Maxkamada Gabiley Oo Dib U Celisay Dhagaysiga Dacwad Laba Mas’u ul Oo Hanti-Dhawrku Eedeeyey Iyo Dareenka Guud Ee Dadka

 



Gabiley(TNN)-Maxkamada Gobolka Gabiley ayaa mar labaad dib u dhigtay dhagaysiga Dacwada Laba Mas’uul oo in muddo ah u xidhnaa Hay’adda Hanti-dhawrka Qaranka, kuwaas oo ay ku eedeeyeen Lunsi Hanti Qar an, loona ballansanaa Afar iyo Labaatanka bishan oo ku beegnayd Axaddii Shalay.


Labadan Masuul oo kala ah Gudoomiyihii hore Degmada Tog-wajaale ee cahdigii Xukuumaddii Rayaale Qawr ax Muuse Xuseen, iyo Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Laanta Cashuuraha Barriga Gabiley Cabdi Iimaan Taani , ayaa u xidhnaa eedayntan Muddo ku siman Afar Billood,  isla-markaana aan tan iyo bilowgii qabashadooda aan la hor keenin Maxkamada horteeda , si loogu caddeeyo eeda ay u xidhan yihiin, loona M axkamadeeyo, marka laga reebo hal mar oo loo akhriyey Eedda. Taasi oo sida ay sheegayaan Sharci yaqaa nadu ay Xaaraan tahay in Muwaadinku u xidhnaado eed wax ka badan Shan iyo Afartan Casho oo ah inta la soo ururinayo Caddaymaha .


Ilaa imika lama garanayo sababta rasmiga ah ee keentay dib u dhaca intaa leeg ee muddadaa loo kala cad dayn laaya’ay in eedaysanayaashani qabaan danbigan lagu eedeeyey iyo in kale. Hase yeeshee, sida ay sh eegayaan Xoggo muhiim ah oo u dhuun dalloola arrintan in Masuuliyiinta Hanti-Dhawrku aanay haynin Cadd aymihii rasmiga ahaa ee Musuq maasuqii ay ku eedeeyeen Masuuliyiintan Xidhani in ay galeen Wakhtigii Xuk uumadii hore ee Daahir Rayaale iyo Intii ka danbeysay ee Xukuumadan Siilaanyo. Taasi ayay ku tilmaameen in ay tahay sababta ay uga Cago-jiidayaan.

Dhinaca Kale, qaar ka tirsan dadwaynaha Reer Gabiley ay intooda badani darreeno sas leh ka muujinayaan Muwaadiniintan Boqol iyo Labaatanka Casho ku xidhan Xukun la’aanta, iyaga oo qaba Afkaaro isku mid ah oo qaarkood kuba tiraabayaan in Hay’adda dhan ee Hanti-dhawrka Qaranku ay ka hawl-gasho kaliya Caasi mada Hargaysa iyo Gobolka Gabiley, kuwaas oo ku muusannaabaya in aanay wali maqal intii Qaranka Somalil and jirtay Gobollo kale oo Somaliland ah oo ay ka hawl-galayaan Marka laga reebo Gobolka Saaxil oo dhif iyo Naadir ah.

Isku soo wada duuboo , labadan Masuul ee Saraakiisha Hay’adda Hanti-Dhawrka Qaranku eedeeyeen ayaa noqonaya Labadii Qof ee ugu horreeyey ee Hay’adda Baadhida Hanti-boobku u qabtaane eed ah Hanti-Lun si oo aan illaa Imika aan la hor-gaynin Maxkamad.Tan iyo intii uu Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo la wareegay Talada Dalka badhtamihii Sanadkii hore , oo uu ku dhawaaqay wax-yar ka dib in aan Cidna loo raacaynin wixii ay Lunsadeen Xilligii Xukuumaddii Rayaale, lagana bilaabayo bog Cusub Xisaabaad ka Hay’addaha Dawlada.

 



Caydaruus Axmed Ismaaciil (Qadiye)
Gabiley Somaliland