Maxamed Xaashi Cilmi waa geed hadhac ah
oo keligii ku yaal banka giriyaad



 
 


Bal aan bisinka u qabto oo aan marka hore maqaalkan foodsaar uga dhigo suugaan jacayshii, suu gaanta colaadeeda laga saraysiiyey. Maan qolka kaydka heesaha jacaylka ee Timacade News galo oo aan soo qabto mid aan garan waayey in ay jacayl tahay, oo gabadhi nin ay dooratay ku hong oodey markii sariirta la tegey iyo in ay tahay sarbeeb ku saabsan dadweyne doorasho galay oo xildhibaanadii ay doorka moodeen ee ay u codeeyeen ku hongoobey. Waa heestii Xaliimo khaliif, a lla ha naxariistee, ku luuqayn jirtey ee tuducyada ku jira uu ka mid ahaa kani: Mid qun loo abuur oo qurux loo dhameeyaa, ka qalaalan hoostoo qawdaa hadhawtee, ka qalaalan hoostood qawdaa hadhawtee, bal qiyaasa nimankaa, bal qiyaasa nimankaa.

Heestan waxaa tiriyey Abwaan Saxardiid Cabdi (Jebiye). Maan maqal geeridiisa. Waxaa iigu war danbeysey in uu joogo Hargeysa. Bal soo weydiiyey weriyayaasha gudahoo, wuxuu uga dan lah aa.

Haddaanad heestan hore u maqal imikaba ka bogo oo booqo LongLiveSomaliland.com, iyaga ayaa kuu d hamaystiri doona oo weliba ku maqashiine.


Tan iyo markii Maxamed Xaashi Cilmi loo magacaabay Wasiirka Maaliyada, waxqabadkii uu ku tala absaday waxsan mooyee waxyeelo muu dhalin. Wuxuu ku tallabsaday falal ay ka didayaan ma ta bcade, ma tashiishe iyo ma toshe. Wuxuu ku talaabsaday waxay iyaga oo eryanaaya, haddana reer  Kulmiye ku faano oo ku xaragoodo. Wuxuu ku talaabsaday wuxuu UDUB hagoog xummadii ka ga faydey. Wuxuu ku talaabsaday wax dalba juuqooyinka dawladda deda, daboola oo astura god aloolooyinkeeda iyo wareegtooyinka weli lagu maamulayo kheyraadka qaranka bad iyo beriba.

Wuxuu ku talaabsaday wax maal qabeenku weli ka meermeerayaan oo madaxtooyada ka hoos ga leen oo miciin moodeen. Wuxuu ku talaabsaday wax guud ahaan dadweynahu mahadiyeen , gaar ahaan agoonta, saboolka iyo maxaysatadu. Wuxuu ku talaabsaday wax hooyooyinlku uurka uga duceeyeen oo aabayaal ku nasteen.

Haddaba intaanan ujeedadeeda aad u sii guda gelin aan dhextaal uga dhigo sheeko saamaysa Wasiirka Maaliyada iyo xusuus iyo waayo waayo oo aniga i soo martay. Waxaan xusuus qorkayga ka soo minguurinayaa aniga oo waxana ku darin, waxna ka dhaafin sidii maalintaa, dhacdadii i soo martay aan u qoray oo cal iyo bey leh.

Ninka garanayaan ahay tan iyo awoowgii Geela Haad qoyaye , bal aan holo oo aan meel dhaw ka soo qabto xusuus qorkaygii 1988 ee bishii Meey, maalmihii dagaaladii hor dhac ahaa ee Afweyne lagaga reeyey ee Geeriye ku luuqaynayey: “Burbur iyo dhibaabiyo, Dhafar iyo qaxootiyo, Dhudiye ey qasaaraba, Rag dhabiiltamaa lehe, Bagaa laysu jilib-dhigay; Wixii lays dhacsiiyiyo, Bagay  dhicis ay beentii, Bagaa laysu jilib-dhigay; Hubka dhuunta ka onkoda, Iyo dhagarta miinada, Bagaa  dha bar-adayg iyo Sahraay jiibka laba-dhaca, Dhenged iyo ableey iyo Dhagax loogu babac-dhigay. Baga baga jikraha dhacay, Baga baga dhulkaan labay, Baga baga shilkaan dhigay, Baga  dhoomah aan riday; Nimaan dhiili soli jirin, Bagaan dhiil yar ugu shubay”.

