Maxamed Sulleymaan Barre Oo Ka Waramey Waayihii Qal af sanaaEe Ka Soo Maray Xabsiga Guantanamo Ee Uu 8 Sano Ku Xidhnaa

 

“Imika Waxan U Egahay Nin Ka Soo Baxay Qabri Oo Dunida Mar Kale Ku Soo Noqday, Wax ay Igu Qaadaneysaa Wakhti Inta Aan Go’aan Ka Gaadhayo Waxaan Qabanayo Laakiin Waxan Doonayaa In Aan U Noolaado Si Dabiici Ah” Maxamed Sulleymaan Barre

Hargeysa, December 21, 2009-(Timacade News)- Maxamed Sulleymaan Barre oo ka mid ahaa labadii nin ee doraad hay’ada laanqeyrta cas “ICRC” ku soo wareejisay xukuumadda Somaliland ee muddada 8 sano ah ku xidhnaa xabsiga Guantanamo ee ku yaala Jasiirada Cuba ayaa sheegay in dabayaaqadii sanadkii 2001 laga qabtay isagoo degan dalka  Pakis tan, halkaas oo ay ka xidheen sirdoonka Pakistan oo markii dambe gacanta ka gelisay  mu khaabaraadka Mareykanka, isagoo loo tuhunsanaa in uu xidhiidh la leeyahay ururka  Alqa acida hase ahaatee markii dambe wax dembi ah lagu waayay ayaa sheegay in ciqaabo kala duwan oo aad u dhibaato badan loogu geystay intii uu ku jiray jeelka Guantanamo Bay.

Maxamed Sulleymaan Barre ayaa waxa uu sidaasi ku sheegay wareysi khaas ah oo uu  sh alay siiyay weriyaha Hargeysa ee BBC-da laanteeda afka Soomaaliga , Axmed Siciid Cige, wareysigaasi oo uu kaga hadlay muddadii siddeeda sanadood ahayd ee uu ku xidhnaa  je elka Guantanamo, duruufihii nololeed iyo qaabkii lagu soo daayay markii dambe, waxa uu wareysigaasi u dhacay sidan :

S : Goorma ayaa lagu qabtay? Halkeese lagaa qabtay?


J : xaqiiqatan xusuustaydu aad bay isku bedeshay muddadii dheerayd ee aan xabsiga ku jiray laakiin intaan ka xasuusto waxan degenaa magaalada Karachi ee wadanka Pakistan waxana halkaa iga qabtay sirdoonka Pakistan oo iga qabtay gurigeyga 1/11/2001, siday ii sheegeen sirdoonka Pakistan “ISO” waxay I geeyeen ugu horeyn jeel qarsoon oo aan cidina ogeyn halkaas oo ahayd meel loogu talo galay dadka ay ku tuhunsan yihiin  argag ixisada in la geeyo, aniguna maan garanayn meesha la I geeyay laakiin markii dambe ee aan kasoo baxay ayaan wararka ku maqlay inay meeshu ahayd mukhaabaraadka  Pakis tan, halkaas waxan ku xidhnaa 4 bilood. Mukhaabaraadka Mareykanku waxay ii  yimaa deen saddex jeer oo ay su’aalo I weydiiyeen oo ay lahaayeen waxanu ka shakisanahay in ay dad kaala soo hadleen tilifoonkaaga markaanu dib u raacnay waxanu ku helay, dadk aas oo ah kuwo aanu raadsaneyno, markaa waxanu doonaynaa in aad noo sheegto  had dii aad wax macluumaad ah ka heyso laakiin waxanu adiga kuu tuhunsanahay ma jirto, been badan bay ii sheegi jireen, waxay igu odhan jireen waad baxeysaa, arrintaadu way dhamaatay, dawlada Pakistan waxay doonaysaa inay kuu dhiibto Somaliya, muddadaas oo dhan waan iska samrayay ilaahay baa mahad lehe, kaddib markaan saddex bilood jeelka ku jiray waxay soo qabteen niman carab ah oo ay jeelka iigu keeneen.

Pakistan caalamku wuu ogyahay in musuq maasuq badani ka jiro, waxa dhacday qoladii carabta ahayd ee ay meesha keeneen ayay igu dareen markaa hal mar bay noo wada dhiibeen Mareykanka kaddib waxay naga dajiyeen magaalada Kandahar ee dalka  Afgha nistan kaddibna aniga iyo afartii nin ee aan ku jiray ayaa waxay noo sii qaadeen  garo onka diyaaradaha ee magaalada Bagram halkaas oo ay nagu dhibeen oo ay nagu sameeyeen jidhdil faro badan.

S : Maxaad uga jeedaa way na dhibeen?


J : waxay doonayeen in aanu sheegno wax aanaan sameyn kaddibna jidhdil bay nagu sameeyeen.

S : Goorma ayay ku geeyeen jeelka Guantanamo?


j : xilligii Guantanamo nala geeyay waxay ahayd 2-dii May 2002, xabsiga Guantanamo  ani gu kama war heynin, warkiisa waa laga wada dheregsan yahay dhibaatada taala  xabsig aasi, inkastoo Soomaalida kasoo baxday halkani iska yar tahay laakiin jeelkaasi waa mid taariikhda hadda la joogo caalamka, sida ay sheegeen reer galbeedka laftigoodu waa  me el ka baxsan xadaarada ay sheeganayaan dawladaha reer galbeedka oo wax xuquuq ah oo qofku ku leeyahay haba yaraatee aanay ka jirin, sida ay noo sheegeen waxay  yidha ahdeen waxa halkan la idiin keenay oo Mareykanka la idiin geyn waayay, Mareykanka qaynuunkiisa in uu ku dabaqmo looma baahna waayo jeelkaasi wuxu ahaa jeel  sheekadi isu aad u dheer tahay.

