Maxjarka Berbera National Quarantine (Maxjarka Shirkada Indhadeero) Muxu Ku Soo Kordhinayaa Somaliland (Daawo Sawirada)
 


Berbera (TNN)-Maxjarka Berbera National Quarantine oo ay hirgalisay shirkada indhadeero kuna yaa la caasimada  g obolka saxil ee Berbera waxa dhawaan fasaxay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed  Maxame d Maxamuud Siilaanyo 21 august 2010, taas oo ka dambaysay Socdaal kormeer iyo qiimeyn isugu  jir a oo ay ku tageen gudi wasiiro ah oo uu horkacayey wasirka xanaanada xoolaha kana mid ahaayeen wasiirada maaliyada, awqaafta, iyo chief of cabinetka madaxtooyada oo ay  max jarkaas ku tageen 15 aug 2010 gudigaasi oo socdaalkoodu salka ku hayey xog ku filan xukuumada inay ka siiyeen  Maxj arka Berbera Nationa Quarantine oo ah maxjarkii labaad ee laga hirgaliyo  mag aalada Berbera.

Maxjarkan ayaa shaqadiisa bilaabaya dhawaan isla markaa la keeno shahaadada Caalamiga ah ee  X oolaha Nool lagu caafimaadiyo taas oo uu Madaxweynuhu uga dhigay shuruud furitaankiisa, Hadaba Bulshada reer Somaliland waxay isweydiinaysaa Muxu Dalka kusoo kordhin karaa Maxjarkani? Waxaan jecelahay inaan qormadan bal ku eego armo saabsan qodobkaasi.

Maxjarkan waxa uu noqonayaa mid kamid ah maxjarada dunida ugu qaadka weyn dhinaca xoolaha iyo balaca waxa uu leeyahay LAP (goobta Sheybaadhka Xoolaha) oo siweyn u qalabaysan isla  mark aana ay yaalaan qalab lagu qiyaasay Malaayiin Dollar Khabiir ka hawlgala maxjarka labkiisa ayaa  tib aaxay inuu leeyihiin MAxjarkani lab casri ah oo aan hore loo isticmaalin oo cusub isla markaana  leey ahay goobta lagu gubo xoolaha bakhtiya goobaha lagu maydho goobaha lagu sheybaadho iyo waliba xeryo waasac ah oo qalabkooda biyaha iyo cawskuba u dhameystiranyahay Taas oo maalintii ay weftigu yimaadeen siweyn ula yaabeen sidas uu u qalabeysan yahay maxjarkani.

Somaliland oo dal kamid ah dalalka dunida isla markaana ganacsigu xoryahay sidii ay balan qaadeen maamulkan cusub ee talada dalka la wareegay xornimada ganacsiga xoolaha oo mudo sanado badan ah u xidhnaa Ganacsade Aljaabiri Maxjarkiisa oo kaliya oo ay ka dhoofi jireen isla markaana lasii  mar in jiray tas oo ay ganacsatada Somaliland siweyn uga biyo diideen ilaa maantana ka cowdaan dhibta ka haysata maxjarkaasi hadaba waxa kaliya ee uu soo kordhinaya waxay tahay inay Somaliland ka dhoofaan xoolo caafimaadsan oo lagu tartamayo caafimaadin tooda iyo tayeynta daawooyinka loo isticmaalayo shaybaadhka taas oo keenaysa inay Somaliland ka dhoofaan xoolo ay caafimaadkoodu suganyahay oo aan dhici doonin in maalin walba xoolo muwaadiniin leeyihiin si dhib yar loo soo celiyo.

Hadaba Somaliland Ma qaadi kartaa labo Maxjar dabcan Somaliland way qadi kartaa labo maxjar  ma adaama ay Marsada dekeda berbera tahay halka ay ka dhoofaan xoolaha soomaalida guud ahaan isla maraakana ay tahay marin badeed can ah oo sucuudiga in badan loo soo marinayay xoolaha  no ol ee soomaalida, marka aynu eegno ganacsiga ku tartankiisa ee dalkan ka hirgalay waxa Somaliland ka jira sedex warshadood oo biyaha safeeya, labo warshadood oo soo saara Saabuunta budada ah, warshado soo saara sharaabka iyo kuwo kale oo badan kuwaasi oo aan midna mid ka kale dhibato la taaban karo ku haynin balse dukaan waliba ama warshad kastaaba iibinayso tayada waxa ay soo saarayso sida looga baahanyahay labadan maxjar ee ay Somaliland kusoo kordhinayaana waa taas (TARTAN TAYO IYO XOOLO CAAFIMAADSAN OO SOMALILAND KA DHOOFA)

Waxa kale oo meesha ka baxaysa ganacsatadii muwaadniinta ahayd ee sugi jirtay isla markaana  ku yuuga u geli jiray maxjarka qudha inay ikhtiyaar yeeshaan oo ay ka Labada Maxjar hadba kii uu  qan ciyo adeegiisu xoolahooda geystaan waa labo dukaan oo tayo lagu kala xulanayo.

Ganacsiga xoolaha nool ee Somaliland iyo dhoofintooda shirkada indhadeero waxay ku lahayd  walig eed door lixaad leh marka laga hadlayo dhoofinta xoolaha nool ee somaliland waxaana mudooyinkii u danbeeyey ku hawlanayd dhoofinta sanadkii in ku dhow hal milyan oo neef taas oo suurtogal uga dh igaysay inay isticmaali karto maxjar lagu caafimaadiyo xoolaha nool ee dalkeena waana kii u  horeey ey ee ganacsato muwaadiniin ahi fuliyaan dhismihisa dalka somaliland, sidoo kalena SHirkada  Indha deero waxay door muhiim ah shirkadani ku leedahay soo dejinta badeecooyinka kala duwan ee dalka yimaada sida raashinka iyo bagaashka waxay kaalin mugleh kaga jirta dhaqdhaqaaqa ganacsi ee  So maliland waxaan door dhaqaale oo la taaban karo ku leedahay miisaaniyada maadaama sanadkii  kee nto in ka boqolaal maraakiib ah oo sida raashinka noocyadiisa kala duwan iyo kuwa xambaara  xoola ha nool ee ay nu geyno suuqyada sucuudiga iyo wadamada khaliijka.

Lasoco Qeybta labaad…


Waxaad Halkan ka daawato War kusaabsan Kormeerkii Wasiirada ee Maxjarka



 

 

 





Waxa Qoray, Abdikarim Said Salah.
Journalist For Horn Cable TV
Sahil Region Area Based
Geeska Afrika Journal,In Sahil Region

Berbera Press Editor
website: www.berberapress.com
Regional Journalist

Mobile: +25224441209
Email: clkarim_3@hotmail.com
suldaan14@yahoo.com