Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tayuub) Oo Musharaxnimadiisa Ururka NASIYE Ee Golaha Deegaanka Hargeysa Kaga Dhawa aqay Munaasibad Si Weyn Loo Camiray Oo lagu Qabtay Crown





Hargeysa(TNN)- Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tayuub), ayaa saaka Munaasibad si weyn loo ag aasimay oo lagu qabtay Hotelka Crown ee Magaalda Hargeysa kaga dhawaaqay inuu u sharaxan yah ay Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee Hargeysa. Munaaasibadaa



oo ay ka qaybgaleen Gudoomiyaha Ururka NASIYE Axmed , masuuliyiinta kale ee Ururkaa, Salaadiin iyo boqolaal taageerayaasha musharaxa ah oo ka kala yimi daafaha iyo badhtamaha magaalada Ca asimada ee Hargeysa, Mahdi Cismaan Buuri oo ka mid ahaa masuuliyiinta ka hadashay madashaa, ayaa sharaxaad ka bixiyay Maxamuud Cali Caaamir oo ah musharaxa munaasibada loo qabtay, wux uuna sheegay inay wada garanayaan musharaxa munaasibada loo qabtay oo uu yahay nin kasoo jeeda qoys caan ah oo ay dadka Hargeysa oo dhami garanayaan, isagoo yidhi, “Nin aynu wada gar anayno oo aan inaga khaldamayn hadaynu nahay bulshada Hargeysa, ayaa maanta aynu munaasi badan u qabanay, Aabihii wuxuu ahaa Nin dadka u dhexeeya oo bulshadu u simantahay, waxa kuu cadaynaya dadka halkan isugu yimi, waxay ka yimaadeen qaybaha ay magaaladu ka koobantahay” ayuu yidhi Mahdi Csimaan Buuri.


Waxa kale oo munaasibadaa ka hadlay Rashiid Jaamac Dheri oo sheegay in Musharaxa Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tayuub), ay garab taagan yihiin, isla markaana uu ku qanacsanyahay inuu si dhibyar ugu soo baxayo doorashooyinka golayaasha deegaanka, wuxuuna ka sheekeeyay taariikh da musharaxa Aabihii oo ka mid ahaa Odayaashii caanka ahaa ee aasaasay magaalada Hargeysa. Sidaa awgeed loo baahanayay in la taageero oo la garab istaago.


Sidoo kale waxa munaasibadaa ka hadlay Xildhibaan C/qaadir Indha-indho oo sheegay inay si wey n ugu faraxsan yihiin musharaxnimada Maadhiin Cali Tayuub, isagoo sheegay inuu kasoo jeedo qo ys caan ka ah hargeysa, isla markaana ay isaga si gaara isu isu garanayaan oo Aabayaashood sa axiibo ahaayeen, isla markaana marxuumkii dhalay ninkaa dhalinayarada ah ee musharaxa ah uu qof walba oo hargeysa ah abaal ku lahaa, taas oo ay dadku u wada ogyihiin. Sidaa darteed loo ba ahanyahay in la siiyo codka.

Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiireey oo isaguna ka hadlay madasha, ayaa sheegay inay salaadiinta iyo madaxdhaqameedka somaliland oo uu afkooda ku hadlayaa taageersanyihiin musharaxaa, wux uuna xusay inay Ururka Nasiye oo ah Urur ay ka muuqdaan dhalinyaro aqoonayahano ah, ay soo sharaxeen dhalinyaro firfircoon, isagoo ugu baaqay bulshada kasoo qaybgashay munaasibada ee madasha fadhiday iyo inta dhegeysnay, ama daawanay inay codkooda siiyaan musharaxaa oo aan ay kala hadhin taageerada ay la garab istaageen ee ay maanta ku muujiyeen muinaasibadaa oo .


Musharaxa Golaha Deegaanka uga sharaxan ururka Nasiye Maxamuud Cali Caamir (Maadhiin Tayu ub), ayaa lagu soo dhoweeyay madasha, wuxuuna qudbad kooban oo uu halkaa ka jeediyay ku sh eegay inuu u sharaxanyahay Bulshada Hargeysa oo aanu u sharaxnayn xaafad iyo cid gaara too na, isla markaana doonayo inuu soo celiyo karaamadii iyo sharaftii magaalada caasimada Hargeys a, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi, “Anigu waxaan u sharaxanahay bulshada caasimada hargeysa, maaha inaan cid gaara u sharaxnahay, waad aragtaan golayaashii deegaanka inaynu ku khasaaray, waxaad aragtaan qashinka buuxiyay magaalada iyo sida dhulkii danta guud loo cunay, waxan doonayaa inaan arrimahaa wax ka qabano, anagoo ka duulayna barnaamijka Ururka Nasiye oo aanu magaalada karaamadeedii soo celino, waxaan doonayaa inaan wadooyinka iyo garoomada caruurta iyo istaamada Basaska wax ka qabano oo aanu u samayno tagaasi calaaamad leh. Sidaa awgeed ay codkooda siiyaan” Maxamed Cali Caamir Maadhiin, waxa uu sheegay inay dadku u baah an yihiin cid wax u qabata, balse uma baahna cid boobta dadka masaakiinta ah.


Gudoomiyaha Ururka Nasiye Axmed Maxamed oo gebagebadii munaasibadaa ka hadlay, ayaa sheeg ay in ay ururada kale kaga duwanyihiin shuruudo adag oo ay ku xidheen musharaxiinta u tar tama ya golayaasha deegaanka ee ururkooda, isagoo sheegay inay taa uga jeedaan in la helo tiro yar oo tayo leh, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “waxaanu shuruudo adag ku xidhnay mush araxiinta golayaasha deegaanka, sababtoo ah waxaanu doonaynaa dad tiro yar oo tayo leh, waan una ka duwannahay ururada kale . sidaa awgeed waxaan idinka codsanayaa inaad codkiina siisaan musharaxaa aad wada garanaysaan oo Bulshada Hargeysa u sharaxn” ayuu yidhi. Gudoomiyaha Nasiye

 

Source:Araweelonews