WAR SAXAAFADEED

 

 

Taariikh: 1 September , 2011
 



Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxw eyne oo uu Numberkiisu yahay 0169/092011 ku Magacaabay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee JSL .



Madaxaweynuhu:


Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tix geliyey: Ahmiyadda wayn ee ay Wasaaradu u leedahay Dalka iyo Dhismaha Qara nka,

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL,

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.

Wuxuu go'aansaday In Mudane, Maxamed Nuur Caraale (Duur), laga bilaabo taariikhda maan ta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL.
 

 

 


ALLAA MAHAD LEH



Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.