Maxaa dhaliyay Dhaqdhaqaaqii wadaniga Somaliyeed
Somali National Movement ( S N M ) ?

QAYBTII-1 AAD


 


Jiritaanka dawlad qaran ah oo soomaliyeed , wuxuu taariikh ahaan ka bilaabmay sanadkii la magac baxay sanadka Afrika ee 1960 kii.

Markii dalka dadka Soomaaliyeed ee waqooyi ( Somaliland ) oo  guma ysiga Ingiriiska ku hoos jirey iyo kan koonfurta oo Qaramada  midoob ay ( UN ta ) amaano ahaan ugu dhiibeen Talyaanigu, ayku  guuleyst een xaqiijinta Midnimo Qaran. Madax banaani-siyaasadeed iyo  aasa asida Jamhuuriyadii Soomaaliyeed.


Guushaasi waxay ku timid halgan Xornimo-doon ah oo kulul oo waqti dheer soo qaatey. Marxalado kala duwana ka soo gudbay. Waxa wejiyadaas kala duwan ee halgankaasi soo maray ka mid ahaaa Gadoodyo iyo kicitaano ay ku kaceen Dhinacyada Somaaliyeed. Baaqyo fikri iyo siyaasi ah iyo banaanbaxyo lagu diidanaa dhibaatooyinkii iyo foolxumooyinkii kale ee Gumaysiga.
 

Waxa la sheegi karaa in marxaladihii hore aaney kacdoonadaa iyo gadoodyadaasi isku xid hnayn ama isla jaanqaadayn.laakiinse

min badhtamihii 40-tanaadkii dhaqdhaqaaqa halganka dadwayne ee Gumaysi-diidka ahi ( waqooyi ama Koonfur ) wuxuu si tartiib tartiib ah u sii yeelanayay qaab nidaamsan oo leh waji siyaasadeed oo guud ahaan cad.


Xarakadaa balaaadhan ee iyada ah ayuu halganka xornimo-doonka Somaliyeed la hana  q aadey. Halgankaa oo u gudbay marxalad cusub, oo muraadkeedu yahay halgan dadweyn e,oo leh hogaan urusan iyo ula jeedooyin muuqda. Taasi oo ay astaan u ahaayeen  asxaa btii siyaasadeed sida , S Y L (koonfur ) iyo S N L , N U F , iyo U S P ( Waqooyiga )

Herkan guud ahaan tayada leh ee uu gaadhey halganka gumaysi-diidka ahi ayaaa lagu ke enay madax-banaaanidii gobollada Waqooyi ( Somaliland ) 26 kii Juun 1960 kii. Markaas oo ay dhalatey dawlad Qaran ee Jamhuuriyadii Soomaaliyeed .


Mudadii sagaalka sanadood ahayd ( 1960 1969 ) ee ay xukuumadaha rayidka ahi dalka ka jireen, waxa jirey Dastuur ay qoraalkiisa ku xusan yihiin Xorriyadaha siyaasiga ah iyo xuquuqda Dimuqraadiga ah ee ay tahey iney dadkuu yeeshaan taasi se ma'ay noqon mid si la taaban karo u xaqiiqowda .

Waxa dhacday in hogaankii xisbiyadii madax-banaanida dalka usoo halgamay aaney  must aqbalka dadka iyo dalka ugu fikirayn si aragti dheeri siyaaasadeed leh. Guudahaan  astaa ntii madaxbanaanida oo idil waxaa laga oo qaadey In Xukunka gumaysiga la tuuro , Waqo oyi iyo Koonfur laisu daro bandiirad qaran ahaaneed la saaro, Jamhuuriyad Soomaalieed lagu dhawaaqo,

Lakiin ma ay dhicin in la sameeyo barnaamij isu dheeli tiran oo la socda waayaha Dowlada cusub, looguna talo galay in lagu tirtiro dhaxalkii qadhaadhaa iyo raadadkii Gumaysiga. Horena loogu dhigayo nolosha siyaasadeed iyo tan dhaqan dhaqaale ee Bulshada.

Taa badalkeeda sida dalalka afrika badankooda ka dhacda ayuu Gumaysigii mar labaad  s iyaaasadeeda dhaqan-dhaqaale si dadban u soo galay (neocolonialism ) waa dhab in ilaa xad la haystey xorriyada hadalka ,tan saxaafada ,tan samaysadka xisbiyada , u loolanka doorashooyinka iyo kuwa lamidka ah . lakiin isla markaaa waxa taa barbar socday in  tart iib-tartiib ay u soo xaalufayeen Xoriyadihii iyo xuquuqdii asaasiga aheyd ee Dastuurku  ka faalo qaadayey.

Waayo-aragnimadaa taariikheed waxay muujinaysaa in is-bedel lama huraan noqdey  mar ka ay arintu sidaa hirig u noqoto. Sidaa awgeed ayaaney la yaab u laheyn in  dabayaaqa d ii 1969, kii ay duruuftu u bislaysay in is-bedel siyaasadeed dhaco.

Hadii dib taariikhda loo raaaco. Iyadana layaab ma noqoneyso in cidda kaiya ee ka  faa'iid eysan kartaa duruuftaa qalafsanayd ee dalka ka taagneyd aheyd Ciidamada Qalabka  Si da, Sidaa-darteed ayay Ciidamadii Qalabka siday kula wareegeen awoodii taladii dalka, ta ana wxaa ugu wacnaa, marka laga tago sbabihii u gaar ahaa

Maxamed Siyaad Bare. Oo laga yaabo in afgenbigii 21kii, bishii October 1969,kii soo  dede jisay in Milaterigu ahaa qeybta Bulsho ee keli ahee mideysneyd waqtigaa.

