“Kulmiye Sidii Udub Ayuu Baaba’bayaa, Maxay Muuse Biixi Xilka Xisbiga Ugu Dooranayeen Haday Kaga Daba Imanayaan”Xaaji Cabdi waraabe
 

 


Hargeysa, 19, 2013 (TNN) – Gudoomiyaha guddiga joogtada golaha guurtida Somaliland Xaaji Cabdi-Kariim Xuseen (Cabdi Waraabe), ayaa sheegay in khilaafka xisbiga Kulmiye ka dhex taagan ee musharaxnimada hogaanka xisbigaasi in Kulmiye ku burburi doono sidii xisbigii UDUB uu u baaba’ay oo kale.

Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe ayaa sidaasi ku sheegay mar uu shalay wargeyska Haatuf ugu xogwaramay xarunta golaha guurtida, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Kulmiye waxaan ku odhan lahaa Kulmiye waxaa ka muuqata sidii xisbigii Udub ayuu baaba’ ayaa oo burburiyaa, hogaan bay xisbiga u doorteen, maxay madaxda xisbigooda u samays anayeen haday xilka ka qaadayaan, qolada xisbiga Kulmiye waxaan leeyahay Burburkii Ud ub ayaa idinku soo dhow waar isku tanaasula, kuligiin hadaydin madaxtinimo wada doontaa n halkaydin kala xukumaysaan, gudoomiyaha xisbiga Kulmiyena waxay u doorteen Muuse Biixi maxay xilka ugu doorteen haday kursigaasi kaga daba imanayaan, Muuse Biixi waxaan leeyahay waar shira oo sidii Udub ha baabi’ina heshiiya oo isku tanaasula, oo qoladiina ka dambaysaa kala dambeeya”.
 

 

 

Source: Haatuf