Maxaa
islaamku ugu oglaaday raga Muslimka ah inay guursadaan
hal dumar ah wax ka badan; sida laba saddex iyo afarba?
Waxa
Mahad oo dhan iska leh Ilaahay SWT, sidoo kale waxaan
aad u amaanayaa longlivesomaliland
website, oo ah website
dhamaan somalidu meel kasta
ooy joog taba farta ku
fiiqeen, sida hagar la'aanta ah ee ay dadka uga
haqab tireen warar ka iyo dhaman barnaamijyada
kaleba. Waxaan idin leeyahay waad ku mahadsan ti hiin.
Diinta
islaamku waa diinta kali ah ee Ragga fartay in ay
guursadaan hal dumar ah hadii ayna u cadaalad samayn
Karayn, taasna Ilaahay wuxuu ku sheegay Quraan
kiisa Kariimka ah. Hadii uu ninku u cadaalad samayn karo
waxa loo ogol yahay in uu guursado mid, laba, saddex iyo
afarba.
Laakiin taa
macnaheedu maaha in ninka saddex ama afar guursaday uu
ka khayr b adan yahay ninka halka xaas ku kooban,
wax kasta oo qofka muslimka ahi qabanay waxay
hoosyimaadaan shanta arimood ee soo socda mid uun guurka
ka badan hal ka xaasna waxuu ku dhacayaa dhexda.
1. Fard... [waajib] ama
[compulsory]
2. Mustahab...[lagu
dhiirigelinayo] ama [encouraged]
3. Mubah...[loo ogol yahay]
ama [allowed]
4. Makruh...[lagu niyad
jabinayo] [discouraged]
5. Haram...[xaaran ka ah ]
[forbidden].
Diinta islaamku iyada oo waxbadan eegaysa waxay dhigtay
guurka ka badan halka xaas Nambarka 3-aad taasoo
macnaheedu yahay waa loo ogol yahay laakiin lagu
ma dhiirigelinayo.
Ilaahay [SWT]oo ah ka
ugu aqoonta badan makhluuqiisa ayaa u fasaxay in Ragga
muslimka ahi sameeyaan sidan, iyada oo uu Alle ka
damacsan yahay aqoon aan ga ran karno iyo mid
aynaan garan Karin, hadii aan soo qaadano inta aan
makhluuq ahaan garan karno.
Tirkoobka aduunka marka loo eego Lab iyo Dhidig, waxa
aan wada dareemi karn aa in Dhadigu ka badan yahay
labka, taa macnaheedu waxa uu noqonayaa hadii uu
Ninkasta oo aduunkan ku nooli guursado hal dumar ah waxa
soo baxaya tiro badan oo dumar ah oo ku soo hagaagaya
Rag la’aan. Tusaale ahaan: tirakoobkii ugu danb
eeyey ee laga sameeyey aduunka waxa ku cad in Wadanka
USA uu
7.8 Million dum ar ah
ay ka badan yahiin tirakoobka ku nool ee raga ah.
Sidoo kale wadanka
UK 4
Million ayaa ka badan raga,
Germany 5 million,
Russia
9 Mil lion, aduunka oo
dhana Ilaahay ayaa garan inta Dumar ah ee ka badan raga,
hada ba si loo xaliyo loogana hortago in Hablahaasi
guurka aan helin ay u helaan guur w axay
noqonaysaa laba mid uun;
1. In ay guursadaan Rag leh
xaasas hore iyo
2. in ay guurba iska
daayaan, hadaba diintu waxay ku talisay maadama oo ay
tah ay Raxmad Ilaahay u soo rogay aduunkan in ay
guursadaan Raga leh dumar hore si aanay ugu dhicin guur
la’aan.
Referance...
book of Dawah... by Dr. Zakir Naik.
Khadar
Dahir Abdi
Hargeisa, Somaliland
khadiir@hotmail.com |
|