Is-bedelkii waa dhacey, lakiin wuxuu noqdey mid aan sinaba laagu rayn marka dhinac  ka sta laga eego, natiijadiisuna waxay noqotey baaba' dhinac kastoo nolasha Bulshada ah oo aan marnaba soo marin taariikhdii cusbayd ee dalka,

Af-genbigii 21kii October , 1969kii , ee Siyad Bare iyo kooxdiisii saraakiisha aheyd xukunkii dalka ku qabsadeen wuxuu si buuxda u damiyey ama u bakhtiiyay laanbadii ama iftiinkii Dimuqraadiyada-siyaasadeed aheyd ee sii iftiimaysay.

Hogaamiyihii af-genbigu wuxuu dalka ku dejiyay qorshe uu ugu talo-galey in aanu  xukun ku marnaba gacantiisa ka bixin, waxaanu six un ugu dhaqaaqey inuu awooda dadlada oo dhan ka ilaaliyo Shacbiga. Si qorshihiisaasi ugu fulo wuxuu aaladii dawlada gabi ahaanba u adeegsadey cadaadinta iyo xasuuqa dadweynaha Somaaliyeed, dalkiina wuxuu u rogay goob xabsi iyo xasuuq kaliya lagu mutaysto. Wuxuu xad-dhaafiyay : Musuqii, Eexdii, Qabi ilaysigii iyo Cadaalad darradii Ijtimaaciga aheyd, waxaanu u horseeday : Dhaqaale-burbur , kala daadasho iyo halis weyn oo soo food saartey nolosha bulshada Somaliyeed.

Dhaqankii Diinta Islamka iyo anshaxii Aadami ahaaneed. Dhibaatooyinkii foosha xumaa ee taliskii Siyaad Barre ,geysteywaxay xad walba dhaafeen ka dib dagaalkii waallida ahaa ee uu 1977kii, ku qaadey dawladii kacaanka aheyd ee Ethiopia , dhacdadaas oo sharkii  talisk aasi ku fidisay xiisada ka aloosan ilaa manta gobolka geeska Afrika oo idil.


Denbiyadaa laxaadka leh ee taliskaasi u geystey dadka Somaliyeed ( ha u badnaadaan xaga waqooyiye ) ayaa dhaliyay Dhaqdhaqaaqii wadinaga Somaliyeed

( Somali National Movement ) S N M iyo halgankii hubeysnaa ee usoo marey. Halgankaasi oo soo marey marxalado dhowr ah :

1 Marxaladii Guuxa, cabashada iyo ka-damqashada xukunkii faashiga oo aheyd 1969kii - 1980 .

2 -Marxaladii abaabulka dadweynaha iyo asaasidii ururka oo aheyd 1980 1981.

3- Marxaladii la gudo galey halganka hubeysan, lana sii xoojiyay abaabulka iyo kicintii  dad weynaha .

4 Marxaladii aad loo hirgaliyay qaabka-dagaaleed ee dhuumaaleysiga, kacdoomaduna ay karaar qaateen sida: Dhagaxtuurkii, iyo Mudaharadadii.


Howl galadaa hubaysanaa waxaa ka mid ahaa: Jebitii Jeelka Mandheera , Howlgalkii  bad baadintee Birjeex, Gelitaankii Dagaaladii Buuraha, Naafeyntii Ciidamadii Taliska ee jiidaha Gobolada Waqooyi , ugaadhsigii Madaxda Maamulkii Taliska oo socday 1980 1987kii.

Waxa xusid mudan sanadkii 1988kii, weerarkii culsaa ee ciidamada xorynta ee SNM, sida geesinimada ah ugu qaadeen meelo tiro leh oo siiba waqooyiga ka mid ah ayna ku jiraan magaalooyinka waaweyn iyo Jidadka halbowlayaasha ah oo uu ka mid yahey ka waqooyi iyo konfur isku xidha, ayaa ahaa dhacdo taariikhi ah oo dhinac ahaan aad u wiiqdey  laxaa dkii ciidan ahaaneed ee Siyaad Bare,iyo haybadiisii magac ahaaneedba. Dhinaca kalena soo kicisay kefedihii halgankii hubaysnaa ee Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Somaliyeed ( SNM )
Qiyaastii mudo 30 sano ku dhow ayaa ka soo wareegtey xiligaa isaga ah ee dagaalka SNM uu bilaabmey.

In kastaa oo bilowgii meelo tiro badan oo dunida ka mida oo taliska Siyaad Bare ka mid  ya hay u haysteen ama ay la aheydba iney tahey Laab-la-kac arinta SNM oo uu odhan jiray Siyaad Bare hadii wax laga weydiiyo waan soo qab qabanayaa afrtan inamood ee yar-yar

Markaa wuxuu aaminsanaa wax maalmo soconaya halganka SNM lakin waxa cadaatey ma rkii danbe in saadaashi Dunida iyo Taliskii Siyaad Bare ay beenowday.

Maantana marka la eego Gobalada waqooyi ama ( Somaliland ) waxay dheefsataa midhihii ay Beereen Mujaahidiintii u Dhimatey iyo inta u Naafowday iyo inta Talo ahaan u noolba manta Dhiigoodii.





Wa bilaahi towfiiq wasalaamu calykum waraxma tulaahi wabarakaatu


 

 

 


Maxamed Maxamud Axmed Shabeel ( Maxmed Arts )
maxamedarts@hotmail.com
Gabiley Somaliland