MAXAA HORTAAGAN SOO AFJARIDA KHILAAF KA DEEG AANKA CEEL BARDA ALE,SIDEE AYAY SE SAXAAFADA QAARKOOD UGA WARBIXIYAAN


Run ahaantii ma aha wax lala yaabo mana aha wax ku cusub dadka reer somali land in isku dhac dhex maro laba beelood oo isku degaan ah,kaas oo keena  dhim asho,dhaawac iyo bur-bur dhaqaale,laakiin waxa wax lala yaabo ah isla  markaa na ceeb ah dal gebi ahaantiiba laga waayay cid xal u hesha markay dhacaan dhi baatooyin noocan oo kale ah.

Sida aynu ka wada warqabno waxaa mudooyin badan soo noq-noqonayay dag aalo u dhexeeya labada beelood ee wada dega deeganka ceel-bardaale  khilaaf kaas oo uu sababay muran dhul kaas oo keenay khasaare naf iyo maalba leh isla markaana abuuray tiiraanyo iyo colaad beelaysan oo muddo badan raadkeedu sii muuqdo goobtiina waxay noqotay meel colaadi ragaadisay oo aynu odhan karno waxay noqotay xaaladii ISRAAIIL iyo FALASTIIN oo kale xalka loo waayay awgee d.

Ma aha wax uu u adkaysan karo damiir fayaw oo leh dareen feejigan dhagar iyo barakac maalin walba ka dhacda qaybo ka mid ah dalka inteena kalena barwaaqo iyo sareedo aan ku noolaano isla markaana aan ka dhago-adaygno xal u helidee da,waxaa astaan iyo hal-ku-dhig inoo ah ee ay S/landna aduunka kaga  horuma rtay dhismaha Nabada iyo Dimuqraadiyada,balse haatan taasi ma soconayso oo aduunka kagama iibin karno.

Arintan deegaanka Ceel-bardaale ee u dhaxaysa labada beelood ee walaalaha ah waxay ahayd arin in mudo ah soo jiitamaysay, waxaa kaloo jiray kulan  odaya al oo dhawr jeer qabsoomay,isla goobtaas khilaafku ka jiro kuwaas oo cuqaal ahaan iyo salaadiin ahaanba uga arinsaday so oaf-jarida khilaafkan nasiib daro waxba kamay hirgalin kulankoodii iska daba dhacayay xataa may ugu yaraan noqon mid baajin kara dagaal maalin kaliya dhaca waa yaab!!!!

Ma cuqaashan iyo salaadiintan ayaan ahayn kuwii hore u talin jiray mise xilka  ay ay kusii meel gaadh ahaan ugu sii hayaan cuqaashii talin jirtay ee dhabta ahayd iswaydiintu se waxay tahay ma cidbaa jirta ay caqabad ku noqonayso hadii  mur ankan la soo af-jaro labadan beeloodna runta loo kala sheego iyadoo amar  dawl adeed lagu fulinayo mise waxaa loo raadinayaa xal dalka dibadiisa ka imanaya oo way dhaaftay heerkii aynu ka talin jirnay.

Hadaba saxaafada dalka qaarkood ayaa iyagana la odhan karaa waxay ka qayb qaataan hurinta colaadaasi u dhaxaysa labadaa beelood ee walaalaha ah, kuwa asi oo ku dhaqma wax ka baxsan saxaafada sharcgeedii isla markaana aan waaf aqsanayn cadaalada.

Haddii aan tibaaxo waxaa website-yada arintan sida bilaa dhaqanka ah waxa ug a qoray laga leeyahay deegaanka Gobolka Awdal,website-kaasi oo lagu  magaca abo Lughayanews.com.

Waxay ahayd markaan galay website-kan lagu magacaabo Lughayanews.com. 21/09/2009 goor habeen-nimo ah aniga oo markaa akhriyay war uu kaga  hadl ayay dagaal dhexmaray labada beelood ee halkaasi ku dagaalmaya,war uu  arin taasi kaga hadlayay ayaa u muuqday mid taageero ah isla markaana uu  muujin ayay in uu cagan u fidinayo beesha ay isku haybta yihiin isaga oo soo qaatay w ar ahaa in dhamaanba cida ku dhimatay dagaalkaa labada beelood dhex maray dhamaanba cida dhimatay iyo cida dhaawacantay ay yihiin waxa uu ugu yeed hay gardaroolayaasha,dad qalatada,iyo qas wadayaasha reer Gabiley,halka uu ugu yeedhay beesha ay isku haybta yihiina beesha reer dilla ee laga  gar  daran yahay.

Fidinta hadaladan aan macnaha lahayn iyo cambaaraynta uu webku dusha ka sa aray guud ahaanba mujtamaca reer Gabilay ayaa ah mid aan loo dul qaadan Ka rin,isla markaana ka baxsan axshixii saxaafada iyo guud ahaanba hanaankii ay  s axaafadu uga war bixin jirtay dagaal meel ka dhacay.

Waxaana uu u haystaa web-ku warkaasi uu qoray horumar uu gaadhay oo uu k aga horayn doono gebi ahaanba saxaafada ka jirta dalka aqoon la'aan haysata awgeed.

Hadaba website-kan oo ku kacay fal danbiyeed ah qaybinta,kala fogaynta, iyo magacyo u bixinta shacab meel kuwada nool oo khilaaf yar oo la xalin karaa  dhe xyaalo ayaa waxay tahay mid la odhan karo website-kani ma meteli karo isla mar kaana kuma hadli karo mansab saxaafadeed,ilaa inta uu joojinayo arimaha  noo caas oo kale ah.

Geba-gebadii maqaalkaygan waxaan soo jeedinlahaa laba afar qodob oo aan la ba ka mid ah u soo jeedinlahaa xukuumada somalialnd,labana website-kan ka baxay shaqadii lagu yaqaanay sxaafada.



Xukuumada Somaliland waxaan u soo jeedin lahaa;


1:In ay si dakhso ah isla markaana ka muuqato hab dawladeed u dhamayso arin u dhaxaysa labada beelood.


2:In waxkasta oo ay isku hayaan labadan beelood lagu dhameeyo wada hadal



Waxaan usoo jeedin lahaa dhamaanba saxaafada;


1:Waa in uu webka waxan qoray xaal mrin ka bixiyo ilayn waa uu gefaye,oo beel dhan ayaa uu ku tilmaamay dad qalato.

2:Waa in ay warbaahintu warbixinahooda ku aadan colaada u dhaxaysa labadan beelood ee degaanka Ceel-bardaale ,marka ay waxa ka qorayaan si aad ah uga fiirsadaan,waxna uga sheegaan si dhex-dhexaad nimo ah.


 


By:Fu'aad Xaashi Axmed

E-mail: fu,ad77@hotmail.com
Tog-wajaale Somaliland