Waa malin ka mid ah maalmaha tilmaaman oo ahayd bishii Meey 10dii, 1988 waana tan sidaan u qoray dhacdadii maalintaa ila soo gudboonaatey:



“Waa maalintii shanaad ee aan dalkan Ingriiska ku sugan ah, goobtuna waa guri ku yaal waqooy iga London, waxaa ii soo goleeyey qaar ka mid ah tolkii ka soo jeedey galbeedka Hargeysa ilaa go bolka Gebiley, gaar ahaan in markaa isku koox ah oo si wax wada arkaysa laakiin isku dhigaya in d hammaan reerku tooda aamminsan yahay amma ay sax tahay taa ay intoodani isku raacsan tah ay.

Waxaa la igu sooryey qaad iyo qaylo, qaxwe madaw iyo qiiqa sigaarka, ku tidhi ku teenay iyo aab ahay goblin. Waxaa la igu soo dhaweeyey haybada iyo taariikhda reerka iyo beri hore wixii jirey iyo weliba waa beel isku timid iyo caadkeede, qabkii qabyaalada is amaanistooda iyo canbaraynta kuwa kale.

Waxay ku dheeraadeen oo aad uga hadleen dhaliilaha Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah beesha n ila joogta lafteeda. Waxay sheegeen oo iska daba mareen in uu shaqo badan yahay, in aanu qa yilin, in aanu sigaar cabin, in aan salaadi iyo soon midna ka tegin, in aanu cidna biyo ka waraabin isaga oo haya khasnadii ururka isna wax ka dhadhamin, in uu tashiil badan yahay, in uu xaqa ku eedaamo, in isaga oo siyaasad doonaya aanu reerkiisii iyo reer kale toona la faqin oo aanu maalin qudha odayaal mijin jaada u qaadin, isaguna wax weydiisan. Wuxuu garan la’ yahay in haddii reer kaagu ku deyriyo, in aan reer kalana hoodh ku qawsaneyn oo kuu sacabo tumayn, maxaayeelay kuwoodii ayay wataan.

Markay dhameeyeen waxaan ku idhi waa kaaf iyo kala dheeri arrimahan aad odayga ku canbaara ynaysaan, iyo sidaan anigu u arkaa. Arrimahani waa kuwaan ku ammaani lahaa qofkasta oo aada maha oo sidaa u dhaqma. Waxan aad ceebta ka dhigteen xaggayga waa ammaan.

Markay intaasi afkayga ka soo baxday colka xoogiisu way dareereen marka laga reebo la  isbiday ey in ay iga xigaan inta kale oo dhan.

Labadii waxay bilaabeen calaacal, waxay i dareensiiyeen in aan tol weynihii ka cadhaysiiyey. Waxay igu yidhaahdeen waar miyaanad ogeyn in Maxamed Xaashi Cilmi reerkeena ugu neceb yahay.

Waxaan ku idhi tolka aad sheegeysaan miyaanu Maxamed Xaashi Cilmi ka mid ahayn. Waxaan  int aa raaciyey anigu weligee Maxamed Xaashi Cilmi ma araga mana aqoon, laakiin caawa ayaad isag oo innaga maqan iskaaya barteen. Waxaad ku eedeyneyseen hadday jiraan xagayga wuxuu ka q ornaan doonaa Gob, gobi dhashay.

Doodo dhaadheer kadib Waxaa la igu sagootiyey gabaygii Salaan Carabey ee ahaa : “Nina haybta kuma raaci karo hooyo aan dhallin”.


Anna waxaan ku macasalaameeyey Kii Farax Nuur ee ahaa: “Qab qab dhafay bay laba qabiil qaran ku weydaa ”.



Qaybta labaad la soco.....

 

 

 

 Hees # 314 -   Magool - Waa Qayb Aduunoo

 

 

 

 

Haamud Duale
April 18, 2011