Cajiib: Maxaad Ka Ogtihiin Mansabyada
Qarribmay Qarnigan!

 

Waxaa lagama maarmaan ah in qofka beni’aadam ahi ahaado mid dhaadan saamaynta ay lee yihiin is-gedgdisa hab-nololeedka bulsho ee uu ku dhex nool yahay. Maxaa yeelay seban kasta oo ku soo maraa waxa uu leeyahay waayahiisa u gaarka ah, ee la fal-gelaya qaab-nololeedka iyo koritaanka kala duwan ee dadku samaynayaan.

Waxa imika la muquurtay wakhti ka duwan xilliyadii hore ee la soo maray, waa qarnigii 21-aad, waxa uu la kawsaday calaamooyin iyo muqaalo si weyn loo dareemayo. Meeshu waa deegaan lahaan jiray hab-nololeedyo fac leh oo ay ku dheehan yihiin dhaqan, dhaqasho, dhacadi iyo dhawrsoonaan xadkeeda leh. Waxaa la kala lahaa mustaweyaal, maraaxil iyo mansabyo nololeed oo mid kastaaba mudnaantiisa leeyahay. Waxaa jirtay badweyn-nolole ed oo ku gaashaaman garasho, gacalnimo, gobnimo, ka gilgilasho, garawshiyo, kala  damba yn iyo karaamayn. Waxaa caaganayd is-dhex yaac, is-burin, is-xumayn, is-ku-tumasho, is-ceebayn aan sabab lahayn, is-dilid aan macne ku fadhidhin iyo is-fadeexadayn aan  mabaa di’ adag ku ku salaysnayn.

Intaas, haddii aynu ka nimaadno qaddarkaas guud-marka ah ee hummaaga ka bixinayey  q ormadan hal-ku-dhigeedu yahay “Cajiib: Maxaad ka ogtihiin Mansabyada qarribmay  qarni gan.” Waxa aynu toos u dhex muquuranaynaa dulucda iyo falanqaynta nuxurka ay  xamba arsan tahay qormadani.

Ugu horayn qormadani waxa ay daaha ka rogaysaa waxyaabo karaamo, sharaf iyo qiime wax-ku-ool ah bulshada ku-dhex-lahaa, hasayeeshee imika uu karaamo-dhac iyo jiritaan-guur aad iyo aad u xumi uu la soo dersay, kuwaas oo ah mansabyo dadka Soomaalida ahi si gaar ah u xushmayn jirtay, iyada oo qofka meel kaga dhacaana uu kasban jiray  tallaaboo yin ad-adag oo noloshiisha laga qaado.

Marka laga hadlaayo Mansabyada Qarribmay Qarnigan, waxaa ay cid waliba dareemaysaa in laga xog-waramayo waxyaabo karaamo iyo qiime ku dhex lahaa bulshada oo hadda asal-guur sharafeed ku habsaday, kuwaas oo ay sabab u yihiin qarribnaantooda hab-dhaqanka iyo hab-nololeedka ay ku sugan yihiin dadka sebanka nooli.

Haddii aynu mid mid u soo qaadano Mansabyadaas qarribmay, waxaynu u kala dhigaynaa qaybahan hoos kus xusan:-


1- Qiimihii Saldaladda oo saqiirtay:
Haybadii iyo karaamadii saldaladu waxa ay ku saqiirtay guud ahaan deegaannada ay Soomaalidu degto gaar ahaan Somaliland, sababtoo ah waxaa soo shaac-baxday ficillo la yaabkooda leh, kuwaas oo si xun u wiiqay haybadii iyo sharaftii ay lahayd Saldladdu, oo runtii ah wax ay bulshadu ka wada dheregsan tahay. Waxaa la  ya ab iyo amakaag noqtay markii ay soo if baxeen hal qabiil oo leh laba suldaan oo walaalo ah, kuwaas oo ku yimi is-ku-xumayn iyo is-u-tanaasul la’aan ka dhex aloosantay beesha ay ka soo jeedaan, oo ku heshiin waayay labada nin ee walaalaha ah ka Suldaannimada loo  calee mo-saarayo.

Waxaa sidoo kale soo ifbaxday inay saldaladii noqotay mid lagu raadiyo dhaqaale iyo magac aan macne-weyn ugu fadhiyin bulshada, taas oo sababtay in qof kastaaba ku hamiyo inuu Suldaan, garaad, caaqil ama boqorimo loo caleemo-saaro.

Qarniyadii hore ee laga soo gudbay Salaadiintu waxa ay ahayeen kuwo lagu soo hirto oo  b ulshada ku dhex lahaa sharaf iyo sumcad aan la qiyaasi karin, isla markaana doorkoodu  ah aa mid si weyn looga dareemayay bulshada dhexdeeda, iyaga oo kaalin-mug leh ka qaadan jiray isku dubba-ridka iyo habaynta hawlaha qabiilka sida: Nadabaynta, khilaaf-xallinta, isk u-xidhka bulshada dhexdeeda iyo metelida magaca-guud ee beelaha ay ka soo kala jeedaan.

2- Qiimihii Waddaadnimada oo la sadqeeyey!

Waddaadadu waxa ay ka mid ahaayeen dadka loogu qaddarinta badan yahay bulshada  dh ex deeda. Waayo? Waxa ay ku qalabaysnaayeen Kitaabka ilaahay iyo Sunnaha nebiga  [NN KH], iyaga oo muhiimada ugu weyn siin jiray inay dadka ku baraarujiyaan ku camal-falka iyo ku dhaqanka awaamiirta diinteena suuban, isla mar ahaantana be’ri ka ahaa loolanka  siyaa sada ee xukun-ku-dirirka ah iyo dagaalka macne la’aanta ah. Waddadasii sidaas ahaan  jir ay, ayaa maanta waxa ay safka hore kaga jiraan xisaad aan xaalkeeda la qiyaasi karin, iya ga oo u xusul-duuban inay mar uun gacanta ku dhigaan mansabyo siyaasadeed. Waxaana arrintaa markhaati cad ka ah mushkilada foosha xun ee ka taagan Koomfurta Somaliya, ta as oo in badan oo bulsho-weynta muslimiinta ah ee caalamka ku nool ku reebtay fajac iyo amakaag, ka dib markii ay soo if-baxeen Wadadaas xudun-ku-dirarayaasha ah, ee  xalaash aday inay dhiigooda daadiyaan, si ay u gaadhaan danahooda siyaasadeed. Arrintanina  wa xa ay horseeday milgihii, meeqaamkii iyo miisaankii ay Wadaadu lahaan jireen in ay halkaas ku baaba’do. Waxaana hal-haystu tahay “Qiimihii Waddaadnimadu waxa ay ku sadqowday Koonfurta Somaliya.”

Mansabyada kale ee qiimahoodii qarribmay, isla markaana fool-xumo aan la soo koobi karini ay dul hoganayso, waxaa ka mid ah: Qimihii Abwaannimada oo sii dhuun-yeedhinaya, Qimihii Fannaanimada oo la silciyey, Qimihii Saxafinimada oo soofdaran-habawbay, Qiimihii siyaasada oo macnabeeshay; Qiimihii sport-ga oo ku-daayay iyo qaar kale oo badan.
 

 

 


Prepared by: C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
Cabdiheersare01@hotmail.com
A Member of SIPSA GROUP [Somaliland Independent Political and Socio-economic Analyzers]
Hargeisa/Somaliland