S : dhismaha jeelku waa qaab noocee ah, muxuuse ka kooban yahay?

J : markii hore ee ay bilaabeen waxay ku bilaabeen meel hore u dhisneyd oo ay  yidhaahd een dad hore ayaa ku xidhnaan jiray kuwaas oo ahaa dadka tahriibka ku gala  Mareyka nka, markaa waa jeel la odhan jiray, EX-Ray, kaddib waxay dhiseen macaskar kale oo ay u bixiyeen DELTA, waxanu ka sameysan yahay shabagyo, musqushu qolkay ku taalaa, qolkuna waa hal mitir dhererkiisu balaciisuna waa hal mitir, 8-daa sanadood ee aan  xid hnaa qol keli ah ayaan ku jiray, maantadan rag ila mid ah ayaa waxay ku jiraan qolalkii aanu ka soo baxnay. Markii uu Obama soo madaxnimada ku guuleystay ayaa waxay bilaabeen inay yara wanaajiyaan habka ay noola dhaqmaan, laakiin siddii hore way yara dhaantaa, laakiin wakhtigan aan joogno waxa jira rag dhibaato badan lagu sameynayo

S : dadka meesha ku xidhani imisa jinsiyadood ayay isugu jiraan, marka cadceeda la idiin soo saaro ee aad is arki jirteen?

J :jinsiyadaha meesha la isugu keenay aad bay u badnaayeen, 40 jinsiyadood iyo in ka badan ayay ka koobnaayeen, dhamaantood waa wada muslimiin.

S : intee in le’eg baad ku qiyaasi laheyd tirada maxaabiista ee jeelka ku jiray?

J : jeelka markii ay fureen waxa hal mar isugu keenay siddeed boqol oo qof ayaa hal mar la isugu keenay, laakiin wixii intaa ka dambeeyay dad bay sii deynayeen qaarna way  kee nayeen, ugu dambeyntii markii aan anigu ka soo baxayay waxa ku jiray ilaa 200 qof.

S : maxaabiista miyay ku jireen dumar?

J : waanu maqalay sheekooyin,waxa naloo sheegay gabadh muslimad ah oo uu qabay nin ay tuhunsanaayeen ayaa la sheegayay inay meel kale joogto laakiin Guantanamo kumaan maqal.

S : adigu markaad eegto tuhunada ay kugu eedeynayeen, ee ku saabsan dadka  tilifoo nada ay sheegeen inay kuu soo direen, mar ururada Al Qaacida oo kale ayay ka tirsanaayeen?

J : Tilifoonada ay sheegayeen wax xaqiiqo ah ma aheyn, aniga waxay igu kaxeysteen markay ogaadeen in aan ahay qof Soomaali ah, Somaliyana aanay wax dawlad ahi ka jirin, wadankiina uu kala qayb qaybsan yahay, ma jirin cid aniga si gaar ah ii dooneysay, markaa arrin siyaasi ah bay isugu soo urureysaa qabashadaydu, waxay iga doonayeen macluumaad.

S : markaa imika maxay kugu soo daayeen, ma maxkamad baa lagu geeyay oo dembi baa lagugu waayay oo iska tag bay ku yidhaahdeen?


J : waxay nagu soo daayeen idamka Ilaahay, haddii aan dhinac kale eegana waxan u maleynayaa in siddeed sanadood qof aan wax dambi ah lagu heysan, inay sii hayaan iyaga laftoodii ayay ku adkaatay, gaar ahaan markii Obama xukunka qabtay, waxyaabihii uu doorashada ku galay waxa ku jirtay xidhitaanka jeelka Guantanamo, markaa balan qaadkii uu qaaday ayay nagu soo daayeen.

S : dad Soomaali ahi ma ku jireen meesha, sodogaa oo kal hore la soo daayay waanu wareysanay?

J : Soomaalida meesha ku jirtay anigaa ugu horeeyay, markii dambe waxa la keenay odeyga Sodoga ii ah, 2007 waxa la keenay nin kale oo imika mar nala soo wada daayay “Ismaaciil Maxamed Carraale”, waxa kale oo aanu maqalay oo ay laanqeyrta cas ii sheegeen in uu ku jiro nin kale oo Soomaali ah uu ku xidhan yahay meel gaar ah oo la yidhaa, jeelka toddobaad, inkastoo aanan arag ninkaasi.

S : Xaaskaagii iyo qoyskaagii halkay ku nool yihiin, maxaadse ku talo jirtaa?

J : imika waxan u egahay nin ka soo baxay qabri oo dunida mar kale ku soo noqday, wax ay igu qaadaneysaa wakhti inta aan go’aan ka gaadhayo waxaan qabanayo laakiin waxan doonayaa in aan u noolaado si dabiici ah, waxan leeyahay tol badan oo i caawinaya, xaaskeygii iyo carruurtaydii waanu kala war qaadanay waxan ogaaday inay nabad qabaan.

Maxamed Sulleymaan oo u dhashay Somaliland ayaa sanadihii 1992-94-kii waxa uu ka shaqeyn jiray wargeyskii la odhan jiray Codka Hargeysa isagoo intaa kaddib u kicitimay dalka Pakistan oo uu muddo dheer degenaa magaalada Karachi.

Source:Haatuf