Maxamed Muuse Cawaale Oo Ka Jawaabay Doodda Qaybe Ee Is Bedelkii Cigaal Iyo Rayale
 

 


 


Hargeysa (TNN)- Maxamed Muuse Cawaale, oo ah agaasimaha Hay’adda ka Hortaga Aafooyink a & Masiibooyinka Dabiiciga, ayaa jawaab ka bixiyey hadal uu Gudoomiyahii hore ee Golaha Wa kiilada, Md, Axmed Maxamed Adan (Qeybe), ku sheegay inuu qeyb ka qaatay sifahii Madaxwey nahii hore Daahir Rayaale Kaahin xilka loogu dhiibay ka dib geeridii Madaxweyne Maxamed Ibr aahim Cigaal.



Maxamed Muuse Cawaale, ayaa ku eedeeyey Mudane Qaybe, sababtuu uga hadli waayey had duu ogaa in habkii loo maray dhaarintaasi khalad ahayd, isla markaana sheegay inuu isagu ma rkii hore iyo xilligan aaminsan yahay inay tallo fiican gaadheen.

Qaybe ayaa qormadan ku baahiyay cadadkii Wargeyska Geeska Afrika ee Arbacadii shalay so o baxay.

Wargeyska Geeska Afrika oo wax ka weydiiyey Maxamed Muuse Cawaale, siduu ahaa jawigii maalinta loo maray dhaarta Madaxweynahii hore Daahir Riyaale Kaahin, ayaa ku bilaabay had alkiisa, “ Adeer, madasha waa loo dhamaa, oo badi intii ugu sareysay xukuumadu way ku sugn aayeen. Waxa la wada tilmaamay in haddii Madaxweyne Cigaal xaqii u yimid, in degdeg loo dh aariyo Daahir Rayaale kaahin, si aanu dalku jawi madaxweyne la’aan u gelin. Anigu waxaan k eliya ka shekeeyey sifahii Madaxweynahii Maraykanka Kenedy, markuu dhintay markiiba diyaa rada dusheeda loogu dhaariyey ku xigeenkiisi, innaguna hadaan qaadanay nidaamkii Maraykan ka, loo baahan yahay inaan Daahir Riyaale u dhaarino xilka Madaxweyne. Ka dibna distoorkii ayaa la yidhi akhriya, oo sidaa qodobkii dhigayey u akhriyey. Anigu Daahir Riyaale aqoon uma lahayn, laakiin waxaan doonayey inaan dalku halis gelin.”

Maxamed Muuse oo aanu weydiinay markaad dastuurka akhriyeysay ma qodobka 89aad, kel iya ayaad eegtay mise sidoo kale qodobka 130aad, sidoo kale labada qodob kee baa ku haboo naa qaadashadiisa, ayaa ku jawaabay, “ Xilligan, anigu ma xusuusto, laakiin, waxaan qodobka 89aad u qaatay, si aan dalka u badbaadiyo.

Maxamed isagoo ka hadlaya aragtida uu Qaybe xilligan soo bandhigay wuxuu yidhi “Hadduu O gaa Qaybe, inay khalad tahay muxuu uga hadli waayey, intuu leeyahay anigoo aan damacsana yn ayaan ku raacay. Intii kalena sidaa ayey qaateen oo ku hadleen. Markii laysku wada raaca y ayaa la yidhi Gudoomiyahii Maxkamada sare inoo doona. Markaas ayaan ku faraxnay,”

Ugu danbayn, Maxamed oo la weydiiyey inuu dib ka ogaaday dastuuriyan in sifahii loo maray dhaartaa khalad ahaa iyo in kale, ayaa ku jawaabay, “Maya, aniga taydu khalad maaha. Waxa an markaa qabay, immikana qabaa inaan talaabo wanaagsan qaadanay.”

Source:Geeska