waxayna isla
noqonaysaa $35,727 doolar, markaa wax dafiraad ahina kama joogto,
waana la bixinayey, markaa isaga ayaa ka doorbiday dariiqadaa inuu
maro, arrintuna waa mid madani ah.
S: Sida aad sheegayso mar haddii ay arrin madani ah tahay adigu
inaad tagto oo aad tidhaa daynta xisbigu sidan ayuu ku galay maxaa
ku jaban?
J: Qoraal baan u gudbinayey aan leeyahay waxani wax aan shaqsi ahaan
u qaatay inaanay ahayn ee ay tahay dayn xisbiga lagu leeyahay.
S: Adigaaba lagu dacwaynayaaye inay hogaanka xisbigu, sida
guddoomiyaha ama guddoomiye kuxigeenku inay qoraal u qoraan
maxkamada miyaanay ku qurux badnayn?
J: Waxaan aad iyo aad ula yaabanahay haddii ninkan wax soo dacweeyey
waraaqihii lagaga iibsaday ee lagala wareegay ayuu haystaa, haddii
uu maxkamada qoraaladii gaadhsiiyey haddaanay u jeedo kale ka lahayn
ninka garsooraha ahi dee wuxuu arki lahaa in heshiis wax lagu kala
iibsaday oo ganacsadaha iyo xisbiga dhexmareen saxeexii, shaambadii
iyo nidaamkii xisbiga oo dhamina way ku dhan yihiin, markaa sida uu
aniga iigu yeedhay ee uu ugu yeedhi waayey xisbigii ee uu arrintii
mid shaqsiya uu ka dhigay taa qudheeda ayey fari ku godan tahay u
jeedada gaarka ah ee laga qabo.
S: Markaa arrinta waa la siyaasadaynayaa ayaad leedahay ee yaa
siyaasadaynaya?
J: Waxaan anigu isleeyahay arrintaa uu ninkaa ku kacay garsooraha
ahi ee Cali Suudi Xirsi waa wax gaar u ah oo sumcad dilid ah baa ku
jiray oo ka baxsan xayndaabka sharciga, madaxdiisaananu iska arki
doonaa.
S: Ma waxaad leedahay xukuumaddaa adeegsanaysa oo ah xisbigii aad
hore isu hayseen?
J: Horta Soomaalidu dhaqan hoosaad ayey leedahay yaab ah, hayb hayb
iyo wax bay sheeg sheegtaa, nin aan isleeyahay wuxuu u badan yahay
maamulkan cusub ayey u janjeedhaa arrintu oo aan anigu qabaa inuu
yahay kan wax qalqloociyey. Markaa meel uu ka daaran yahay anigu
garan maayo isagu ku kacyaa gaar ahaan iyo meel kale laga so
basbaaseeyaaba, waa waxaynu arki doono insha Allaah, balse waxay ila
tahay haddii uu xadgudub sameeyay ninkaa xaakimka ahi madaxdiisana
waa loo sheegi doonaa, waana la iska celin doonaa.
S: Kuwa aad uga shaki qab ee aad leedahay way isku xidhan yihiin ee
xisbiga talada haya ah iyaga ma kala hadlaysaa oo ma odhanaysaa
arrintaa ma ku lug leedihiin?
J: Maya, ninkani madax buu leeyahay, madaxduna kala dambayn bay
leedahay, xuduudo ayay kala leedahay, nin walba awoodiisu ku xadidan
tahay, inuu ku xadgudbay awoodiisii wixii talaabo ah ee ku haboona
markaasaa la qaadi doonaa.
Source: Wargayska Ogaal
|